Xubnihii KULMIYOO, Muse waa kaa.
Hamud Duale

 


Ninkaan islahaa buurta dheer guradeeda, adigu gaadhsii oo dayrta maanta ah, ha loo guuriyo Somaliland, qooq baa dileye. Ninkaan daraadiid, Samalana dib u joogso idhi, ee aan weliba u qa lin daraaaleeyey; ayaaba ku baanay xusbiyada qaranku ma shiri karaan, dood qaran ma qaba n karaan, oo distoorku ma ogola, Ilaahayna ma ogolo, anna ma ogoli. Who is he by the way? Wake up man!
Distoorka iyo sharciga, ma wuxuu moodayaa, Suldaankan yar ee uu maalin walba ka dhex hadlo ee sharci beeleedkii ku tuntay, iska daa ku kaleetoo.
Runtii, Axmed Maxamed Silaanyo, M/weynaha Somaliland, cadaabul qabri ma laha, saa waa ninka Ina Biixi iyo Ina Kaahin, hangool faraara leh iskaga hayey, ummadda Somaliland kaga hayey, muddo labaatan sanno ah iyo ka badan. Tala xummadood xog ogaal buu u ahaa. Ilaa SNM-tii ayuu dulqaad kula shaqaynayey. Mar nacaybkiisa halkay ka gaadheen, goob joog baan u ah, beri dhaweyd waxay yidhaahdeen, oo waxay isku dayayeen , in ay yeeshaan. Ilaahayna kama dhigin. Axmed nin la yeesho ka weyn. Immikana haddaad odayga qalqalooc iyo waxaydaan uga baran kala kulantaan, labaadaas ayaa docdocaynaaya, iyo qaar kale oo ku soo biiray, oo dardardaran.
Hadal iyo dhammaantii M/weynaha, wuu ducaysan yahay, aad ha loogu sii duceeyo, oo Samaaloo Fataxada innoo mar. Samaaloo, Suldaankuna wuu idinka dhexeeyaaye, markaaga ka dhex hadal, oo foofi, meel daaqsin leh gee, hadduu saluugana, sagarada gee, oo qaran u dhig, hadduu saluugane, Jole u dhig, hadduu saluugana geedkaba u dhig, hadduu saluugana, karis, tumay iyo shuuro sii, hadduu saluugana, sangahii beerta lagu qodi lahaa ayuu ku socdaaye, oo in loo qalo doonayaaye; waabi oo ha ka yeelin taa, galka seefta ka saar, kala noqo kalsoonida. Hadduu ku diidana, waxaan la isku ogeyn buu hoos ka unkee, ansax maaha wixiisu, aftidayda may haysto, beelaha kalana way kula arki.