Xog Arrimaha Dibadda ee KULMIYE, Dr Maxamed Cabdillahi Cumar, oo maanta dawladda Maraykanka la kulmay

 

Washington DC (Longlivesomaliland News)- Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xi sbiga KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay xarunta Baarlamaanka Maraykanka ee loo yaqaan Capitol Hill ee  ma gaalada Washington, oo uu ku tagay booqasho rasmi ah ka dib markii uu  marti qaad ka helay dawladda Maraykanka si loola yeesho la tashi ku saabsan  arrim aha Somaliland.

Masuuliyiinta Maraykanka ee maanta ku soo dhawaysay Dr. Maxamed Cabdillahi Capitol Hill waxaa hor kacayay Congressman Donald Payne, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibada iyo Afrika u qaabilsan Baarlamaanka dawladda Maraykanka iyo masuuliyiin kale.

Soo dhawayntaasi ka dib waxay xoghayaha iyo Congressman Donald Payne oo ay weheliyaan xubno ka tirsan baarlamaanku ay yeesheen kulan dheer oo ay  ka wada arrimo la xidhiidha xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka. Waxay si gaar ah uga wada hadleen sidii loo hagaajin lahaa xidhiidhka iyo iskaashigii ka dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka oo uu dhawaan soo dhex galay isfagranwaa. Waxay kaloo kawada hadleen arrimaha siyaasadeed ee hadda ka jira Somaliland iyo  xiis adaha ku xeeran hawlaha diyaargarawga doorashada madaxtooyada  Somalila nd. Waxaana la filayaa inuu dhawaan warsxafadeed ka soo bixi doona  wadahad alka laba geesood.

Dr. Maxamed Cabdillahi oo warbaahinta u waramay shirka ka dib ayaa sheegay inuu dawladda maraykanka ka codsaday in aanay joojin iskaashiga iyo  taageer ada ay u fidiso shacabka Somaliland. Wuxuuna Xoghayuhu tilmaamay inay  Somal iland maanta marayso xilli kale guur ah oo siyaasad ahaan xasaasi ah,  manadaq adana ay ka aloosan yihiin xiisado colaadeed iyo nabadgalyo darro, sida agweed buu yidhi loo baahan yahay dawladda Maraykanku taageero isla garab taagto shacabka Somaliland kana caawiso siday u kobcin lahaayeen nabadgalyada iyo dimuqraadiyadda ay dhibka badan u soo mareen.

Dr Maxamed oo u waramayay shabakada wararka ee Somaliland.Org, wuxuu  yi dhi xil baa naga saaran xisbi ahaan inaanu u gurmano danaha shacabka  Somali land ka dib markay noo muuqatay in xidhiidhkii Somaliland iyo dawladda  marayk anka oo ah dawladda adduunka ugu awoodda badan uu jar ka sii dhacayo, khal ad xagga xukuumaddeena ka bilaambay awgeed.

Muddada uu booqashada ku joogo Maraykanka wuxuu Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar kulan gaar ah la yeelanayaa masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka oo ay kawada hadli doona arrimo saameeya siyaasadda Somaliland. Waxaa kale oo uu la kulmi doonaa Wasaaradda  Macaawi nada Dibada ee Maraykankan ee loo yaqaano USAID iyo hay’adda caalamiga ah ee u dooda xuquuqda biniaadamka oo loo yaqaano (Human Rights Watch), oo uu kale hadli doono xadhiga xaqdarada ah ee wariye Maxamed Cismaan Mire  (Say id) iyo Axmed Saleebaan Dhuxul oo labaduba ka tirsan Idaacadda Horyaal.

Booqashada Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE ee Maraykanku iyo  kula mda rasmiga ee uu dawlada Maraykanku la yeelanayaa waxay ku soo beegmeen xilli Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdillahi Maxamed Ducaale, uu  jo oga magaalada Washington in muddo ah oo ay dawlada Maraykanku diiday inay la kulanto, arrintani oo muujinaysa sumcad xumida Wasiir Cabdillahi Ducaale iyo xukuumada Rayaale ay maanta adduunka ku leeyiiihiin.

Sanadkan horaantiisii ayay ahayd markii Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dawladda Ingirriiska u qaabilsan arrimaha Afrika, Lord. Mallach-Brown, uu la tashi ugu yeedhay Dr. Mamxamed Cabdillahi si loogala tashado arrimaha   dooras hada madaxtooyada Somaliland oo dib u dhac ku yimid, ka dibna waxaa loogu  ye edhay madaxwayne Daahir Rayaale magaalada London.

Arrimahani waxay muujinayaan in siyaasadda Arrimaha dibadda ee Somaliland uu hadda horumarinteeda gacanata ku haya xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, halka awooda siyaasadda dibadda ee xukuumaduna ay ku soo ururtay inay kolba jawaabcelin ka bixiso siyaasadda iyo diblomaasiyadda xawliga ku socota ee xisbi ga KULMIYE.

Dr Mohamed Abdilahi ayaa lagu wadaa in uu bari la kulmo madax ka tirsan  Wasa arada Arimaha dibada ee Maraykanka.

 

 

Source:Somaliland.org