Xudduudii Gobolka ma la sugay?
Shirkii Reer Gabiley ee London

Su’aal aan muddo dheer ka maqli jirey dadweynaha reer Somaliland oo hor ooli jirtey Madaxweynaha JSL Mudane Dahir Riyaale Kaahin oo isguna dhawaan kaga jawwabey in uu ciiddamada Somaliland ah uu Jiidda hore iyo xudduuda Somaliland safo oo dhiig ku daadto, ayaa waxay dhextaal u ahayd shirweyne qurbajoogta ree Gabiley ee London, ay ku soo dhaweynayeen, Guddoomiyaha cusub ee dhawaanta loo magacaabay gobolka cusub, oo baryahanba booqasho ku joogey dalal ka mid ah Yurub. Waxaa kale oo shirka hadhayey Jamicadda weyn ee gobolku maagan yahay in uu dhisto iyo dhakhtar weyn oo muddo afar sanno ah ololihiisa lagu jirey, oo labada la doonayo in lagaga maarmo Jaamicaddaha iyo dhakhtar waaweyn ee ka hirgalay gobolada la jaarka ah oo aan ka fogeyn. Waxaa kale oo iyaduna xusid mudan oo shirka ku soo noqnoqotay horumarka ay gaadhay degmo ka mid ah gobolka oo hadalladdii laga yidhi ay iskugu jirey tirtirsi iyo dhalliilo loo jeedinayo bahda kuwaa la dhashay ee la gobolka ah iyo bogaadin loo jeedinayo raggii horumarka Allaybaday ka danbeeyey.

Shirkan oo dad aad u badani ka soo qaybgaleen, waxaa soo abaabuley Ururka Gardo oo ka mid ah ururada samafalka ee qurba joogta ka qaybqaadata horumarka Gobolka gabiley. Maadaama uu shirka urur soo qaban qaabiyey, khuseeyeyna dadweynaha gobolka oo dhan, muu ahayn shir beeleed, sidaad daraadeed waxa innoo furan in aannu ka faaloono oo falanqayno, waayo wuu ka dadwan yahay shir beeleed kaa xayuubiya xuquuqda aragtidaada oo lagugu tilaamo in aad faqii beesha warfaafinta u soo gudbisey.

Haddaba, haddii aan ka bilaabo faalladayda su’aasha aan mawduuca uga dhigay maqaalkan oo ah xuduudii ma la sugay, ma ah su’aal ka taagan gobolka Gebiley oo keliya, waa su’aal caamaha oo ka dhallatay goboladii cusbaa ee dhawaanta la sameeyey oo dhan. Waxay ka taagan tahay Salal, Awdal iyo kuwa kale oo dhanba.

Haddaba, marka hore waxaan doonayaa in aan idhaa su’aashani ma ku haboon tahay, in la weydiiyo Guddoomiyaha Gobolka?
Anigu sidaan qabo kuma haboona, maxaa yeelay Guddoomiyaha gobolka waxaa soo magacawday dawladda. Dawladduu markay magacawday waxay u dhiibtey waajibaad, xilal iyo xuduud ay iyadu samaysay, oo ay ka rabto inuu u fuliyo sidaa ay yihiin. Hadduu gudan waayo oo ka horyimaado wixii loo igmadey, dawladdu xaq bay u leedahay in ay keensato mid kale, waayo waa shaqaalaheedii.

Su’aashani waxay ku haboon tahay in la weydiiyo dawlada hoose ee gobolka oo ay iyaga soo cugtaan, kana doorbideen kuwii iyaga la tartartamayey. Kuwaas ayaa dadweynaha gobolku xaq u leeyahay in ay la xisaabtamaan. Guddoomiyaha dawladda ee gobolka wuxuu masu’uul ka yahay Miisaaniyada Gobolka ay dawladda dhexe ugu talagasho horumarinta gobolka, wuxuu masu’uul ka yahay hay’addaha dawliga ah ee ku sugan gobolka, wuxuu masu’uul ka yahay sugida nabadda iyo ammaanka guud. Sidaa daraadeed waxaa ku haboon guddoomiyaha in la weydiiy, miisaaniyada iyo qorshaha dawladdiisu ugu talagashay gobolka, waxay ku kaabayso waxbarashada asaasiga ah iyo caafimaadka gobolka.

Haddaan su’aashaa intaa ku dhaafo oo aan u gudbo Jaamicadda weyn ee la dhisayo oo shirka laga muujiyey in ay hantaaqayso dhismihii dhakhtarka ee lagu gudda jirey, waxaan odhan lahaa ayaan muran iyo waqti ku lumen. Waxaa ka haboon in laga wada hadlo baahiyaha dadka caadiga ah tooska u taabanaya. Ma joogno xilli la iskugu faano Jaamicaddo iyo dhakhtar waaweyn.

Ugu danbayntii waxaan doonayaa in aan wax ka idhaa horumarka Allaybaday iyo dhalliisha loo soo jeediyey dadweynaha ku dhaqan degmooyinka kale ee gobolka. Marka hore waxaa haboon in la ogaado in aan labada dadweyne wax tartan ah oo ka dhexeeyey iyo kubad ay wada cayaarayeen oo la kala badanayey midna aanay jirin. Labada dadweyne amma ha kala badtaan amma ha kala yaraadaane, waxaa hubaal ah in ay ka siman yihiin baahiyaha, daran yada iyo horumar la’aanta. Salku waakaa, ma ah ninka xoogaa lihi Gabadhayda wuu hagranayaaye, kamuu dhalli waayi(Odhaahdaa waxaa la xusay markii dhallisha loo soo jeedinayey kuwa baaxda iyo badnida isbidaya ee Allaybaday dhaaftay). Waxaan leeyahay horumarka Allaybaday waa hormarka Gobolka Gebiley, waa la wada leeyahay, kheyraadka ka soo baxaan waa kheyraadkii gobolka oo cashuur iyo cunno ayaa kaa soo geli ee ayaan loo arkin in ay kaa badiyeen.

