Xoghayihii Garabka Dhallinyarada KULMIYE oo Sheegay inuu Kalsoonidii kala Noqday Xisbigaas

 

Xoghayihii Dhallinyaradda Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE Cabdilaahi Ibraahim Xaaji Xasan, ayaa shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay huteelka Imperial ee magaalada Hargeysa waxa uu shaaca kaga qaaday inuu ka baxay xisbigii uu ka tirsanaa ee KULMIYE, isla markaana ku biiray xisbiga UDUB.

Mr. Cabdilaahi Ibraahim oo ka tirsanaa Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE, waxa uu ka mid ahaa xubnihii tirada yaraa ee ka cadhooday shirkii Golaha Dhexe ee xisbigaasi ku yeeshay magaalada Burco ee Gobolka Togdheer, garbakaas oo uu hoggaaminayey Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax. Waxaannu ka bixida xisbiga KULMIYE ku sababeeyey, kadib markii uu arkay in siyaasadii xisbiga KULMIYE ka weecatay jidkii saxda ahaa hore loogu yaqaanay, isla markaana meel cidlo ah lagaga tagay Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo uu ku tilmaamay in aannu jirin mujaahid la mid ahi.

“Anigoo ka tirsan xubnaha Golaha Dhexe xisbiga KULMIYE, waxaan go'aansaday inaan maanta kalsoonidaydii aan kala noqdo xisbigaygii aan muddada dheer ku jiray ee aan hawlahii uu waday aan ku garab taagnaa, kadib markii aan ogaaday in jidkii xisbigu ku socday uu si weyn uga baydhay. Waxaan doonayaa inaan kalsoonidayda siiyo Xisbiga UDUB iyo Madaxweynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin, oo aan muddo badan dhalinyaradii ku mucaaridka ahaa aan ka midka ahaa,” ayuu yidhi Mr. Cabdillaahi.

Xogyahan is casilay waxa uu sheegay oo kale inuu isagu hordhac u yahay sida uu hadalka u dhigay dhallinyaro badan oo qaadan doonta mowqifkiisa oo kale, kuwaas oo ku kala sugan gobollada dalka oo dhan. Isaga oo tilmaamay in wixii xisbiga KULMIYE u sheegi jiray ee ahaa mujaahidnimo iyo faqashnimo uu hoggaanka xisbigu ka baxay, sidaa daraadeedna aanay hadda jirin wax mujaahid la yidhaa iyo wax faqash la yidhaa.

"Markii aan arkay in siyaasaddii KULMIYE iyo Barnaamijyadii Hoggaanka xisbigaasi nagu akhriyi jireen ee halganka ahaa ay noqdeen biyo coldhaanshay, waxaan taageeradaydii aan siinayaa xisbi xaakimka iyo Madaxweynaha Somaliland, oo aan taageeri doono dedaaladiisa,” ayuu yidhi Cabdilaahi Ibraahim Xaaji Xasan.


 

 






Jamhuuriya Online