Xukuumada Somaliland Oo Si rasmi ah U Fasaxday Mashruucii Biyaha Xumboweyne Ee Dawlada Emaaraatka + Tirada Deg mooyinka Biyaha La Gaadhsiin Doono iyo Qalabkii Biyaha Oo Dekeda Berbera Soo Gaadhay.
 


 


Hargeysa (TNN):- Gudidii Madaxweynaha Somaliland u xilsaaray sidii loo dhamaystiri lahaa muran kii mudada badan ka taagnaa mashruuca deeqda Biyo balaadhinta hargeysa ee Dawlada Emaara atka Carabtu ugu deeqday Somaliland ayaa gudidu sirasmi ah oo aanay ku kala leexan u soo saa reen qoraal ay kuwada saxeexan yihiin kasoo meesha ka saaraya Caqabadihii ma dhalayska ahaa ee mudada badan mashruucani u xayirnaa.

Go’aankan birta lagaga hor qaaday mashruuca Xumboweyne ayaa kadib kolkii Gudidii Madaxwey nhu u saaray ay isla qaateen waxay u gudbiyeeen Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed M axamed Maxamuud ‘Siilaanyo’, halkaaso madaxweynaha hortiisa ay mid mid ugu saxeexeen go’a ankoodi ay soo saareen gudidaasi oo ka koobnaa ku dhawaad Sideed Wasiir iyo dhawr Xildhibaan iyo weliba farsamo yaqaano dhinaca biyaha ah.

Intaasi kadib waxaa Xukuumadu ku wargelisay Hay’addii Dawlada Emaaraatka Carabtu ay u xil saaratay Fulinta iyo Hirgelinta mashruucaasi inay sirasmi ah u bilaabaan una dhamaystiraan mas hruucan oo xukuumad iyo shacaba ugu fadhiya qiimo weyn sidoo kalena shacabka hargeysa ay siinayaan ahmiyad aad u culus taaso ah hamiga ay u hayaan sidii ay haraadka uga bixi lahaaye en.

Dr C/raxmaan Cali Ducaale “Dr Juudi” oo ah wakiilka dawlada Emaaraatka Carabta u qaabilsan m ashaariic dhawr ah oo emaaratku ka wado wadamada Muritaaniya, South Sudan, Ghana, Niger iyo Somaliland oo aanu wax ka weydiinay sida ay u arkaan maadama la fasaxay mashruucii biy aha Xumboweyn iyo weliba halka ay wax ka bilaabayaan ayaa waxa uu si qoto dheer oo Cilmiyan ah uga warbixiyey Mashruuca Biyaha Balaadhin Hargeysa ee Xumboweyne waxaanu yidhi:- “Waa Mahad illaahay, waana wax aanu Sugaynay, run ahaantiina dunida wax kastaaba is fahan ayey ku dhamaadaan hadii la wada hadlo oo wax walba laysla eego, inta badana Khilaafka iyo Muranka waxaa iska leh hawsha baaxadeeda ka C/raxmaan ahaana waxaan u arkaa Culayska shaqada iyo Caqabadaha ka hor yimaadaaba waxay leeyihiin meel ay ka bilaabmeen iyo meel ay ku dhamaada an, Dawlada Somalilandna kolay iyaga ayaa Culayska ugu weyn ee helitaanka Biyuhu saaran yah ay Xal u helida khilaafkuna waa sababta Madaxweynuhu Gudi Heer Qaran ah ugu saaray waana uga Mahad Celinayaa.

Dr Juudi isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: Somaliland waxay kamid tahay dalal dhawr ah oo Emaaraatku mashaariic dhinaca Biyaha u badan ka wado mashruucana sidii aanu u hirgelin lahayd waxaanu ku bixinay wakhti iyo Tacab faro badan kasoo aanu markasta meesha kaga saaraynay wax kasta oo ka hor iman kara farsmo ahaan Biyaha anagoo u eegayna, Mustaqbalka dhow iyo ka Fog labadaba waana sababta aanu u Samaynay sahamin balaadhan khubaro Caalami ah iyo Dawlada emaaratku wada sameeeyeen ku talogalka mashruucanina waa in aanu Biyaha Gaadhsiino dhamaanba bariga iyo Koonfurta hargeysa oo ay kamid yihiin Xaafadaha iyo degmooy inka Kililka Shanaad, Daami, Laba Nuux, Cabaaye, Sheekh Madar, New Hargeysa, Axmed Dhagax, Maxamuud Haybe, Masalaha, October, iwm kuwaaso iyaguna biyaha sii siin doona inta nawaaxigo oda ah.

