XISBIGA WADDANI UK LAANTIIS NORTH LONDON OO SHIRWEYNHOOGII UU QABOOMAY

 

 

XISBIGA WADDANI UK LAANTIISA North- London oo kamida laamaha faraha badan ee xis biga waddani ku leeyahay dalka UK ayaa waxay shir muhiima ku qabsatay 18/02/2017; waqooyiga magaalada London shirkan ayey u jeedada loo qabtay ahayd, dardar gelinta laanta iyo dibu dhiska gudida laanta. waxaa shirka kasoo qayb galay dhamaan gudida laa nta North- London ee xisbiga waddani oo ay hogaaminayso gudomiyaha laanta North-Lon don marwo saynab xaji maxamed, waxaa kaloo iyana goob joog ka ahaa xubno kamida gu dida laamaha kale ee xisbigu ku leeyahay uk, waxaa kaloo kasoo qayb galay qaar kamida gudida fulinta ee xisbiga waddani uk. xog-waran talooyin iyo guubaabo badan kadib waxa a la guda galay dhismaha gudida cusub ee hogaamin doonta laanta North-London ee xisb iga waddani uk: iyadoo halkaas lagu doortay gudi dhamaystiran oo hogaamin doonta laa nta halkaasna lagu ansixiyey. masuuliyiintii iyo xubnihii kale ee shirka kasoo qayb galay ay aa ilahay uga baryey gudida cusub inuu u fududeeyo masuuliyada iyo hawsha loo igmad ay, gudida cusub ee loo doortay laanta ayaa, iyaguna halkaas ka balan qaaday inay deda al badan oo habeen iyo maalinba ah u geli doonaan sidii loo laban laabi lahaa guud ahaan ba hawlaha xisbiga waddani uk gaar ahaana laanta North-London.
shirka ayaa ku soo dhamaaday farxad iyo wanaag:

 



Xoghayaha warbaahinta Waddani UK
Mataan M Omar
Sheffield,UK