Xukunka Qofka Soonka cudurdaar la'aan
uga taga

 


Qofka Soonka cudurdaar la'aan uga taga kabtii ma yeela. Nabigeenuna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaatey aad iyo aad ayuu uga digay in qofka Muslinka ah uu Soonku dheeldheel iyo u kas uga tago.

Abuu Hurayra waxaa laga wariyay in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo E ebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-"Qofka afura maalin Ramadaan ka  mi d ah, isagoon fasax haysan uu Ilaahay u fasaxay, kama gudo isaga  Soo nka cimrigiisa oo dhan hadduu Soomo" Waxaa soo wariyay Abuu Daa'u ud,Ibnu Maajah iyo Tirmiidi.

Ina Cabbaas Ilaahay ha ka raalli ahaado isaga iyo aabihiiba e waxaa  la ga soo wariyay in Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe  kor kiisa ahaataye uu yidhi:- "Guntimaha Islaamka iyo salka diintu waa  sad dex, iyaga ayaana lagu aasaasay Islaamka, qofkii ka taga mid ka mid ah iyaga,wuuu ku gaaloobayaa, dhiiggiisuna waa xalaal:-Qiritaanka in  Ilaa hay mooyee Ilaah kale jirin, Salaadaha Faradka ah iyo Soonka bisha  Ra madaan" Waxaa soo wariyay Abuu Yaclaa, Addaylami waxaana saxiix ka dhigay Addahabi.


Addahabi wuxuu yidhi:- Muslimiinta waxaa ka sugnaatay in qofka ka   ta ga Soonka isagoon xanuunsanayn inuu ka shar badan yahay, kana xun yahay Dhillayga iyo khamriyo cabka, iskaba dhaafee waxay shaki  galiy aan Islaamnimadiisa, waxayna u badiyaan inuu ka mid yahay


Lasoco qaybta 5aad……………

 


Mustafe Abdikarin Ali (Mustafe Future)
Longlivesomaliland News Desk
mccfuture@longlivesomaliland.com
Hargeisa Office Somaliland