Xubno Ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland Oo Sha haado Sharaf Guddoonsiiyey Ganacsadaha Weyn Ee Maxamed Siciid Aw -Geedi
 

Hargeysa, December, 07 2009-(Timacade News)-Xubno ka tirsan Mudanayasha  Gola ha Wakiilada Somailand ayaa shalay shahaado sharaf guddoonsiiyey ganacsade  Max amed aw Siciid Geedi kaasi oo a ku mutaystay shahaadadaasi waxqabadkiisa la  xidhii dha xaga arrimaha bulshada reer Somalilanad qaybaheeda kala duwan gaar ahaan  X aga caawinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Dawladaha Hoose, Cusbitaalada iyo  Isku ulada.

Munaasibaddaasi lagu abaal marinayey muwaadinkaasi Maxamed Xaaji Siciid Geedi oo ka dhacday Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa waxa soo abaabulay isla  mark aana Hirgaliyey Mudanayaasha kala ah.1-Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle

2-Cali Maxamed Aadan[Cali bare]3-Xasan Cawaale Caynaan

4-Maxamed Baaruud Cali Iyo xidhibaan Cabdiraxmaan.

Waxa ugu horeyn halkaasi ka hadlay Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali waxanu si kooban uga warbixiyey ujeedada ay masuulkaasi ugu garteen inay ku maamusaan  S hahaadadaasi waxanu yidhi “maanta waxanu iskugu kiin yeedhnay inaad goob jog ka ahaataan Shahadaado sharafta aannu siinayno Maxamed Siciid Geedi oo ah nin  ganac sade weyn ah dalkana waxbadan u soo qabtay”

Mudane Yaasiin waxa uu intaasi kaddib hadalka kusoo dhaweeyey Cali Barre oo isna halkaasi kaga waramay sida mudanihii hore oo kale ujeedada ay ka leeyihiin Shahaado sharaftaasi inay u gartaan Muwaadin Ganacsade Maxamed Siciid Geed,waxaanu  shee gay inay shahaadadani tahay mdi kasoo fushay fikirkeeda magaca Golaha Wakiilada Somaliland isla markaana waxa uu intaa ku daray in uu Saxeexay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi [Ciro] kaasi oo ay sheegeen in uu safar dalka dibadiisa ah ku maqan yahay.

Mudane Bare waxa uu xusay in uu Gudoomiyaha Goluhu iyaga xubnahoodaasi u  wakii shay inay shahaadadaasi gudoonsiiyaan Ganacsadahaasi isaga oo arrimahaa ka  wara mayana waxa uu yidhi “hadalka waxa nuxurkiisii dhameeyey Mudanihii iga horeeyey balse waxaan idiin sheegayaa oo kaliya inay shahaadadani tahay mid aanu ku  shar fayno ganacsade Maxamed aw Siciid Geedi gacantii qiimaha lahayd ee uu kasoo  geys tay horumarka dadka iyo dalka Somaliland”

Dhanka kale waxay Mudanayashaasi sheegeen inay dhowaan soo qaban qaabin  doon aan munaasibad balaadhan oo tanoo kale ah taasi oo ay Shahaado sharaf ku abaal marin doonaan Ganacasade Maxamed Siciid Ducaale[Dahabshiil] oo ah milkiilaha  shirk adda Dahabshiil ee ku caanbaxday xaga xawaaladaha lacagaha la isu diro.

Mudanayashu waxay sheegeen inay taasi uga danleeyihiin in ku dhiiri geliyaan  shakh siyaadka muujiya waxqaabdkooda dhabta ah ee gacanta siiya bulshadooda ay ku dhex nool yihiin.


Source:Haatuf