Xoghayaha Guud ee UDUB oo Marxuum Cigaal ku Eedeeyey Masuuliyadda Dagaalladii Sokeeye

 

                         

Xoghayaha Guud ee xisbiga talada haya ee UDUB Mr. Jaamac Yaasiin, ayaa ma daxweynihii geeriyooday ee Somaliland marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal ku eedeeyey inuu masuul ka ahaa dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhac ay san nadihii sagaashanaadkii, kuwaas oo sababay khasaare badan oo naf iyo  ma alba lahaa, isla markaana dad aad u fara badani ka qaxeen guryahoodii iyo hantidii ay lahaayeen.


Xoghayaha Guud oo toddobaadkan waraysi siiyey shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews, waxa uu caddeeyey inuu aad u qawadsanaa qaabkii Allaah ha u naxariistii marxuum Cigaal dalka u maamulayey, isagoo ka sheekeeyey wax yaabihii ay marxuumka isku khilaafeen iyo aragtidiisa ku waajahan hoggaamintii Marxuum Cigaal.


Mr. Jaamac Yaasiin oo ka hadlayey eedaymaha uu u jeediyey Marxuum Cigaal oo isagu dhidibadda u taagay xisbiga uu xoghayaha guud ka yahay ee UDUB, waxa uu yidhi; “Waxaan aaminsanaa mar walba ummadda Somaliland cidda talada u haysa wixii ay go’aamiso inay fikradda ugu wanaagsani ahayd in la taageero, wallow layga jeclaa ninkaa Ina Cigaal oo aan bil-xaqiiqatan ku qawadayay isaga oo Ra’iisal-wasaarihii ugu horreeyay ee Somaliland noqday inaanu dhaqdhaqaaqii ururka SNM ka qaybgelin.


Haddana markii odayadii talada loo dhiibay iyo waxgaradkii markaa joogay garteen in isaga loo dhiibay waan aqbalay, waxaanse ka biyo-diiday markii dambe dagaalladii ehliga ahaa oo waxaan u arki waayay nin mideeya markaas oo dadka isku soo dhaweeyay oo caadifaddii dadkii hareera joogay ay abuureen ee dadkii shalay halganka meel uga soo wad ajeeday cadaawadii iyo isku dhicii dhashay waxbaan ka saaray.”


“Markaa inkastoo aan wax ka saaray oo fikirka gaarka ah ee aan qabay kaas ahaa, haddana kaasi igama horjoogsan inaan la shaqeeyo xukuumaddii uu Madaxweynaha ka ahaa, sida xaqiiqda ahna waannu wada shaqaynay ilaa iyo 1995-kii oo dagaalladii kalee eheliga ahaa sii xooggaysteen oo warar aan sax ahayn oo dad aan danta Somaliland wadin u geeyeen, isaguna rumaystay oo hawshii Faransiiska aannu ka wadnay uu joojiyay oo masuuliyaddii xafiiska Somaliland u dhiibay nin gaal ah oo jinsiyaddiisu Faransiis tahay oo Armenian ah inuu u dhiibay oo ka dhigay ninka Somaliland u metela Faraas, isaga oo nin Somaliland ah oo xataa hadduu na beddelayo heli karayey ayuu ninkaa nagu beddelay, taasina waxay noqotay mid aad u la yaab badnayd, waana wakhtiga ay kala xidhiidh furmeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Faransiiska, waayo nin aan aqoon Somaliland waxay tahay dal iyo dad toona marka la yidhaahdo masuul baad Faraas uga tahay, dee waxay ka dhigan tahay masuuliyad cidla’ la dhigay,” ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee UDUB.



 

 


Jamhuuriya Online