Xoghayaha Arimaha Dibada ee Kulmiye Dr Maxamed Cabdil aahi  Cumar oo la kulmay qaar ka mid ah Jaaliyada reer Gabiley ee UK
 


London (TNN)-Xubnahan oo shir khaas ah la qaatay Wasiirka Arimaha Dibada ee Kulmiye Dr Maxamed Cabdilaahi , laguna falanqeeyay xaalada guud ee wadankii .

Xoghaya arimaha dibeda ee xisbiga kulmiye mudane Dr Maxamed Cabdilahi Cumar ayaa kulan la yeeshay dhalinyaro iyo wax garad kamid ah jaaliyada kasoo jeeda gobolka gabiley ee  deg an wadanka ingiriiska, kulankan oo ka dhacay magalada london waxay u jeedadiisu ahayd is xog wareysi iyo saabootis Dr maxamed cabdilahi xoghaya xisbiga qaran ee kulmiye oo  dhaw aan u baqooli doona wadankii madaama doorashadii madaxtooyadu kaabiga inagu hayso.


Jaaliyada reer Gabiley ee shirkan ka qaybgashay oo ka kala yimiday magaalooyin kala duwan oo wadankan ingiriiska ah, waxa ugu horeynba halkaas hadal dheer oo dhinacyo badan  taaba naya ka jeediyay xoghaya arimaha dibeda Dr mahamed cabdilahi cumar oo si qoto dheer uga waramay muhiimada ay leedahay doorashada fooda inagu soo haysa iyo sida loogu baahan yahay in dadka reer somaliland ugu baahan yihiin isbedel siyaasadeed oo dalka ka dhasha, ga ar ahaan wuxu ku dheeraday doorka gobol ahaa reer gabiley ku yeelan karaan isbedel wax tar leh oo wadanka ka hirgala madaama uu ka mid yahay gobolka Gabiley kuwan ugu dadka badan gobolada Somaliland.


Waxa iyaguna dhinacooda halkaas hadalo mahadnaq iyo dhiiri gelin ah kasoo jeediyay xubnihii jaaliyada ee kulankaas ka qayb galay, waxana kamid ahaa dadkii halkaas ka hadlay  Gudoomiy aha Juffa Intellectuals Group , Dr Xuseen Mohomed Nour.

Waxa kale oo halkas ka hadlay Cabdi Xasan Dheere, Ahmedkeyse Aw Nur Amin iyo xubno kale oo muhiim ah, waxayna dhamaantoo d muujiyeen taageerada ay u hayaan Dr Mahamed Abdil ahi, Xogyaha Arimaha Dibeda ee  Xi sbiga Kulmiye, iyaga oo uga mahad celiyay la kulankooda guulna u rajeeyay xisbiga qaran ee kulmiye.


By: Abdirisaq Hassan Warsame