Xoghayihii Guud ee Xisbiga UDUB Bulaale oo Geeriyooday iyo Madaxweynaha oo Tacsi u diray

 


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu manta dhambaal tacsi ah u dirayaa Qosykii, Qaraabadii , Xisbiga UDUB iyo taageerayaashiisii iyo ummada reer Somaliland geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Alla ha unaxariistee Xoghayihii Guud ee Xisbiga UDUB Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti.

Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale waxa uu ka mid ahaa Aasaasayaashii Xisbiga UDUB, isaga oo xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadihii kala danbeeyay , waxana uu qayb laxaad leh ka soo qaatay Nabadayntii Beelaha Somaliland iyo dib u dhiskii Qaranka JSL


Alla ha u Naxariistee Marxuumku waxa uu hadh iyo habeenba u taagnaa horumarinta Qaranka iyo adkaynta Nabad gelyada.

Alle ha u Naxariistee Marxuumka waxa shalay loo qaaday Dalka Jabuuti, si loogu soo daweeyo xanuun kadis ah oo ku dhacay, waxana uu maanta ku geeriyooday Cisbitaal ku yaala Dalka Jabuuti.

Madaxweynuhu waxa uu ilaahay uga baryay inuu janadii fardawsa ka waraabiyo , qoyskii, Qaraabadii , Xisbiga UDUB iyo taageerayaashiisii iyo shacbiga reer Somalilandna samir iyo iimaan ka siiyo.

 



Allaa Mahad Leh


Axmed Maxamed Ciise
Xog-hayah Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL