Xukumada Somaliland Oo Garoonka Dhalinta Ka Mamnuucd ay kooxda ku ciyaarta magaca  Hay'adda samo-falka ee ODHA,ee ay  Faadumo Siciid Guddoomiyaha ka tahay

 


Ha'adda samo-falka ee ODHA , oo ay marwo Faadumo Siciid Guddomiye ka tahay ....

Hargeisa (TNN):-Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo maamusha xarunta Agoomaha Ha rgeysa (Ex-dhalinta Kacaanka) , ayaa la sheegay in ay Amar ku bixisay in aanay garoonkaasi ku ciyaari Karin kooxda ODHA ee Faadumo Siciid.

Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan iyo Maamulaha Xaruntaas ayey dad goob joog ahi sheegeen in ay Ciidanka Asluubta ee xaruntaas ilaaliya fareen in kooxdaasi aanay garoon ka mar danbe ku ciyaari Karin, iyagoo waliba u raaciyey in aanay Wareeg danbe oo ay Ha y’a dda Samo-falka ee ODHA Maamulayso aanay lagu qaban Karin.

Amarka Wasaaradda Waxbarashada ayaa ka dhashay ka dib markii doraad lagu soo gaba gab eeyey Garoonkaasi wareeg ay Hay’adda ODHA ee Faadumo Siciid u qabatay kooxaha ka jira Xaafadda Jig jiga yar ,kuwaas oo ay u qabatay xaflad ay ku guddoonsiisay Kooxdii ku guulays atay Koobkii ay u dhigtay.Talaabadan ayaa noqonaysa tii labaad ee ay Xukuumaddu kula ka cdo Faadumo Siciid, oo ah Xoghaya dhaqaalaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, iyadoo hore uga hor istaagtay Gabilay oo ay booqanaysay.

 


Timacade News Desk
Hargaysa,Somaliland