Xukuumada Somaliland oo Mahad naq u dirtay Raysal Wasaare ku xigeenka Dawlada Imaaraadka Carabta

Aniga oo ku hadlaya Magacayga , Ka Xukuumada iyo ka shacbiga Somalilandba waxa aan kugu mahad naqayaa Taageeradii deg deg ahayd ee aad u soo fidisay Jamhuuriyadda Somaliland , taasoo dhamayd $150,000 (Boqol iyo kunton Kun oo Doollar), una soo mariyay Hay’adda lagu magacaabo Al-Cayn National Wildlife , adiga oo ka taageeraya dhibaatadadii ay gaysteen falkii waxshinimada leh ee argagaxisadu ay ka fulisay Magaalada Hargeysa 29-kii Bishii October , kaasi oo gaystay khasaare naf iyo maalba”.


Sida laga war qabo Sheekh Xamdaan maaha markii ugu horeysay ee taageero iyo kaalmo u soo fidiyo Somaliland , iyada oo uu yahay ninkii u soo diray Riiga Ceelasha Biyaha ka qodaya degmooyin iyo gobollo ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland.
 

 

 


Alla Mahad leh
Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL