Xog-hayaha Guud ee Xisbiga UDUB oo si rasmi ah xilkii ula wareegay

 

Xoghayaha cusub ee xisbiga UDUB, Jaamac Yuusuf Faarax oo lagu magacaabay shirwyenihii xisbiga ee lagu qabtay hudheelka Maansoor, ka dib makii uu jagadaas baneeyey Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale, ayaa maanta munaasibad xilka loogu wareejinaayo lagu qabtay xarunta Dhexe ee xisbiga UDUB.

Munaasibadaas xilwareejinta ah waxaa ka soo qaybgalay Wasiirada Maaliayadda iyo Hawlaha guud iyo guriyeynta Cawil Cali Ducaale iyo Siciid Sulub, xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka caasimada, wasiir ku xigeeno, masuuliyiinta garabyada kala duwan ee xisbiga iyo marti sharaf kale.

Xogahayaha cusub ee UDUB Jaamac Yuusuf Faarax oo hadal dheer ka jeediyey munaasibadaa uu xilka kula wareegay ayaa ballan qaaday in uu tallada xisbiga ka dhigi doono mid u dhaxaysa maamulka iyo taageerayaasha xisbigaba, isla markaana uu ka midho dhalin doono himilooyinka xisbiga UDUB.

Xogahayuhu waxaa uu sheegay in xisbigooda UDUB aanu marnaba haysan fikrad uu sheegay in ay axsaabta kale qabaan oo ah buu yidhi mid reernimo.“Way jiraan axsaab kale oo laba ah, oo axsaab qaran ah, laakiin maalin hore waxaan idhi ‘dhar magaalo sida loo gashadaa way hawl yartahay, laakiin dad magaalo sida loo noqdaa ma fududa’magaca xisbi qarana waa la wada sheegan karaa, laakiin waxaa xaqiiq ah fikrad tolaayeey ahi in ay anaga debbeda naga tahay. Fikrada aan ku shaqaynaynaana ay tahay mid qaranimo oo dhab ah oo ka muuqata bulshada xisbiga taageersan.” Ayuu yidhi xoghayuhu

Xoghayuhu waxaa uu ku eedeeyey xisbiyada mucaaridk ahi in ay ummada u sheegayaaan waxyaabo xun xun oo dhibaatooyin keeni kara “Waxyaabo xun xun ayaa ummada loo sheegayaa, in dhibaatooyin dhici doonaan. Dadkaas waxaan leeyahay u tudha ummadiina Somaliland.” Xoghayuhu waxaa uu intaa raaciyey “Balaayo sheegnimada joojiya ummada u rajeeya nabadgelyadaas ay haysato in ay ku sii kobocdo, in himilada ay hiigsanayaana gaadhaan, idinkuna tartan xalaala oo cod lagu kala baxo ogolaada. Anaga carabkayada lag heli maayo wax ummada fajac geliya, wax ummada baqo geliya, wax ummada ka jeediya himailada dhabta ah ee ay hiigsanayaan oo ah in caalamka laga aqoonsado. Ragga tartamaya summada uu reerka ka soo jeedo ummada reer Somaliland diyaar umma aha in ay kula xisaabtanto.

Xogahayuhu waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal uu sheegay in uu ka soo yeedhay nin madaxweyne xigeen ka ah xisbiyadda mucaaridka ah oo aanu carabaabin, kaas oo sheegay in aanu madaxweyne Rayaale iyo xoghayaha cusub eee UDUB aanay waxba kala socon marxaladihii iyo taariikhdii kala duwanay ee dalku soo maray, waxaana uu yidhi xoghayuhu isagoo arrintaas ka jawaabaya “Anigu waxaaba laga yaabaa in aan dhawaan dalka imi, laakiin madaxweynaha lixd asannadaood xilka soo hayay ee ummada Somaliland masuuliyada u dhiibatay, in uu ninkaasi yidhaahdo waxba kalama socdo, dee sidaasi waa aflagaado, waa meel ka dhac, nin xilkaa uu maanta Rayaale hiigsanaya, jkelmedo noocaas ah oo sidaas u raqiisa oo uu warbaahinta ka sii daayaa, annigu waxan hubaa in ay tahay wax laga yaq yaqsoodo.” Ayuu yidhi xogahayuhu.

Wasiirka Maaliyada Cawil Cali Ducaae oo munaasibadaas ka hadlay ayaa xisbiyada mucaaridka ku dhaliilay in ay ummada baqo iyo khal; khal gelinayaan uguna baaqay in ay ka wantoobaan caga juglaynta oo ay doorasho xalaala galaan, isagoo weliba sheegay in ay ajande ka dhigteen bedelaada distoorka dalka u yaala.“Wax Ummada ay u hayaan oo aan hanjabaad ahayn ma hayaan, caga juglaynta ummada ka daaya oo ajande la kaalaya” ayuu yidhi

Wasiirku waxaa uu sheegay in ragga maanta la tartamaya UDUB ee ka soo jeeda xisbiyada mucaaridku ay yihiin kuwii ay hore uga guulayteen, loona baahnaa haddii ay imika guul rabaan inay wejiyaal cusub keenaan, “markii hore oo ay culays badan keeneen waanagii ka guulaysanay imikana waan ka guulaysanaynaa” ayuu wasiirku yidhi

Distoorkii umadaaasi lahayd bqolkiiba 97% ayaa loogu codeeeyey, axsaabi ma laha. Ninkii u tagaba waxay odhanayaan maxaad rabtaa? Waxaan rabaa in axsaab lay furo, adigu maxaad rabtaa? Raysal wasaare, adigu maxaad rabtaa? Jago noocaasa ayaan rabaa in lay magacaabo. Distoor ay ummadii lahayd ilaashanayso ayay ajande ka dhigteen xisbiayada mucaaridku.” Ayuu yidhi wasiirku

Waxaa iyaguna munaasibadaas hadalo kooban ka soo jeediyey xoghayaha abaabulka Maxamuud Cabdi Malaw, Xildhibaan Xasan Xaydh oo ka tirsan Golaha Deegaanka caasimada iyo xubno kale oo dhamaantood ballan qaaday in ay wad shaqaayn buuxda la yeelan doonaan xogahayaha cusub ee xisbiga UDUB.

 

 


Waaheen