Xukumada Somaliland iyo Xisbiga KULMIYE oo Loolan ugu jira Kasbashada Taageerada Djibouti

 

Waftigii Wasiirada oo Si Heersare ah loo soo Dhaweeyey iyo Weftigii KULMIYE oo aan la qaabilin .Waxa maalmahanba kuwada sugnaa dalka Jabuuti laba wafti oo kala socda Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiga Mucaaradka ee KULMIYE, kuwaas oo sida muuqata loolan ugu kala jira kasbashada iyo taageerada Jabuuti maadaama oo ay soo dhawdahay Doorashadii Madaxtinimadu.

Balse waxa soo dhaweyn weyn kala kulmay Djibouti waftiga wasiirada Xukuumadda Somaliland oo si heer sare loo soo dhaweeyey islamarkaana lagu qaabilay ilaa heer Madaxweyne, halka xubnaha weftiga KULMIYE la sheegay in aanay la kulmin wax qaabilaad ah ama soo dhaweyn ah.

Xubnaha weftiga Kulmiye oo uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenku Muuse Biixi Cabdi oo ay la socdaan Abiib Diiriye Nuur (Timo) Cad iyo Maxamed Xasan Jidhif waxa la sheegay in markooda horeba ay xidhiidh shakhsi ahaana la la haayeen Jabuuti, sababta loogu dirayna ay ahayd inay u sii googol xaadhaan Gudoomiyaha KULMIYE Axmad Siilaanyo oo la filayo inuu dhawaan booqasho ku tago Djibouti, balse illaa hada si rasmi ah looma qaabilin mana cada sida ay ugu guulaysteen ujeedadoodii.

Waxaana arintooda qariyey Weftigii wasiirada Xukuumada Somaliland oo soo gebogebeeyey wadahadaladii ay la lahaayeen Wasiirada Dhigooda ah ee Xukuumada Jabuuti .Gudiga Wasiirada Somaliland ee booqashada shaqo ku joogey Jabuuti waxa wadahadaladoodu ay qaateen mudo 2 maalmood ah

Waxaana ay si wada jir ah isula qaateen gudiga wasiirada ee dhigooda ah ee ka tirsan xukuumada jabuuti qodobo dhowr ah oay ugu muhiimsan yahiin

‘ in sida ugu dhakhsaha badan loo furo xafiisyadii ka wakiil ka ahaa Somaliland iyo Jabuuti.

Waxa kale oo ay isku afgarteen in la fududeeyo arimaha Ganacsiga e ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah , gaar ahaan isu socodka Dadka iyo Xoolahaba.

Waxa kale oo laisku afgartey in la sii xoojiyo arimaha ay kamid yahiin Nabadgelyada iyo Siyaasada, khaasatan la dagaalanka Argogaxisada, iyo budhcad badeedka.

Wasiiradu waxay isla qaateeen in ay si rasmi ah maalinta berito ah (13ka bishan koowaad usoo saaridoonaan Heshiishyadii labada geesood ay ku gaadheen wadaxaajoodyadoodii oo dhamaystiran.

Wasiirka Arimaha gudaha ee Jamhuuriayada Jabuuuti Mudane. Yasiin Buux oo saxaafada la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay waxyaabaha jamhuuiryada Somaliland ay qabsatey gaar ahaan dhinaca Nabadgelyada iyo geedi socodka Dimoqraadiya.

Wasiirku isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi( Arimahii Diiwaangelinta ee Jamhuuriyada Somaliland hada ka dhamaystirmay waxay wax weyn ka tari doontaa iskaashiga Nabada ee Somaliland Iyo Jabuuti, iyadoo si cad wakhtigan loo ogaan doono muwaadinka reer Somaliland iyo dadka kale ee ku nool Somaliland.

Wuxuu wasiirka arimaha guduha ee jabuuti u rajeeyay Somaliland inay ku guulaysato doorashooyinka ee kusoofood leh Somaliland.

Wasiirka Maaliyada ee Somaliland Mudane Cawil Cali Ducaale ayaa isaguna u mahadnaqay Jamhuuriyada jabuuti kaalintii ay ka qaadatey falalkii argogaxiso ee Somaliland la la beegsaday , iyo sidii hagarli ida ahayd ee ay usoo dhawaysay dhaawacoodii , iyadoo weliba kaalin waxku ool ah ka qaadatay , markii Jabuuti loo keenay howlo caafimaad Marxuum Maxamed Ismail bulaale, xoghayahii guud ee xisbiga Udub.\

Mudanne Cawil wuxuu sheegay in taageerooyinka Jabuuti ay u muujisay Somaliland una fidisay uu yahay Abaal ay Somaliland dadkeeda iyo Xukuumadeeduba u hayso.

Weftiga Somaliland ee kulankaa ka qaybgalay waxa kamid ahaa, Wasiirka Arimaha Gudaha Abdilahi Ismail Cirro , Arimaha Dibeda Mudane Abdilahi Mohamed Ducale, Wasiirkuxigeenka Warfaafinta Mudane Cali Cilmi Geele, iyo Muha Faarax Daahir Jire

Waxaana weftiga shalay qaabilay Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle.
 

 


Waaheen