Xukuumada Somaliland Oo Sheegtay In Doorashadii Deega anku Ay Dalka Ku Keentay Bur-bur Dhaqaale

 



Guud ahaanba lacagta gashay doorashadii goleyaasha deegaanku waa lacag umada Somaliland

Hargeysa (TNN)-Xukuumada Somaliland ayaa markii u horaysay shaaca ka qaaday in doorasha dii goleyaasha deegaanka ee qabsoontay sanadkii hore ay dalka ku keentay bur-bur dhaqaale oo aad u wayn, taasi oo ay sababtay lacag malaayiin doolar gaadhaysay oo ka baxday dawlada iyo musharixiintii tartamayay.

Sidaasina waxa cadeeyay Wasiirka maaliyada Somaliland Md. C/casiis Maxamed Samaale, oo ma anta waraysi gaar ah xafiiskiisa ku siiyay telefishanka Qaranka iyo wargeyska Dawan, waxaanu tilmaamay Md. Samaale in xiligii lagu gudo jiray ololihii doorashadii deegaanka ay dhacday in lac ag aad u badan oo malaayiin doolar gaadhaysaa ay ka baxday xubnihii tartamayay iyo dawlada ba isla markaana si qaldan loo isticmaalay lacagtaasi.

Isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Doorashadii dawladaha Hoose culays wayn oo dhaqaale oo loo baahan yahay in ay wasaaradda maaliyadu dadka u iftiimiso ayay dalka ku kee ntay, ka dib markii ay doorashadaasi dhacday waxaa dalkeena laga dareemayaa bur-bur dhaq aale oo aad u wayni in uu ku yimid, dad badanina ay sabool noqdeen, kuwaasi oo wixii yaraa ee ay haysteena dadkii ay qaraabada ahaayeen ee tartamayay siiyay, musharixiintaa tartamayay qofka ugu yar ayay ku baxday lacag gaadhaysa kumaan kun doolar, lacagtaasi waa lacag dad ka iyo dalka Somaliland ka baxday, waana lacag inteeda badan si qaldan loo isticmaalay oo Qaa d iyo sigaar ayaa loo isticmaalay, lacagtaasi inta ay jeebka dadka ka soo baxday ayay gashay wax aan muuqan,waxaan odhan karaa lacag aad iyo aad u badan oo maanta dalkeena ka muuq ata oo malaayiin doolar gaadhaysa ayaa baxday”.

Waxa kale oo uu wasiirku sheegay in xukuumada ay lacag aad u adag oo gaadhaysa 3 milyan a y ka gashay doorashadii goleyaasha deegaanka, isaga oo xusay in lacag dayn ahayd oo ay kom ishanka doorashooyinku galeen xukuumadu ay bixinaysay bilihii u danbeeyay ee sanadkan. “xagga xukuumada lacag aad u adag ayaa gashay doorashadaa, waxaanu bixinay lacagtii uu komishanku doorashada ku maamulayay oo 3 milyan oo doolar gaadhaysay, waxa kale oo aanu bixinay lacagtii lagu qaadayay muraaqibiinta xisbiyada ee goobaha tegayay, lacag aad iyo aad u badan ayay xukuumada Somaliland ku bixisay arrintaa doorashada, iyo lacag dayn ahayd oo kimishanka doorashada lagu yeeshay ayay dawladu bixinaysay bilihii u danbeeyay” ayuu yidhi wasiir Samaale.

.wasiirka maaliyada C/casiis Samaale waxa uu sheegay in lacagataasi aad ka u badan ee gash ay doorashooyinka ay tahay mid ka maqan dadka shacabka ah iyo xukuumadaba, isaga oo tilm aamay in doorashaooyinkii kala danbeeyay ee dalka ka dhacay ay culays dhaqaale oo aad u wa yn soo kordhiyeen.

Waxaanu yidhi “Guud ahaanba lacagta gashay doorashadii goleyaasha deegaanku waa lacag u mada Somaliland ka baxday oo ka maqan, taasi oo dadkeena iyo suuqeedaba aad looga dareem ayo faqri badan iyo dhibaato badana keentay, doorasho oo dhan ayaana arrintaa wadata, doo rashooyinkii kala danbeeyay ee dalka ka dhacay dhamaantood culays dhaqaale oo aad u wayn ayay dadka iyo dalkaba ku keeneen”.