Haddiise laga tagi waayo, Waxaa ammaanta hormarka iyo dib u dhacaba loo aanaynayaa Labada Urur samafal ee kala ah ururka samafalka degmada Allaybaday iyo Ururka Gardo. Farqiyada u dhexeeya labada ururna waa kan.

Ururka samafalka ee Allaybaday, gaar ahaan laantiisa waxbarashadu, wuxuu daboolay oo dadweynihiisa ula yimid baahi qofkasta taabanaysa, islamarkaana wada caam yeeleysa magaala madaxda degmada iyo tuulooyinkeedaba.

Ninka reer diini goobale ah ee la yidhi carruurtii halkaasaanu dugsi uga samaynay, qado iyo qureecna waanu ugu talagalnay, haddii shan gini aad bixiso, waxay kaafiyaysaa carruurtiina iyo shan carruur oo kale oo wax ku baranaysa. Horta adiguna maa diideen, qofkalana ma diideen marka qorshe caynkaas ah la soo hordhigo dadka, la tashina lala sameeyo dadka ay khusayso.

Waxay abaareen dhammaan tuulooyinkii ay ka mid ka ahaayeen ijaara, taysa, xidhinta, geed abeer, Allaybaday iyo qaar kale oo badan. Waa baahi ay dabooleen oo qofkasta oo ka soo jeeda degmada si toos ah u taabanaysa. Kumay salaysnayn arintoodu aynu ree hebel dhaafno, dadweynaha ree Allaybaday oo dhamina isma soo hor fadhiisan, waxay taladda iyo maamulka fiicani ka soo fuleen ururka Samafalka iyo horumarinta Allaybaday iyo intii isku xilqaantay oo keliya.

Labada urur waa isku da’, marbaa la wada bilaabay. Haddaba Gardo oo tiro isbidaysa wax muuqta in aanay baahiyihii asaasiga ahaa midna abaarin. Waxay ka bilaabeen Mashruuca Raajitada amma X-ray. Raajitadu waa aallad lagu baadho xannuunka qaaxda amma tiibishada oo aan filayo in aan xannuunkaasi ku badnaynba gobolka, inta u baahatana ka yeela Hargeysa la geeyo. Ma ahayn baahiyaha ballaadhan ee faraha badan ee dadweynaha wada taabanaya. Wuxuu u adeegayaa inta yare ee xanuunka lagu tuhmo. Aalladani waxay ahayd mid keliya oo meel keliya la dhigayo oo ay fogaatey goorta waxtarkeeda laga ogaado, degmooyinka iyo tuulooyinka ay ka soo kala jeeddo oo goor darayadii awgeed qaaxo la wada qaaday.

Tallaabadii labaad ee ururku waxay noqotay dhakhtar weyn oo qalabaysan oo dhammaan qaarada afriiqaya lagu daweyn doono, oo markay baaxda beesha eegan ay ku qiyaaseen in ay tahay hawl fudud. Dhakhtarka muddo afar sano ah ayay sheekadiisii socotaa, waxaanay keliftay in beeshii badnayd ku filaan weydey dhismihii dhakhtarka, kadibna lagula galgashay beelihii kale, kuwaana sidii Gardo shirka ka caddaysa, waa laga dayrinayaa waxtarkoodii.

Intaan lagu guuleysan dhismaha dhakhtarkaa oo muddo qaadanaya, waxaa la hilmaamayaa baahiyo wax badan laga qaban lahaa oo qaarkood aanay waxtarka dhakhtarkaaba sugi karayn.
Ka hortaga Cudurka ayaa ka muhiisan dhakhtar weyn oo markii xannuun ku soo rito qofka lagu daaweeyo, waxtarka dadweynuhuna ku hirgeli lahaa.
Tusaale ahaan magaaladan London Dhakhtarada waaweyn, waxaa ka badan rugaha caafimaadka (GP-yada amma dhakhtarada qoyska). Kuwaas ayaa qof wax ka qabta intaanu dhakhtar weyn iyo qalliin u baahan.

Haddii haddaba, rugo caafimaad laga dhisi lahaa Togwajaale, Ceel Bardaale, Arabsiyo, Allaybaday iyo meelo kala, waxay noqon lahayd daboolid baahi caam ah oo maalin walba taagan. Qofkasta oo qurba joogta ahna way taaban lahayd oo saamayn lahayd.oo mid waliba shanta gini uu bixiyo waxaa lagu dawayn lahaa shan kala oo aan cid caawisa haysan.

Waxaa kale oo iyaduna jirta in ay ku kala duwan yihiin qorshaynta oo Ururka Gardo wuxuu isku dhigay in uu yahay urur Goboleed, ururka Allaybadana wuxuu isku dhigay in uu yahay urur degmo oo xuduuda uu ka shaqaynayaa u cayiman tahay. Waana qorshe fiican, markay taa ka soo baxaana tu kale ayay ay uga gudbi karaan.

Haddaba eedda malaha dadweynaha Gardo tirsanaysaa, ee waxaa labada urur isdhaafiyey qaabka loo kala maamulayo. Allaybaday ayaa inna dhaaftayna ururka waxba ku soo kordhimeyso. Waxaa ka muhiimsan qaabka ay shaqaynayaan in ay dib-u-eegid ku sameeyaan iyaga oo aan arrinta ku soo koobin hagrasho iyo nin xoog weyn oo xaaskiisii ka hagraday galmada.




Hamud Ducaale