Xukuumada Kulmiye Oo 22 Sano Ka Dib Casimadii Somaliland Ee Hargaysa
u Badashay Casimada Labad Ee Somaliwayn,
Ma jiraan aduunka laba dal oo hawadooda xafiis qudha laga wada
maamulaa?
Waxa ayaan daro ah in manta wufuudii metalayay wadankeena Somaliland
ee ka qayb galay shirkii u danbeeyay ee wada hadalka Somaliland iyo
Somaliya ee ka qabsoomay dalka Turkiga in ay soo hooyeen qodobo guul
daro iyo dhabar jab ku noqon doona Somaliland dadaalkii dhee raa ee
muwaa diliinta rer somaliland ay mudada 22ka Sano ah u soo dhabar
adaygeen ee ay caalamka ka rajicinayeen in ay aqoonsadaan oo
helaan aqoonisi dhamays tiran.
hadaba waxa is waydiin mudan in ay muwaadiilinta reer somaliland is
waydiiyan ?, ma suurta galbaa manta in laysu furo isu socodka
madaxada iyo shaqaalaha somaliland iyo somaliya,
oo maanta xafiiskii ugu horeeyay ee ay gudi farsamo oo ka kala socda
somaliwayn iyo somaliland ay xukuumada kulmiye ku balan qaday in ay
ka furayso casimada hargaysa oo ay si wada jira u wada fadhiisan
doonana labada gudi, ugana wada shaqayn geli doonan,
Hadaba waxaynu ognahay in ay inoo shegeen waftidii inooga qayb
gashay shirkii wada hadalka somaliland iyo somaliya in la qatay
qodob ah
1. In hawada somaliya oo dhan laga maamulo magalada Hargaysa oo
xafiis looga furo oo ay ka wada shaqeyan gudi farsamo oo kasoo kala
jeeda somaliway iyo somaliland oo ay wada fadhiistan xafiiska iyaga
oo mid qudha ah shaqa qudhana wada haya ?
Hadaba waxa is way diin mudan oo su aashu tahay ?
1, Ma jiraan aduunka laba dal oo hawadooda xafiis qudha laga wada
maamulaa?
Jawaabtu waa maya kama dhacdo aduun waynaa
2, Ma jiraan dal, dal kale hawadiisa odhaya casimadiina ka soo
mamula oo xafiis uga soo fura?
Jawaabtu waa maya majiro kamana dhacado aduunka
3,Gudida farsamada ee ka socota somaliway, maxay kuu aqoonsanyiin ,maxay
se marka ay hargaysa u soo shaqa tagayaan u aqoon san yiin ,magalada
haragaysa?
Macasimadii Somaliland mise casimadii labaad ee Somaliway.?
Hadaba waxanu wada og soonahay in ay rer somaliya aamin san yihiin
in aad kamid tahay oo ay somaliway mid qudha tahay. waxayna u oqoon
sanyiin marka ay u soo shaqa tagayan in ay joogan casimadii labad oo
somaliwayn oo haragaysa ah
Hadaba waxanu cabaraynaynaa xukuumada kulmiye oo aan ka fiirsan cida
ay u diranayso hawlaha qaran ee ay masuulka uga yiihiin umada rer
somaliland ,
Waxanan kula talinayana xukuumadu in ay tala qaran oo loo dhan yahay
ka yeelato arima qaranimada somaliland lagaga hadalayo oo ay ka qayb
galiso xisbiyada qaranka iyo goloyaasha qaranka iyo aqoonyahanka rer
somaliland, ee aqoonta dheradka u leh ,
oo anay iska dirin inamo yar yar oo aan aqoon ku filan oo siyasadeed
iyo waya aragnimo midna lahay ,
Shacbiga rer somaliland waxan kula talinayana in ay meel adag ka is
tagan gooni isutaaga somaliland wixii wiiqaya oo aan cidna ku
gorgortami karin, iyo in ay muwaadiliinta rer somaliland la socodaan
talabooyinka wiiqaya gooni isutaaga somaliland ee xukuumadu ku talab
sanayaso ee inoo wada muuqda , shacbiguna ha ogado wax la iibinayaa
waa dalkiini ee waa in aad ka hadashaan arimaha noocan oo kala aha,
oo dhabajab ku noqonaya gooni isu taga somaliland iyo himiladii aynu
lahayn ee jiritaankeena
,waxan kaloo ka codsanayaa in muwadiliinta rer somaliland garab
istagaan xisbiyada mucaradka ah ee ku ilaalinaya xukuumadu in anay
la lumin masuuliyada dalka ee loo idmaday
xidhiidhiyaha guud ee north america ee xisbiga waddani
salebaan cali bille
|