C/casiis Maxamed Samaale, waxa kale oo uu sheegay in miisaaniyada sanadkan ay ku jiraan m ashaariic kala duwan oo aad u muhiim ah kuwaasi oo ay ka mid yihiin in baasaaboorka Somalila nd la bedelo oo laga dhigo E-passport iyo dab-demisyo ay doonayaan in badhtamaha sanadkan la soo iibiyo iyo sidoo kale in maalgelin la siiyo waaxda dalxiiska ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha, taasi oo lagu horumarinayo meelaha ay ku duugan yihiin aasaarta qadiimiga ah si ay dalxiiseyaasha u soo jiidato.

Waxaanu yidhi “Waxaad la socotaan miisaaniyada sanadkan inay ku jirto mashaariic aad u bad an, oo aanu ugu talogalay inay miisaaniyada ka muuqato, kuwaasi oo ah Mashaariic qiimo leh oo miisaaniyada sanadkan ku jirta oo aanu dhamaantood rejaynayno inay suurto geli doonaan, waxa ka mid ah in baasaaboorka Somaliland la bedelo oo E-passport laga dhigo, waxa kale oo miisaaniyada sanadkan ku jirta in aanu soo iibino Dabdemisyo sanadkan dhexdiisa iyo in Wasaa radda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska gaar ahaana waaxda dalxiiska aanu jecel nahay in aanu maalgelino oo aanu wax la qabano, waxaanan doonaynaa in aanu meelaha ay aasaarta qadiimka ah ama taariikhiga ah ku duugan yihiin ee Somaliland wax laga qabto si ay noqdaan kuwo soo jiita dalxiiseyaasha caalamiga ah”.

Waxa kale oo uu C/casiis Samaale intaasi raaciyay in miisaaniyada sanadkan 2013, ay ku jirtay bixinta derejada ciidamada qaranka, taasi oo uu ku tilmaamay guul Somaliland u soo hoyatay, “Waxaanu markii u horaysay miisaaniyada sanadkan 2013 ku darnay derejadii ciidamada qaran ka Somailand, iyada oo Madxweynaha Jamhuuriyada Somaliland uu siiyay derejooyinka xubnihii ugu horeeyay ee saraakiisha ciidamadana la siiyay, waana guul Somaliland u soo hoyatay” ayu u yidhi wasiir Samaale.

Wasiirka maaliyada Somaliland waxa kale oo uu sheegay in miisaaniyadii sanadkii dhamaaday oo gaadhaysay 106 milyan ay sidii loogu talo galay u soo baxday, isaga oo u mahad naqay dhamaa nba dadkii kala shaqeeyay suurta gelinta arrintaasi oo ay ka mid ahaayeen ganacsatada kala d uwan ee Somaliland. Waxaanu yidhi “waxaan uga mahadnaqaynaa dhamaanba dadkii nala shaq eeyay oo ay ka mid ahaayeen ganacsatada Somaliland ee dadka ay cashuuruhu ku waaj ibeen, guud ahaan meelaha kala duwan haday tahay kastamada, cashuuraha beriga, wasaaradaha kala duwan ee dakhliga soo geliya dalka aad ayaanu runtii uga mahadnaqaynaa cid walba oo gacan nagu siisay hawshaas. Sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa dhamaanba wasaaradda maaliyada.”

Waxa kale oo uu wasiirku sheegay in ku tala galka miisaaniyada dawlada ee sanadkan uu gaadh ayo 125 milyan, taasi oo tii sanadkii hore ka badan 20 milyan, isla markaana ay rejaynayaan in miisaaniyada sanadkani ay sideeda u soo baxdo. “Ku talo galkii miisaaniyadayada ee sanadka 2013 ee xukuumada waa miisaaniyad gaadhaysa 125 milyan, 20 milyan ayay ka badan tahay tii sanadkii hore, miisaaniyada dawladuna waxay ku dhawdahay 180 milyan, aad iyo aad ayay iya dna uga badan tahay tii hore, waxaanu ku rejo waynahay miisaaniyad sanadkan inay sideeda u soo baxdo” ayuu yidhi Md Samaale.

Wasiir Samaale ayaa ka codsaday ganacsatada iyo cid kasta oo ay cashuuri ku waajibtay in ay bixiyaan, waxaanu dadwaynaha u soo jeediyay in ay gacan ka siiyaan soo xeraynta miisaaniy ada lana shaqeeyaan, waxaanu yidhi “Waxaanu ka codsanaynaa dadweynaha kala ee reer Som aliand in sidii ay noo garabgaleen sanadkii hore ay sanadkana noo garabgalaan. Cid kasta oo cashuuri ku waajibtay iyo cid kasta oo dakhli laga doonayo waxaanu ka codsanaynaa inay bixiso”.


Khadar Cabdi Muuse
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland