Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE oo loogu yeedhay ka qaybgalka shirweyne ka dhacaya Itoobiya

 


London Xoghayaha Arrimha Dibadda ee Xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa saaka oo Sabti ah, 30 August, u duulay magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya oo uu kaga qaybgalayo shirwayne lagaga hadlayo sidii nabad loogu dhammayn lahaa colaadaha ka dhex aloosan wadamada ku yaalla geeska Afrika.


Shirwaynahan waxaa ka qaybgalaya wakiillo ka kale socda dalalka geeska Afrika, hay’ado caalami ah, Ururka Midowga Afrika iyo aqoonyahanno ku xeel dheer xal u helidda colaadaha iyo horumarinta nabadda iyo dimuqraadiyadda. Waxaana la filayaa in si qoto dheer loogu lafaguro khilaafaadka siyaasadeed iyo xasilooni darada ka taagan meelo ka mid geeska Afrika. Arrimaha sida gaarka ah loo eegayo waxaa ka mid ah khilaafka u dhaxeeya Itoobiya iyo Eritariya, ciidamada Itoobiya ee jooga dalka Soomaliya, arrinta Daarfuur, ladagaalanka argagixisada iyo kobcinta nabadda iyo dimoqraadiyadda.


Dr. Maxamed Cabdillaahi oo intii aanu dhoofin ay qaar ka mid ah saxaafadu wax ka waydiisay shirkan wuxuu yidhi “ Horta waa markii ugu horaysay ee ay Somaliland si buuxda uga qaybgasho kulammo noocan oo kale ah fikerkeedana ka dhiibato xiisadaha ka taagan gobolka aynu ka mid ka nahay”. Waxaanu raaciyaya “ Siyaasadda dibadda ee xisbiga KULMIYE waxay ka shaqaynaysaa sidii Soomaliland looga saari lahaa go’doonka ay hadda ku jirto, loona abuuri lahaa jawi ay Soomaliland ku dhex gasho dunida, codkeedana looga maqli lahaa fagaarayaasha caalamiga ah iyo kuwa gobolkaba” Waxaanu kaloo sheegay in siyaasadda dibadda ee Kulmiye ay ku eegayso arrimaha mandaqadda aragti balaadhan.


Mar la waydiiyay waxa ay siyaasadda dibadda ee KULMIYE kaga duwan tahay ta xukuumadda waxuu yidhi “ Siyaasaddayada dibaddu waxay si dhab ah uga turjumaysaa masalaxadaha iyo danaha aasaasiga ah ee shacabka Soomaliland, sida ganacsi xor ah, ilaalinta nabadgalyada dalka iyo ta gobolka, helitaan saaxiibo caalami, iskaashi horumerineed iyo in Soomaliland oo ka mid noqota bulshada caalamka, iyo codkeeena oo adduunka laga maqlo”. Lakiin buu yidhi “Siyaasadda khaarijiyadda ee xukuumaddu waxay ku jahaysan tahay sidii maamulka Rayaale uu u sii jiri lahaa. Xidhiidhka dibadda ee xukuumaddu inta badan wuxuu ka dhaxeeyay shakhsiyaad xukuumadda Soomaliland ka mid ah iyo kuwa shisheeye ah.

Matalan ganacsiga waa mid u danaynaya shakhsiyaad shisheeye iyo kuwa ku tirsan xukuumadda, qandaraasyada xukuumaddu la gashay shirkadaha ajinabigu waxay u gaar yihiin shakhsiyaad xukuumadda ku jira iyo ku shisheeye oo kaliya, xidhiidhada dibadda ee xukuumaddu la leedahay wadamada kale shacabka Soomaliland iyo golayaasha qarankuba waxba kama oga.

 “Dhawaanna waxay xukuumuuddu tilmaamtay in Somaliland ay ka jirto argagixiso wadani ah. Arrintani waxay keeni kartaa in dawladdaha jaarku ama kuwa ka xoog rooniba ay indho colaadeed ku eegaan shacabka Soomaliland, maamulka Rayaalana lagu taageero inuu cadaadiyo shacbkiisa, oo ah dariiqii TFG da mid u dhow. Sida awgeed siyaasadda dibadda ee xukuumaddu uma adeegayso danaha shacabka Soomaliland ee waxay ku hawlan tahay mustaqbal kordhinta maamulka Rayaale” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar.


Sanadka horaantiisii wuxuu Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, oo ka wakiil ahaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo, ka qaybgalay shirwayne caalami ah oo ka dhacay magaalada Belfast ee Woqooyiga Ireland oo ay ka soo qaybgaleen madaxwaynayaal iyo hogaamiyayaal magac ku leh dunida. Waxay hawlahani muujinayaan in xisbiga KULMIYE uu hadda si wayn uga shaqaynayo siyaasadda dibadda ee Somaliland

 

 




Source: Jamhuuriya Online