Xoghayaha Arrimaha
Dibadda ee KULMIYE, oo ka qaybgalaya shirweyne caalami ah oo ka
dhacaya dalka Sweden
Xoghayaha
Arrimaha Dibadda ee KULMIYE, Dr.
Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa saaka u dhoofay magaalada
Stocklom ee dalka
Sweden ka dib markii uu xisbiga KULMIYE martiqaad rasmi ah ka
helay urur waynaha ka dhexeeya xisbiyada dimuqraadiga ah ee qaaradda
Yurub ee loo yaqaano ELDR oo shirwayne caalami ah ku leh magaalada
Stocklom ee dalka Sweden. Gudddoomiyaha xisbiga KULMIYE, mudane
Axmed M. Maxamuud Siilaanyo oo ku talagalku ahaa inuu isna yimaado
shirkan ayey hawl qaran awgeed u suuragali wayday inuu ka soo
qaybgalo.
Waxa ay casuumaddani daba socotaa shirwaynayaal caalami ah oo isdaba
joog ah oo masuuliyiinta sare ee xisbiga KULMIYE ay hore uga qayb
qaateen. Kalfadhigii kal hore ee shirwaynahan oo ka dhacay magaalada
Berlin waxaa ka soo baxay war murtiyeed ugu yeedhay wadamada Yurub
inay aqoonsadaan somaliland*. Laakiin wuxuu shirwaynahaasi ku
cambaareeyay Madaxwaynaha Soomaliland, Mudane Daahir Riyaale Kaahin,
xadgudubyo ka dhan ah xuquuda insaanka, wuxuuna ugu yeedhay inuu
joojiyo tacadiyada noocan oo kale ah, haddii uu doonayo in urur
xisbiyeedka ELDR uu sii wado taageerada uu u hayo qaddiyadda
aqoonsiga Somaliland.
Shirwaynaha sanadkan oo ka wayn kii kal hore, kana soo qaybgalayaan
wufuud ka socota wadamo badan, waxaa qodobada laga wada hadlayo ka
mid ah ilaalinta xoriyadda iyo xuquuqda dadka, suuqa ganacsiga,
horumarinta deegeenka iyo qodobbo la xidhiidha nabadgalyada iyo
siyaasadda dibadda ee caalamka. Waxaana lagu talo jiraa inay ka soo
baxaan talooyin saamayn ku yeelan kara arrimha aduunka qaar ka mid
ah.
Siyaasadda arrimaha dibadda ee KULMIYE waxay xoogga saraysaa sidii
loo kobxcin lahaa xidhiidhka Soomaliland la leedahay caalamka, iyo
sidii waxa looga qaban galdaloolooyinka ka muuqda siyaasadda
xukuumadda ee dibadda, sidaa awgeed ka qaybgalka shirwaynahan ee
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE waxay ka turjumaysaa dadaalka
uu xisbga KULMIYE ugu jiro ka midha dhalinta himiladaasi. Sida laga
warhayo wuxuu xisbigu in dhawaydba waday hawlgallo siyaasadeed oo ku
jeeda siyaasadda dibada ee Somaliland, waxaanu xisbigu qaar ka mid
ah wadamada Afrika iyo Yurub la samayseeyay xidhiidh wadashaqayneed
oo waxtar u yeelan doona shacabka Somaliland. Ka qaybgalka shirkan
ee KULIMIYE waxay kaloo dardar cusub galinaysaa dadaalka ay qaar ka
mid kooxaha siyaasadda ee reer Yurub ugu jiraan taageerida aqoonsiga
Somaliland.
Xogahayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE wuxuu inta shirwaynuhu socdo
kulamo gaar ah la yeelan doonaa qaar ka mid ah hogaamiyayaasha Yurub
ee ka qaybgalaya shirwaynaha iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda
Sweden. Waxaanu ka warbixin doonaa xaaladda siyaasadeed, nabadgalyo
iyo dhaqaale ee Somaliland iyo kaalinta uu xisbiga KULMIYE kaga jiro
hawlaha dalka iyo kuwa gobolka Geeska Afrikaba. Waxaa kaloo Dr.
Maxamed Cabdillahi Cumar ka mahadcelin doonaa taageeradii uu
shirwaynahani reer Yurub sanadkii hore u fidiyay qaddiyadda
aqoonsiga Soomaliland. Waxaa kaluu Xoghayuhu ka hadli doonaa
hawalaha diyaargarawga doorashooyinka madaxwaynanimada ee dalka ka
socda, khatarta ay budhcad badeedu ku hayso gobolka, xaaladda
xuquuqul Insaanka Soomaliland iyo hindisayaasha xisbiga KULMIYE ee
ku jeeda sidii nabadgalyo loogu soo dabaali lahaa manadqadda Geeska
Afrika.
Waxaa kaloo xoghayuhu la kulmi doonaa xubno ka tirsan mas’uuliyiinta
jaaliyadda Somaliland iyo madaxda iyo taageerayaasha xisbiga
siyaasiga ah ee KULMIYE ee Swden.
XAFIISKA ARRIMHA DIBADDA
XISBIGA KULMIYE
|