Xogogaal ma tahay baarlamaankii Somali land ee bishii Feberweri 1960kii
 

Xubnaha hoosta ku qoran waa xubnihii ku guulaystay kuraastii baarla maankii Somaliland ee bishii Feberweri, 1960kii. Waxa ay dhammaayeen 33 xubnood. Intooda badani maanta ma noola, inkasta oo ay noolyihiin xubno dhawr ah, hadana waxa nasiib darro ah in aan xog badan laga hayn xubnahaas. Waxa aan ka codsanayaa akhristayaasha in ay ii soo gudbiyaan wixii macluumaad ah ee ku saabsan xubnahaas. Inkasta oo aan muddo raadinayey, oo aan helay ilaa labaataneeye xubnood oo ka mid ahaa baarlamaankii Somaliland 1960kii.

Waxa nasiib wanaag ii ahayd in aan helo maqaal lagu daabacay wargeyska Jamhuuriya 1997-kii uu ku saxeexnaa Siciid Cali Giir oo ah qoraa, halgamaa haya xog badan oo ku saabsan lixdamaadkii. Waxa aan markale ka codsanayaa akhristayaasha in ay ii soo gudbiyaan wixii ku saabsan xubnahaas. Tusaale ahaan haddii uu jiro magac aan khalday ama beesha uu ka soo jeedo oo aan qalday ama magaalada uu ka soo baxay haddii aan qalday. Waxa aan jecelahay in ay xogtaasi ahaato mid meel loo raaco leh. Qofkii ka haya sawir xubnahaas oo mid mid ah ama wadajir u wada sawiran aad ayaan kaaga mahadcelinayaa. Farriinta iigu soo hagaaji emailkan hoosta ku qoran:

Gacanlibaax2001@yahoo.se


1. Cali Garaad Jaamac
Dh/hante, Bararsame
Laascaanood.

2. Cisman Garad Max’ud
Dh/hante, Max’ud Ugadhyahan
Taleex

3. Cabdalle Xaaji Faarax
Dh/hante, Samakaab Axmed
Widhwidh

4. Max’ud Yaasiin Sh Muuse
H.Y. Reer Abokor
Oodweyne

5. Maxamed Biixi Shuuriye
Tumaal/ Hargeysa

6. Maxamed I Cigaal
H.A. Maxamed Ciise
Berbera Port

7. Max’ed Yuusuf Geedeeye
Dh/hante, Yaxye
Caynabo

8. Cabdilaahi Xuseen Ina-Doobilkoole
Arab, Samaneh
Hargeysa

9. Cali Max’ed Xaji Abokor
H.A, Reer Gadiid
Faraweyne

10. Sh Barkhad Cawaale
H.A, Jibril Abokor
Gebiley

11. Jaamac Cabdilaahi Qaalib Ina-Diir-qadhaadh
Ciidagale, Reer Buraale
Salaxley.

12. Axmed-Keyse Xaaji Ducaale
H.T, Uduruxmiin
Burco.

13. Michael Mariano
H.T, Uduruxmiin
Ceel Afweyn.

14. Maxamed Cali Faarax
H.T, Uduruxmiin
Xiis.

15. Cabdilaahi Qablan Maxamed
Warsangeli Reer Garaad
Laasqoray.

16. Sh Axmed Maxamuud Dalmar
H.Y, Muse Ismaciil
Ceerigaabo.

17. Ibraahin Ciid
Dh/hante, Ba Idarays
Xudun.

18. Maxamuud Axmed Saalax ”Caddaanweyne”
Warsangeli, Reer Faatax
Jiidali.

19. Xaaji Ibraahin Nuur
Gadabuursi, Reer Nuur
Dila.

20. Yuusuf Ismaaciil Samatar, “Gaandi”
H. A, Cabaddalla Sacad
Hargeysa.

21. Abokor Xaaji Faarax
H. Y, Muuse Carre
Burco.

22. Yuusuf Kaahin Axmed
H.A, .....
Laas Dhuure

23. Sh Cali Ismaaciil Yacquub
H.Y, Xirsi Cismaan
Duruqsi

24. Ciise Jaamac Maxamuud
H. T, ........
Qoryaale

25. Xaaji Yuusuf Iimaan Guuleed
H. Y, Muse Cabdalle
Berbera



26. Xaaji Cabdilaahi Diiriye, Gamgam
H.A, Deerayahan
Sheekh.

27. Xaaji Ibraahin Cismaan Food, “Basbaas”
H. Y, Isaxaaq
Cadaadley

28. Xaaji Aadan Yuusuf.
H. A, Reer Caddaawe
Bullaxaar.

29. Cali Qawdhan
H.A, Danwadaag
Mandheera.

30. Sh. Abibakar Sh. Cumar
Gadabursi, Reer Ugaas
Boorama.

31. Jaamac Geelle Ciise
Ciise, Mamaasan
Zeylac.







32. Xaaji Muuse Axmed Shirwac
Ciise, Furlabe
Cabdulqaadir.

33. Cabdi Xasan Buuni
Gadabuursi, Xeeb Jire
Boon.








By:Sayid M Yusuf

gacanlibaax2001@yahoo.se