XISBIGA WADDANI OO LABA KACLEEYAY


 


Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan akhristayaasha sharafta leh, waxaannaan ku salaamayaa salaanta Islaamka ee ASALAMU CALAYKUM.

Salaantaas mid la mid ah waxaan hawwada u marinayaa Madaxda, xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ee kala jooga dalka Debediisa iyo gudihiisaba.

Waxaan si mug leh ugu mahad naqayaa Hawlwadeenada, Xubnaha, iyo taageerayaasha Xisbiga waddani ee Yurubta Galbeed ( Boqortooyada Ingriiska ) iyo dalalka Woqooyiga Yurub ( Finland, Swedan, iyo Norway ) sidii qiimaha iyo qaayaha lahayd ee ay u soo dhaweeyeen Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdraxmaan Cabdillahi Ciro intii uu ku sugnaa dalalkaas oo kala kulmay soodhawayn aad iyo aad u qiimo badnayd.

Waxaan iyana halkan uga mahad celinayaa Hawlwadeenada, Xubnaha iyo Taageerayaasha Ururkii Rays iyo Garabka ka soo goay Xisbiga Kulmiye ee uu hogaaminayay Mudane Maxamud Raage Agaasimhii hore ee wasaarada Arimaha Debada ee S/land oo martiqaad u sameeyay gudoomiye Cabdiraxmaan magaalada Bringham.

Waxayna cadeeyeen xubnahaasi inay ku soo biireen Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani aniga iyo Hawlwadeenada Xisbiguna waxaanu leenahay soo dhawaada.

Waxaan iyana halkan ka bogaadinayaa Madaxdii Qaran ka ( Xukuumada, Sadexda Xisbi qaran iyo golaha Wakiilada ) ee guusha wayn ka soo hooyay Shirkii ka dhacay dalka Turkiga ee aynu ka yeelanay tallo qaran oo uu xisbiga waddani markastaba ku baaqayay in wadahadalada Somalia tallo qaran laga yeesho, heer qaran oo loo dhanyahayna lagu tago.

Arinkaasna waxaan filayaa inay inoo muuqato guusha laga gaadhay,shirkii London ee ugu horeeyay oo isna aynu tallo qaran ka yeelanay kuna tagnay heer qaran oo loo dhanyahay isna waxaa ka soo baxay guusha mid la mid ah anaku haddii aanu nahay Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani waxaanu taageersanahay in markasta oo laga hadlayo qadiyada jirtaanka Somaliland ama laga qayb gelayo shirarka ay Somalia ku lug leedahay in tallo qaran la wada yeesho, heer qaranna lagaga qaybgalo oo aan xukumada oo keliyaha lagu eegin.

Waxaa beryahan danbe aynu maqlaynay xukumadu waxay heshiis la gashay shirkado shidaal baadhis dalka ka baadhaya, qaar kale oo iyana xagga macdanta iyo heshiis lala galay shirkado oo lagu wareejinayo dakada Berbera , oo iminka oo wefti uu Madaxwaynuhu hogaaminayo ay dalka maraykanka joogaan waxaa warbaahinta lagu daabacay in shirkadah shidaalka heeshiisyo lala soo galay.

Hadaba haddii aannu nahay Xisbiga Macaaridka ah ee Waddani waxaan xukuumada ugu baaqaynaa in heshiisyadaas sharciga la mariyo oo loo gudbiyo hayadaha sharciga si heeshiisyadaas u noqdaan qaar sharciyaysan

Waxannu aad iyo aad uga xunahay dhacdadii ka dhacday magaalada Burco ee ay ku dhinteen labada marxuun ee midkood uu ka tirsanaa ciidan amniga ee Burco iyada oo ay masuuliyinta dalka ( Wasirka Xanaananad Xoolah ) iyo masuulintii Gobolka Togdheer goob jooga ahaayen sida masuuliyad darada u dhacday, taas oo cadaynaysa sida madaxdeenu qayrul masuulka u tahay..

Waxa aynu warbaahinta ku argnay odayaal iyo waxgarad reer Caynaba oo ka cabanaya habka shaqo qorista iyo qandaraasyada ee shirkada shidaalka ka baadhaysa degaanka Caynaba, waxaanu qabnaa inaanay shaqo qoristu iyo habka qandaraasyada loo maamulay aanay ahayn mid si cadaalad u dhacday, waxaynu ogsoonahay in meelkasta oo aduunyada ah oo shidaal laga baadhayo in had iyo jeer saami loogu talagalo dadka ku nool degaankaas, cadaalad darada halkaas ( Caynaba ) ka dhacday baa keentay inay Odayaashaasi ka qayliyaan.

Waxaanu madaxwayaha kula talinaynaa inuu arintaas hoos u eego cadaalad daradaasna wax ka qabto ee aanay arinkiisu noqonin inuu digreeto hanjabaad ah iyo caga juglayn ah soo saaro dalkani wax uu ku soo caanamaalay kala danbayn, wada tashi iyo isu tanaasul ee digreeto halkaas kumu soo gaadhin.

Waxaanu aad iyo aad uga xunahay dhacdadii foosha xumayd ee ka dhacday caynaba ee dhimashada iyo in dad lagala baxo xabsiga caynaba , taas oo aan ahyn hab dhaqankeena oo ahna wax inagu cusub waxayna arintaasi cadaynaysa sida ay u liidato xaaladeena nabadgelyo, shildaal baa dalka laga baadhayaa iyo maleeshiyo beeleed ba jeelki dad kala baxaysa runtii laba is leh ma aha, xukuumadana waxaa looga fadhiyaa inay Amniga dalka sugto cadaaladana ilaaliso haddii kale waxaa dhici doona in dadwaynuhu xukunka gacantooda ku qaatan sidaa caynaba ka dhacday oo kale.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane Cabdiraxmaan M. Cabdillahi Cirro wax uu yahay nin muddo aad iyo aad u dheer Diblamaasi soo ahaan jiray oo khibrad dheerna u leh Diblamaasiyada.

Waxaa u muuqatay in maanta loo baahanyahay in dhaqdhaqaaq Diblamasiyadeed la qaado, kadib markii uu arkay arimahan oo dhan.

1. Dhaq dhaqaaqa siyaasadda arimaha debada ee Dawlada Somalia debada ka wado.

2. Indhihii caalamka oo uu soo jeestay dhinaca Somalia iyo Somaliland

3. Somaliland oo ka maqan Siyaasada arimaha debada

4. Socdaalada debada madaxda Somaliland ugu baxayaan oo ku kooban qandaraasyo la kala saxeexanyo oo keliyah.

5 Madaxdii laga sugayay inay Somaliland ka midho dhaliyaan oo arinkoodi dhaafi waayay inay gabayaan oo ay isku faaninayaan una hanjebayaan dadkii soo doortay.

Xisbiga Waddani oo uu hogaaminayo gudoomiye Cabdiraxmaan M. Cabdillaahi Cirro wuxuu goaansaday inuu isgu buxiyo. banaanshahaas ay xukumadu banaysay ee ah dhinac Diblamaasiyada oo ka bilaabay dalalka Yurubta Woqooyi oo kala ah

Finland, Swedan, iyo Norway

1.Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo gudoomiyaha Xisbiga Waddani mudane Cabdraxmaan M. Cabdillahi Cirro ayaa kulan balaadhan waxay la qaateen Xildhibaanada Barlmaanka Dalka Finland oo uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Barlmaanka ee dalkaas oo ka dhacay xarunta Barlamaanka Finland halkaas oo Gudoomiyaha xisbiga Waddani si mug leh uga waramay qadiyada Somaliland iyo dareenka shacabka Somaliland oo ah inaan laga wada hadli karin jirtaanka madax banaanida Somaaliland, taas oo ay garwaaqsadeen oo ka dhawaajiyay gudoomiyaha barlamaanka Finland inay markastaba ixtiramayaan goaanka shacbiga Somaliland.waana markii ugu horaysay ee qadiyada Somaliland heerkaas lagaga wadahadlo.

2.Dalka Sweden waxa uu gudoomiyaha Xisbiga waddani mudane Cabdiraxmaan M. Cabdillahi Cirro ka qaybgalay shir calami ah oo looga hadalay Budhcad Badeedka halkaas oo ka cadeeyay sida ay Somaliland oo ah dal aan aqoonsi iyo mucaawimo helin ay hadana dhulkeed uga dabar jartay budhcad badeedka halkaas oo si aad iyo aad ah loogu amaanay Somaliland habkeeda la dagaalanka budhcad badeedka.

Wax uu gudoomiye Cabdiraxmaan la kulmay xubno ka tirsan Wasaarada Arimaha debada ee dalka Sweden iyo xildhibaano ka tirsan Barlamaanka oo uu hogaaminayo gudoomiyaha Barlamaanka ee dalka Sweden oo dhamaantod uga waramay xaalada Somaliland iyo gooni istaageeda waxaa kale ee ka codsaday in dalka Sweden ka taageerto gooni isutaaga Somaliland taa oo ay wax badan garwaaqsadeen waxaanna la isla gartay in la sii xoojiyaan xidhiidhkooda,wana markii ugu horaysay ee qadiyada Somaliland looga wadahadlo heerkan.

3. Gudoomiyaha Xisbiga Waddani wax uu socdaalkiis Woqooyiga Yurrub ku soo gebogebeeyay dalka Norway oo la kulmiye saraakil sare oo ka socota wasaarada Arimaha debeda oo ay wadohadalo dhex mareen halkaas oo la isla afgartay dhamaan qodobadii laga wadahadlay oo iyana guul ku soo dhamaatay.

4.Gudoomiyaha Xisbiga waddani wuxuu u ambabaxay shirkii Turkiga ee ay ku wadahadalayeen Somalia iyo Somaliland oo qayb ka ah waeftigii ka socoday Somaliland ee guusha wayn inoo soo hooyay.

5. Gudoomiyaha Xisbiga Waddani mudane Cabdiraxmaan M. Cabdillahi wax uu ka soo degay madaarka caasimada Boqortooyada Dalkan Ingriiska halkaas oo kulamo kala duwan la qaatay qaybo ka mid ah jaaliyada reer Somaaliland iyo Taageerayaasha Xisbiga Waddani oo si mug leh uga waramay guulihii aynu kala nimid dalkaas turkiga iyo dalkii hooyoba, waxaa kale oo uu gudoomiyuhu la kulmiyay xubno ka tirsn labada aqal ee looga taliyo dalkan inriiska waana la isku afgartag dhamaan arimihii laga wada hadalay.

6.Waxaa la filayaa inuu socdaalkaa Gudoomiyuhu ku soo gebgeboobo dalalka carabta oo casuumado ka helay oo ay ugu horayso dalka Jordan oo xarunta barlamaanka uu hadal iyo qadiyada Somaliland ka jeedin doono.

Socdaalkaas Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan M. Cabdillahi wuxuu ahaa mid taarikhi ah marka laga eego dhinaca Somaliland iyo dhinaca Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.


ALLAA MAHAD LEH

Faisal Farafidiye

Golaha Fulinta ee

Xisbiga Waddani