Xukuumada Oo Sheegtay In Garoowe Furin Noqon Doonto, 12 Ka Mid Ah Nabad-Diidka Oo Xalay Lagu Aasay Buuhoodle Iyo Ciidamada Qaranka Oo Isku Gedaamay Magaaladaasi

 


“Faroole Waxaanu Leenahay Waxba Hayska Hagran Ee Garoowe Iyo Boosaaso Ayaynu Iskugu Iman Doonaa, Ciidamada S/Land-na Ka Bixi Maayaan Dhulkooda”Wasiirka Warfaafinta Iyo Wacyigalinta Axmed Cabdi Xaabsade (Waraysi Khaas)


Hargeysa, February 20, 2011 (TNN) - Laba iyo Toban ka mid ahaa Maleeshiyadii Nabad-diidka  Buuhoo dle ee shalay subax weerarka ku soo qaaday Ciidamada Qaranka Somaliland ee fadhiisinkoodu yahay Maygaagle iyo Hagoogane oo ku dhintay dagaalkaasi ayaa xalay Maydadkoodii lagu Aasay magaalada Buuhoodle.

Weerarkan ay shalay maleeshiyada nabaddiidku ku soo qaadeen ciidamada qaranka Somaliland ayaa la sheegay, in ciidamada qaranka ay kaga geeriyoodeen shan askari halka sideed kalena ay kaga  dha awacmeen.

Maleeshiyada nabad-diidka Buuhoodle oo la sheegay inay gacan ka helayeen dagaalkaasi kooxo ka  ti rsan Al-shabaab, ONLF iyo Puntland ayaa ilaa inta la og-yahay waxa Maydadkooda la keenay xalay  m agaalada Buuhoodle 12 ka mid ahaa maleeshiyadaasi, oo iskugu jira Nabad-diidka iyo kooxaha la safan halka 13 dhaawac ahna la geeyay magaaladaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Haatuf u xaqiijiyey, in dagaalkaasi maleeshiyada nabad-diidka lagaga qabsaday saddex gaadhi oo laba ka mid ahi yihiin gaadiidka dagaalka ee loo yaqaano Tiknikada oo ay ku rakiban yihiin qoryo halka gaadhiga kalena yahay xamuul Zaadka u siday lagagana qabtay maxaabiis tiradoodu gaadhayso labaatan qof.

Madaxa hawlgalinta Ciidamada qaranka Somaliland Xasan Cabdi Yuusuf (Xasan Kayse) oo isagu  warb aahinta uga waramayay qaabkii uu u dhacay dagaalkaasi, ayaa isagu xaqiijiyey in ciidanka qaranka Somaliland ay maleeshiyada soo weerartay jab xoogleh gaadhsiiyeen, islamarkaana ay dul fadhiyaan magaalada Buuhoodle, islamarkaana kaga qabteen labaatan maxaabiis ah iyo laba gaadhi oo mid  yah ay gaadhi Tikniko ah, waxaanu yidhi ‘5:00 subaxnimo ayay ciidamada qaranka soo weerareen  malees hiyadaasi, waxaana laga qabtay labaatan maxbuus iyo laba gaadhi, waanay jabiyeen, hadana  ciidan ka qaranku waxay dul fadhiyaan Buuhoodle”

Dhinaca kale Caaqil Yuusuf Sheekh C/llaahi, oo ka mid ah Cuqaasha Buuhoodle oo xalay khadka  Tele phone-ka kula xidhiidhnay isagoo ku sugan magaaladaasi, waxna kaga weydiinay khasaaraha soo  ga adhay dhinacooda, ayaa isaguna yidhi “Sagaal qof oo dhimasho ah ayaa ilaa hada inta la hubo la  kee nay maydadkoodii magaalada, waana la aasay, dhaawacuna waa sideed inta ka keenay”

Dagaalkan dhex maray ciidamada qaranka Somaliland iyo Nabad-diidka Buuhoodle oo la isku  adeegs aday hubka culculus iyo madaafiicda oo socday 5:00 subaxnimo ilaa 4:00 galabnimo ee shalay ayaa la sheegay, in ciidanka qaranku ay ku ruqaansadeen duleedka Buuhoodle iyo Bali-shangale oo duleedka magaalada ah, taasoo wararkii u dambeeyay ee aagaasi aanu ka helay sheegayaan, in maleeshiyada nabadiidka iyo ciidanka qaranka Somaliland ee isku gedaamay magaaladaasi ay isku muuqdaan lagana cabsi qabo, in maanta mar kale dagaal culusi ka qarxo magaalada dusheeda, taas oo tibaaxuhu ay sheegayaan, in dadka ku dhaqan gudaha Buuhoodle ay walaac ka muujinayaan Ciidamada Somaliland ee kulaalaya.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyi-gelinta Somaliland, isla markaana ah  Afhay eenka xukuumadda Axmed Cabdi Xaabsade ayaa jawaab kulul ka bixiyay hanjabaadii ka soo yeedhay Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ee uu ku

sheegay, inanay faraha ka laabanaynin dagaalka u dhexeeya maleeshiyada Nabad-diidka Buuhoodle iyo Ciidamada Qaranka Somaliland, taas oo uu ku tilmaamay, in Sool iyo Buuhoodle dadka degaa ay yihiin Somaliland, islamarkaana haddii ay joojin waayaan faragalina ay Garoowe noqon doonto Furin dagaal, isagoo intaa ku daray, in Somaliland ay diyaar u tahay talaabo kasta oo ay ku difaacayso xu duudaheeda, iskana caabiyi doonto weerar kasta oo lagu soo qaado.

Wasiirka warfaafintu waxa kale oo uu sheegay inaanay ciidamada qaranka Somaliland ka baxaynin Laascaanood iyo deegaanada Buuhoodle.

Wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland waxa uu sidaasi ku sheegay mar aanu xalay khadka Telephone-ka kula xidhiidhnay, waxna kaga weydiinay sida uu u arko maadaama uu yahay  afhayee nka xukuumadda Somaliland hanjabaada madaxweynaha Puntland Faroole ka soo jeediyay idaacada BBC-da xalay, ugana digay Somaliland inay ciidamadeeda kala baxdo Laascaanood iyo Buuhoodle  Wa siirka Warfaafinta Md. Xaabasade

isaga oo hanjabaadaa Faroole jawaab ka bixinayana, waxa uu yidhi “Somaliland ka bixi mayso  dhulkee da, xuduudahayagana ka laaban mayno, awooda iyo itaalka uu hayana ha keeno, Faroole waxba yuu iska hagranin, marka uu talaabo soo qaado ayay noo tahay, Laaxcaanood iyo Buuhoodle-na shaqo  k uma laha Faroole iyo maamulkiisa toona, Garoowe iyo Laascaanood ayaynu iskugu iman doonaa  Laas caanood baad ka hadlaysaaye Somaliland xuduudaheeda ka laaban mayso ciddii ku soo xadgudubtana talaabo ayay ka qaadi doontaa, xuduudaheedana way sugaysaa cid ay uga daba fadhiisanaynsaa ma jirto”

 

Source:Haatuf