Xukumadda kulmiye ha fuliso barnaamjki ololaha doora shada madaxweynaha ee garsoorka iyo caddaaladda

 

Waxa xaqiiq marag ma doon ah maanta illaa waqtigii ay Somaliland la soo noqotey madax banaanideedii, hay’adda garsoorka iyo caddaaladdu iney tahey hay’ad tayadeedu, maamu lkeedu iyo madax banaanideedu aad u liidato , go’aannadeeduna yihiin qaar liita oo caddaal ad darro ah marar badanna sababa isku dhac shacabka dhexdiisa iyo shacabka iyo xukuma dda , taasoo u ka dhashay khasaare naf iyo maal ba leh .


Haddaba iyadoo nidaamka dawladnimo ee Somaliland uu ku dhisan yahey seddex dha-dhaar oo kala madax bannaan (check and balance )oo mid waliba leedahey wajiibaad iyo xuquuq gaar ah waana hay’adda fulinta, sharci dejinta iyo hay’adda garsoorka, ayaa maalmahan waxa dhacdey in maamulka madaxweyne Silaanyo u direy afar wasiir oo soo baadha ma xkamadaha taasoo ah farogelin qaawan oo badheedh ah oo sharci jabin ah, waana xaalad ugub ku ah hab dhaqanka siyaasadeed ee S/land oo aan hore loogu arag maamuladii ka horeeyey maamulka Ahmed Silaanyo .


Haddaba waxaan aad ula yaabey indha adeyga wasiirka caddaaladda mudane Xuseen cay diid shirkii jara’id ee ee uu kaga jawaabeyey dhaliilaha uu usoo jeediyey xukumadda, gudd oomiyaha guddida shuruucda ee golaha wakiilada mudane Cabdiraxmaan dheere oo ka hadl aya farogelinta qaawan ay xukumaddu kula kacdey maxkamaddaha Somaliland,waayo isago o sheegaya qodobadda dasturiga ah ee caddeynaya madaxbannaanida maxkamada ayu haddana le yahey ‘’madaxweynuhu awood bu ‘u leyahay innu no dirro annago wasiira’ah inaanu badhno ,maadaama isagu magacaaby garsoorka’’.Haddaba madaxweynaha waxa la gudboon inu fuliyo barnaamjki oloolaha doorashada madaxwaynaha ee ku saabsana’’ gorsoo rka iyo caddaaladda’’.


Haddaan ka soo qaato dhawr qodob waa sidan;


1-Xisbiga kulmiye wuxu balanqaadayaa in garsoorku u madaxbannanaado qorsheynta iyo maamulidda miisaaniyaddiisa lagana fogeeyo inay waaxda fulintu ku yeelato awood ay siday doonto ugu adeegsan karto .


2-in Xeer Ilaalinta Guud laga saaro hay’adda garsoorka.


3-In dastuurku dammaanad qaado mudo xileedka garsoorayaasha maxkamad sare.


4-In dastuurku damaanad qaado in garsoorayaasha la siiyo mushahar, gunno iyo dheef hawlgabeed oo munaasib ah (Pension).


5-In guddiga caddaaladda laga dhigo komishanka caddaaladda,lagana feejignaado in waaxda fulintu ku yeelato xubin wax ka badan(waxa nasib darro ah in waqtigan xukumaddu soo magacawdo 7 ,halka barlamaanku soo magacaabo 4)


6-Kor u qaadista aqoonta garsoorayaasha iyo kaaliyaasha
Waxaan ku soo gabagabeynaya tixdan gabayga ah ;
Ninka diirta koriyee, ku dhex beerey doogee,
Dabar gooyey cuudkow , danyartu wey ku aragta
Ma dadkaad indhaha qaban.

Allah mahad leh

 


Eng. Bashe cabdi Gaboobe