Xukuumada Somaliland Oo Soo Dhawaysay Qorshaha Cusub ee Dawlada Maraykanku ku Dhawaaqday in ay Kula Dhaqmayso JSL

 


Hargaysa (TNN)-- Wasiirka wasaarada Arimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi  Cum ar, ayaa daboolka ka qaaday in xukuumada Somaliland soo dhawaynayso qorshaha ay dawlada maraykanku ku dhawaaqday in ay kula dhaqmayso Somaliland iyo Puntland .

Wasiirka waxa uu sidan ka sheegay shirjraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa magaalada  Ha rgeysa, isaga sheegay in dawlada Somaliland u aragto go’aanka maraykanku qaatay mid saxa isla markaan ay tahay wakhtigii beesha caalamku wada shaqayn buuxda la samayn lahaayeen xukuumada cusub ee Somliland.


Wasiirku waxa uu sheegay in dawlada maraykanku hada laga bilaabo ay si toosa wada shayn  bu uxda ula yeelanayso xukuumada S/land, sida ay uu ku dawaaqay kaaliyahay xoghayha arimaha dibada ee maraykanka.

Waxa kaloo wasiirku sheegay in siyaasada cusub ee dawlada maraykanka eek u wajahan  somlila nd ay ka mid tahay taageerada dumuquraadiyada,adkanta amaanka iyo wada shaynta amaanka mandhaqada somalilnd .
Wasiirka oo ka hadlayey sababta keenatahy in dawlada maraykanku badasho siyaasadeeda ku aadan Somaliland waxa uu sheegay in doorashadii dalka ka dhacday 26.juun.2010 ee u dhacday sida xorta iyo xalaasha ah ay Somaliland u soo hoysay sumada aad u way, waxa kaloo  md.Ma xmed C/laahi sheegay in dhawaan ay dalka yimaadeen wafti heersare ah oo ka socday wadanka Denmark oo u cadeeyey in ay si toosa wada shayn ula samaynayaan dawalada somlailnd sidoo kalena ay mucaawamada ay somalilnd siinayaan ay si toosa ugu soo hagaajinayaan dawlada s/land .

DR Maxamed C/laahi Cumar waxa uu si badalka siyaasada arimaha dibda Somaliland ku fasilay in ay keentay wax uu ugu yeedhay Bisaylka siyaasada somlalilnd, waxana uu kaloo hadaladii  wasii rka ka mid ahaa “ waxa dhib aad u weyni naga haysataa dhinaca dhismayaasha wadooyinka  gaa dhsiinta biyagha ee magaaliiyinka iyo kaalimaha caafimaadka iyo waxbarashad dib u haybaybta dakadaha waxana aanu rajaynay naa in xidhiidhka tooska ah ee aanu la leenay dawlaha beesha caalamku ay gacan inga siin doonaa hour marinta hawlahaas” sidaa na waxa yidhi wasiirka  arim aha dibada Somaliland mudane Maxamed C/laahi Cumar.


Ugu damabayntii waxaa uu wasiirka ka hadlay in dawlada somalilnd samaysay qorshe dhamays tiran oo ku aadan horumarinta dalka iyo doorka ay beesha caalanku ka qaadandoonaan,Waxa kaloo wasiirku sheegay in dhawaan safadkii ay raxanta wasiirada ahi ku tageen magaalada  Nair obi kulan ay la yeesheeen hayada maraykanka u qaabilsan dhinaca gargaraaka iyo horumarinta ee USAID ay u xaqiijisay in mucaawamada ay somalilnd siinjiray ay hayad 6 millyan halka sanakan laga bilaabo laga dhigayo 26 millyan.


Source: Oodweynenews