Xukuumada oo xidhxidhay dad taageeray golaha wada ta shi ga oo dagan degmada Abdaal ee gobolka Saaxil hadaba dadkan

 




Abdaal (TNN):-Wararka naga soo gadhay Degmada Abdaal ,ayaa shegaya in xadhig iyo jidhk dil loo gaystay dadkaasi ka dib marki ay si cad u taageeraan Golaha Wasa Tashiga ee dhawaan la gu dhawaaqay.

Siday Wararka aanu ka helaynno dadka degaanka sheegayaan, waxaa dadkaas Xadhigooda ka danbeeya Maareeyaha Dakada Berbera Eng.CALI Xoor-Xoor, oo baryahaasba wadday Olole uu doonaayo in lagaga soo horjeesto Golaha Wadda Tashiga , Golahaas oo Xukuumadu aad uga gu batay .

Waxaa Maal-mihii U Danbeeyay Socday Salaadiin Dhex-dhexaadinaysay Golaha Wadda Tashiga Iyo Xukuumada Taas Oo Labada Dhinacba Aqbaleen , Hayeeshee Arintani Waxay Dhabar Jab Ku Tahay , Wadda Hadalkii La Rabay In Dhawaan Uu Qabsoomo Ee Ay Salaadiinta SOMALILAND Ka Soo Shaqeeyeen , Waxayna arintan u eeg tahay inaanay xukuumada diyaar u ahayn oo ay kolba xagal daacinayso .



Waa marki u horaysay ee abid Xukumadi xidho dad intaa leeg oo taageero muujiya Gole, iya doo ay baryahan danbe soo kordhiyeen dadku ay xukumadu abaabulayso, oo ka soo horjeeda Golaha,
 


Hadaba magacyada dadkan waxay kala yihiin sidan

1. Muxiyadiin Faysal
2. Maxamed cabdi bidhiyo toorele
3. Cabdirisaaq Cabdilaahi
4. Xamda Maxamed Cali
5. Hoodo Amaan
6. Xaawa Cabdi
7. cabdi
8. Maxamed Miriq
9. ina cayuun.