Waxaa kaloo Dr C/raxmaan Suldaan Cali intaasi ku daray in Qalabkii Taangiyada Biyuhu ay soo gaadheen Dekeda magaalada berbera isla markaasina iminka loo soo rari doono hargeysa, Isag oo sheegay in ay durba bilaabeen dhismaha qaar kamid ah fadhiisimadii goobaha Taangiyada la saari doono oo ay hawshoodi socoto,sidoo kale waxa uu xusay isla markaasina Xukuumada Som aliland si weyn ugaga mahad celiyey sida ay u soo dhaweeyeen dhismayaasha Laba Cisbitaal oo heer Caalami ah kuwaaso midkood Berbera kasocda midka kalena sida ugu dhakhsaha badan Bur co looga bilaabi doono.

Dhinaca kale waxaa Dr C/raxmaan tilmaamay Sida Falaax Al-Axbaabi uu oo ahaa masuulkii saba bta u ahaa Cilaaqaadka Dawladaha Emaaraatka Carabta iyo Somaliland oo uu dedaal xoogan gel iyey sidii Dawlada Emaaraatka Carabtu ay bulshada reer somaliland uga taageeri lahayd dhinacy ada Biyaha iyo Caafimaadka waxaanu Xusay inaan mashaariicda dawlada emaaraatku ku koobna yn mashruuca biyo balaadhinta hargeysa balse buu yidhi waxaa mahad illaahay ah inaanu maga alada burco ka hirgelinay Toban Ceel oo shaqaynaya qaarkoodna ay kayd u yihiin bulshada, sidoo kale magaalada Gebiley iyo nawaaxigeeda oo ahaa meelaha ugu baahida badnaa xaga biyaha oo iyana aanu ka hirgelinay laba Ceel oo midi khaas u yahay Gebiley iyo Nawaaxigeeda kuwaaso noq day biyaha ugu macaan iyagoo hore uga biyaha uga heli jirey Ceel aad wax soosaarkiisu u yaraa isla markaasina tayada biyihiisu ay ahaayeen kuwo milixdu ku badan tahay, halka buu yidhi dhin aca Caafimaadkana oo baahida ugu darani ay ahayd mashiinada kaliyaha safeeya kuwaaso Dawl ada Emaaraatku ugu Deeqday bulshada Somaliland khaasatan uu ugu deeqay H.H. Sheekh Xam dan Binu Zayed Alanahyan Alle haka abaal mariyee, halka wakaalada korontada magaalada Har geysana aanu gaadhsiinay Mashiin laydh oo awoodiisa gaadhayso 17050WT, halka buu yidhi Dawlada Emaaraatku Cisbitaalka Gebiley dib u dhiskiisi ugu horeeyey inuu Sheikh Hamdan ugu deeqay $200,000 iyo $150,000 oo uu ugu deeqay dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Argagixiso ee Hargeysa ka dhacay deeqdaasi oo laba saac kadib markii qaraxyadu dhaceen uu usoo diray si loogu daad-gureeyo dhaawacyadii aan wadanka gudihiisa waxba lagaga qaban karayn, intaa waxaa dheer sahamintii biyaha ee sida guud Emaaraaku uga sameeyey Somaliland taasi oo ah mida markastaba noo sahasha meelaha aanu biyaha kasoo saarayno.


Ugu Dambayntiina waxaa Dr C/raxmaan Juudi si weyn ugu mahadnaqay Wasaarada Biyaha iyo Kh ayraadka Somaliland iyo Farsamo yaqaanadeeda iyo weliba wakaalada biyaha Hargeysa.
Si kastaba ha ahaatee waxaa Xusid mudan in mashruuca biyaha Xumboweyne ee Dawlada Emaar aatku ay maal gelinayso oo ah kolka loo eego kaydka biyaha xad dhaafka ah ee Rabiweyne ku galaday Xumbo-weyne mid ka keliya ee bulshoweynta Caasimadu ay kaga bixi doonaan Haraadkii iyo Biyo La’aantii mudada badan ay la il-daraayeen.

Source: Berbera Today