Hargeysa (TNN) :– Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa 36-jir reer Gebilay ah u mag acaabay Madaxa Ololaha heer qaran ee Xisbiga doorashada madaxtooyada Somaliland ee bisha October ee sannadkani la filayo inay dalka ka qabsoonto. Sida ku cad warqad uu ku saxeexan yahay Musharraxa Madaxweynaha ee
xisbigaasi Cab diraxmaan Maxamed Cabdillaahi, waxa loo magacaabay
inuu noqdo Madaxa Ololaha ee xi sbiga Mudane Xamse Khayrre
oo ka mid
ah dhallinyarada ugu firfircoon xagga siyaasadd a iyo bulshada
rayidka ah.
Xamse inkasta oo uu siyaasadda ku cusub yahay, haddana maamulka kuma
cusba, bal se waxa uu ka soo shaqeeyay qaar ka mid ah wasaaradaha
dawladda Somaliland, Ganacsig a gaarka ah, iyo qaar ka mid ah
hay’adaha caalamiga ah ee wadanka ka hawl gala. Dadkeennu siyaasadda waxay u qaateen inay tahay “BEEN”. Horta waxaan doonayaa in s iyaasaddu tahay “RUN” iyo “Samatalisnimo” tahay muujiyo. Waxaan kale oo doonayaa in siyaasadda Somaliland ee hal-abuur la’aantu daashatay, ku soo kordhiyo aragtiyo ho ru-socodnimo iyo isbeddel togan keena ku biirsado. Waxaan doonayaa in aanan uga sii darin ee ugu soo daro dheeraad wixii halgamayaashii hore soo kordhiyeen ee wanaag ahaa” ayuu yidhi Xamse oo ka warramayay sababta ku kelliftay siyaasadda. Xamse waxa uu Xisbi siyaasaddeed si rasmi xubin uga noqday sannadkii 2012-kii doorash ooyinka golayaasha deegaanka, waxaanu ka mid noqday aasaasayaashii Ururkii Ummadd a la odhan jirey ee uu hoggaaminayay Maxamed Cabdi Gabboose. “Arrimaha axsaabta wa xaan soo galay sannadkii 2012, waxaanan ka mid noqday aasaasayaashii Ururkii Ummadd a. Magaca Ummadda ee xisbiga wuxuu ahaa mid Alle i waafajiyay, Mabda’a xisbi gana dajintiisii qayb baan ka ahaa” ayuu yidhi Xamse.
|