xukuumada somaliland oo sheegtay in go'aanka Baarlamaanku soo saareen uu ahaa sharci daro
 

Wasiirul dawlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha ahna Ku Simaha Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xasan Axmed Ducaale(Xasan Macalin),ayaa maanta sheegay in aanay xeerarka iyo sharciga Somaliland midna ka mid ahayn, go’aankii maalintii shalay ka soo baxay mudanayaasha Golaha Wakiiladu oo ku baaqayay in laga noqdo Go’aankii Komishinku uu ku laalay diiwaan gelinta.


Mr. Macalin, Wasiiru dawlaha Arimaha Gudaha Somaliland waxa uu Golaha wakiilada ku eedeeyay in ay ku guul daraysteen meel marinta ilaa sedex iyo labaatan xeer(23) oo dalka anfici lahaa kuwaasi oo ay xukuumadiisu hor ugu gudbisay.

Ku simaha Wasiirka Madaxtooyad Xasan Macalin oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyadu, waxa kale oo uu si ba’an u weeraray Hay’ada Inter peace isaga oo ku sheegay in ay dalka ka xaday lix cajaladood oo ay ku jiraan macluumaadkii diiwaan gelinta codbixiyeyaasha.

Mar uu Xasan Macalin ka hadlayay diiwaan gelintii la laalay waxa uu xusay in ay xukuumadu go’aan cad ka lahayd oo ay rabtay in diiwaan-gelintu dalka ka qabsoonto ujeedada laga lahaana ay ka mid ahaayeen in la helo macluumaadka dadweynaha iyo jinsiyada Somaliland si loo helo kaadhkii aqoonsiga. Taasina ay suurto galin lahayd-buu yidhi, in la helo doorasho xalaal ah oo si dhib yar oo fudud loo galo lagana baxo ku celcelinta.

Wasiiru dawluhu isagoo arintaa sii faah faahinaya waxa uu yidhi ““Runtii waxaan u sheegayaa dadka reer Somaliland in diiwaan gelintii ay dhacday ku celin celin faro badan oo cid waliba ogtahay, oo dadka qaarna ay  hayst aan toban kaadh qofna uu haysto hal kaadh,taasina wax loo baahnaa may ahayn sharciyan. 96 kun oo qof ayaa la iska masaxay oo ay yidhaahdeen waxaanu ka gaadhsiin waynay wakhtigii,waxa jira Kombuyuutaro sadex Gobol ka hawl galay oo gabigoodiiba la waayay, oo kumanaan qof ku jireen kuwaasi xuquuqdoodii halkee ayay u marayaan.maalinta doorashadana markay yimaadaan fawdo ayaa ka imanaysa,”

Wasiiru dawlaha Wasaarada Arimaha Gudaha isla markaana ah ku simaha Wasiirka guduhu shirkaasi jaraa’id waxa uu ka sheegay inuu ku wareegay lixda gobol ee Somaliland kuna soo arkay carruur badan oo kaadhadhkii  co dbixinta si aan xeerka waafaqsanayn loo siiyay.

Wasiirul dawluhu mar uu si gaar ah uga hadlayay Hay’ada Inter peace oo uu sheegay in ay dalka ku haysay dhibaato badan waxa uu tilmaamay in xeerka Diiwaan gelinta ee 37 uu qorayay in diiwaan gelintu dhamaato  door ashada lix bilood ka hor, in diiwaan gelintu ay dalka ka socoto bil ugu  badn aana sadex bilood iyo inay dalka maalin ka wada bilaabanto, hasa ahaatee ay la timid-buu yidhi, nidaam ay iyadu wadatay oo aan xeerkeena ku  fadh iyin, komishankana ay ku tidhi idinkoo nidaamkaas ay wadatay soo  waaf ajiya mooyaane waxba idinla qaban maayo. Waxaanu sheegay in Arrintaasi xukuumad ahaan ay aad ugu adkayd hantida qudha ee ay haystaana ay xeerarka ahayd kuwaasi oo aan hore loogu cabudhin.



Wasiirul dawluhu mar uu arintaasi si wayn u sii faah faahinayay waxa uu yidhi “ Markii ay isa soo taagtay inay dalka ka baxdo iyo in xeerarkaasi sidaasi loo bedelo ayay nagu kaliftay inaanu bedelo, sidaasi ayaanu ugu gudbinay Goleyaasha Baarlamaanka goleyaashuna way bedeleen oo waxa la waafajiyay sidii ay iyadu (Interpeace) wadatay taasina hagar daamo ayuu ahaa. Markii la diyaariyay qandaraasku lagu bixinayay hawl galkii diiwaan gelinta waxa uu markii u horeysay u qornaa heer aad u wanaagsan oo heerkiisu (level)-kiisu Yurub ahaa oo haddii aynu runtii qaadan lahayn aanu khasaaraha inagu dhacay aanu nagu dhaceen.”

Wasiirku wuxuu Interpeace ku dhaleeceeyay inay qandaraaskii diiwaan gelinta siisay shirkad la yidhaahdo Copenhegan, oo waligeed aan wax shaqo ah qabanin, waxa kale oo uu xusay inay keentay mishiino iyo Kombuyuutaro tayo xun oo aan ka soo bixi karin baaxadii culayskii diiwaan gelinta.

Md. Xasan Axmed Ducaale, wuxuu ayaan darro ku tilmaamay siyaasiyiin uu sheegay inay Interpeace ku taageerayeen inay dalka kala goyso waxaanu yidhi“Haayada Interpeace waxay tidhi Gobolka Sool iyo Sanaag Bari wax aanu ka galaynaa ma jirto qalabkayaguna tagi maayo wax lacag ah oo aanu ku bixinaynaana ma jirto oo diiwaan gelintu ka dhici mayso, waxaanay ku tallo gashay inay rag badan oo siyaasiyiin ah oo Somaliland u dhashay oo hunguri siyaasadeed lihi ay ku taageerayeen aad iyo aad baan uga  xumah ay oo ay gacan ku bixiyaan in dalka la kala gooyo waxaanu ku adkaysanay in xukuumad ahaan inta laga qaban karo laga qabto. Oo qalabkii uun baanu ka barinay lacagtiina xukuumadii ayaa bixisay, sidaasi ayaanu dalkuna meel ku wada maray.





Mustafe Future
Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa Somaliland