Xisibiga wadani oo ka digaya inay dawladu wadahadalda Som alia iyo Somaliland ka qayb gasho iyada oo aan tallo qaran laga yeelanin

 



Waxaan halkan ka salaamayaa dadwaynaha reer Somaliland aniga oo ku salaamaya salanta Islaamka ee ASALAMU CALAYKUM,
waxaan salaantaas mid la mid ah ku salaamayaa Bahwaynta Wadaniga dhabta ah ee dunida dacaladeed kala jooga.

Haddii aanu nahay xisbiga Mucaarida ah ee Wadani waxaanu Xukumada Somaliland uga digaynaa inay ka qab gasho wadahadalada Somalia iyo Somaliland ee 7may London ka dhacaya ama ha noqdeen qaar dal kale ka dhacaya iyada oo aan tallo qaran laga yeelan.

Wadahadaladii hore waatii aynu ogayn ee tallo qaran laga yeeshay ee cidida iyo qodaxdaba laga xaadhay ka bacdina labada gole ansixyeen,
Xisbiga wadani oo markaa Urur ahaana wuxuu ka mid ahaa Ururadii iyo Xisbiyadii taageeray waynu ogayn guushii halkaas ka dhalatay ee aynu isu soo hor fadhiisanay sidii laba dawladood siman halkaasna ay ka baxday hamigoodii ahaa inay Somaliland hoos timaado Somalia , casuumadii aynu ku tagnayna ay ahayd mid qaran, shirkaas oo ahaa kulankii ugu horeeyay oo ujeedadiisu ahay in la is hor fadhiisto , waxaanu qabnaa in halkaas guuli Somaliland uga soo hoyatay guushaana waxaa lagu gaadhay wada tashi qaran oo laga baarandegay dhamaan arimahii ku saabsanaa shirkaas ka qayb galkiisa si aanu wax u yeelin goaankeeni ahaa Qarannimada Somaliland waa ma taabtan.

Waxaanu qabnaa haddii aanu nahay Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani in maantana intaan loo qalab qaadan tegitaanka shirkaas in tallo qaran oo ka qoto dheer tii hore laga yeesho arinta wadahadalada Somalia iyo Somaliland, waxaanu aaminsanahay in markastaba oo arinta Somaliland laga hadlayo uu miisaanku ama marjaca loo noqonayo uu ahaado goaankii dadwaynuhu goaansadeen ee ahaa in qadiyada Somaliland ay tahay lama taabtan iyo waxaan gorgortan geli karin.

Xisbiga Mucaaridka ah ee wadani wuxuu mar kastaba iyo qadiyad kastaba ka tarjumaa dareenka shacabka reer Somaliland taas oo uu markastaba ka hadlo kulba halka uu shacabku ka xoqanayo ama dareen kaga jiro, arimahaas oo ka mid ah barnaamijka xisbiga wadani oo ugu balan qaaday reer Somaliland inuu fuliyo inta uu xisbi yahay iyo marka uu talada dalka gacanta ku dhigo.

Xisbiga Mucaaridka ah ee wadani waa mucaarid wax dhisaya ee ma aha mucaarid wax duminaya , taasna waxaa ka markhaati kacaya markii uu khilaafka baani soo kala dhex galay labada masuul ee dalkeena ugu sareeya oo kala ah Madaxwaynaha iyo kuxigeenkiisa oo uu dhex dhexaadintoodii hogaaminayay gudoomiyaha xisbiga wadani mudane Cadbiraxmaan Cirro ee uu gulaysay inuu qadiyadaa dhameeyo taas oo wadanka oo dhami u dabranaa.
Arintaas oo qolooyin badani i waydiiyeen oo ay yidhaahdeen Wadani miyaano xisbi mucaarid ahayn oo maxaydun u dhexdhexaadinaysaan maydun daysaan ha isku dhalaashe, taas oo aan ugu jawaabay taasi waa farsamadii Kulmiye ee ahayd ku jiqsii , anaku waxaanu nahay xisbi mucaarid ah oo wax dhisa ee ma nahin mid wax duminaya haddii ay isku dhalaasho waynu wada qasaarnay ee Kulmiye iyo Xukumada oo keliyahi may khasaarin, anakuna haddii aanu nahay xisbiga mucaaridka ah ee Wadani dalkan iyo dadkaba lexelo jecelo baa naga haysa,
waxaannu rabnaa in si shurucda iyo distoorka waafaqsan ku hantino talada dalka oo tartan lagu kala badiyo.

Waxaanu Xukumada iyo Kulmiyahan is barkan ugu baaqaynaa inay wax ka qabato sixir barakan, Laydhka, Gaadiidka iyo shidaalkan sare u kacaya ee aanay dadkeenu awada u haynin iyo ganacsatadan dalka ka sii qaxaya ee dekadaha kale u wareegaya oo ay waajibaadkii dalka iyo dadkaba ka saarna ka soo baxdo, halka ay kolba ku mashquulayso goosan yar oo ay tidhi URURKII UMADDA bay ka soo goosteen meel yar oo madaw sawiro kaga qaadayso.
Horaa loo yidhi xalaal iftin baa la qashaa ee URURKII UMADDA watii la ogaa halkii uu maray oo uu goor duhur ah kumanaan ka kooban Golahiisi Fulinta, Golahiisi dhexe, Golbolda iyo Degmooyinka Hutel Ambastor isugu yimaadeen oo ay ku bireen Xisbiga Mucaaridka ah ee wadani 23 kii xafiis ee debaduna ku taageereen culimaduna ku ducaysay.

Walaalahayo reer Xaqsoor oo aanu isku qadiya ahayn markii aannu URURKA UMADDA ahayn waxaan leeyahay sahan baanu idinku maqnayn ee waxaanu idinku baaqayna Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani inaydun ku soo dhawaatan oo cududiini iyo awoodinii nagu biirisaan si aynu u noqono xisbi mucaarid ah oo awood badan.

ALLA MAHAD LEH

faisal farafidiye
Golaha fulinta ee
Xisbiga Wadani