Xoghayihii Guud ee Xisbiga UDUB oo Maanta Si Heer Qaran ah loogu Aasay Xabaalaha Qaranka

 


Alle ha u Naxariistee waxa Maanta si heer qaran ah loogu aasay Xabaalaha Qaranka ee Magaalada Hargeysa Xoghayihii guud ee Xisbiga UDUB Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale oo shalay ku geeriyooday Dalka Jabuuti.


Aaska Marxuumka waxa ka soo qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, Shirgudoonada Golayaasha Qaranka , Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka KULMIYE Axmed Siilaanyo, Gudoomiye ku xigeenka koowaad Aadan Mire Waqaf, Wasiiro, Xildhibaano , Madaxda Xisbiga UDUB iyo dadweyne aad u tiro badan.


Maydka Marxuumka oo Salaadii Jimcaha ee Masaajidka Masjid Jaamaca lagu tukaday , waxa ka dib loo qaaday Xabaalaha Qaranka oo lagu aasay.
Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa tacsi u diray Qoyskii , Qaraabadii , Bahweynta Xisbiga UDUB iyo dhamaan shacbi weynaha Somaliland.

Somalilandnation