Xisbigii Wadani Dhaqan Celis Siyaasadeed Baa Ka Maqan


 

 



Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro) guddoomiyaha golaha wakiilada ahna gudddoo miyaha xisbiga Wadani ayaan aaminsanahay in uu yahay siyaasi deggan oo ku habboon mur ashax madaxweyne. Waxaa hadaba nasiib darro ku noqotay iyo laf dhuun fadhida xisbigii Wa dani fursaddii siyaasadeed ee guddoomiye Cirrana luminaya ashkhaasta hormoodka ka ah xi sbiga Wadani oo siyaasaddiina ka aradan guddoomiyihiina dhaga barjeeyay, badidooduna ah shakhsiyaad xagjir ah oo ka fog siyaasad iyo soo jiidashada taageerayaal cusub iyo kuwii sii joogayba. Ashkhaastaasi ayaa hadaba guddoomiyihii iyo xisbigiiba jaha wareeriyay kuwaas oo ku olalaynaya hanjabaad, waxbaan dilayaa, xaslooni darro iyo qabyaalad reer hebel ah o o joogta ah TV- yadana iyaga oo aan xishoonayn la soo fadhiisanayaan mar kasta.

Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro) oo ah mas’uul halyay ah, ahna murashaxa u ta agan inuu tartan la galo madaxweynaha haatan talada dalka haya Md Axmed Maxamud Siir aanyo ayaa sida ii muuqata taageerayaal badanina ka sii socdaan oo ka baxayaan xisbigii W adani, kuwii ku soo socdayna dhexda ka sii leexanayaan oo xisbiyada kale ku kala ku biirayaa n sababahaas aan soo sheegay awgood haddii aan xisbiga Wadani si deg deg ah dib u sixid madax iyo mijo ah lagu samayn sida uu maanta yahay. Qofka dibadda manta ka taagan kama qarsoona axsaabta qaranka gaar ahaan xisbiga kobaad ee mucaaridka ah ee Wadani, waxa ad markiiba arkaysaa in taladii xisbigu si qaldan ugu gacan gashay shakhsiyaad aan wadin d anta md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro) in uu dhamaan gobalada dalka ka helo ta ageerayaal kala duwan. Dad badan oo u janjeedhay ama hore u taageersanaa md Cabdirax man Cirro ayay imiga ula muuqataa in xisbigii u afduuban yahay shakhsiyaadka kala ah Cabdi raxman Xoog oo dad uu Cirro ka eryo mooyane aan qof manta keeni Karin, Waxaa ka mid a ah wasiirkii hore ee guriyaynta Md Siciid Sulub, guddoomiye ku xigenka xisbiga ee

ku baaqay hubka ha loo qaato sidii dawladda loo ridi lahaa. Waxaa kale oo ka mid ah Siciid Cil mi Rooble oo ku baaqay Cidamada Siralyoonow na soo gaadha ! Subxaanaka ya RABBI Xasa n Axmed Goodaad iyo qaar badan oo kale oo halka ay xisbiga barnaamij siyaasadeed u diyaa rin lahaayeen, wali ku jira day daynimadii iyo dab hurin colaadeed oo dalku ku burburoiyo da gaal sokeeye.

Waxaan ku soo khatimayaa in xisbiga Wadani imiga la soo gaadhay wakhtigii ay lagama maar maanka ay ahayd in dib u habayn cilmiyaysan lagu sameeyo, cayda iyo aflagaadadana aan ay cod iyo sumcad midna inoo keeahayn. Xisbigu wuxuu u baahanyahay barnaamij siyaasad eed oo faahfaahsan oo uu cod bixiyeyaasha u sheego. Xisbigii wuxuu u baahan yahay in sha khsiyaadka didinaaya taageerayaasha soo socda iyo kuwa joogaba in dhaqan celis siyaasad eed loo diro oo la baro xisbi mucaaridii sidii uu dad u kasban lahaa qorshe siyaasadeedna do orasho u soo bandhigi lahaa waa haddii aynu daacad ka nahay doorashada md Cabdiraxman Cirro, dayaca,kala daadsanaanta iyo sidii la isaga furdaamin lahaa shakhsiyaadkan dhooqee yay magacii murashaxa iyo kii xisbigabana loo dhaqan celin lahaa. Ugu damayn Maanta xisbi gii Wadani waxaa ila quman in isbadal dhexdiisa ah iyo barnaamij siyaasadeed loo sameeyo inta aynaan doorasho Siiraanyo lagu badalo ka fakirin.

 



Sacad Axmed Caalin
Hargeisa