Xukuumadan Axmed M siiraanyo waa tii dadka reer somaliland u baahnaa!!!


 


Waxaan leeyahay akhristayaasha websaydayada ku xidhan ramadaan kariim waa wakhti rabad aan oo cibaado lagu jiro hadan la aamusnaan maayo ee wuxuun baa la sheegi ,marka hore wax aan salaamayaa warbaahinta warka noo kala gudbisa oo aan leeyahay waa ku mahadsan tihii n.Intaasi kadib waxaan jecel ahay in aan dhawr kelmadood ka idhaahdo wax qabadka muuqda ee ay wado xukuumadani taasi oo indhaha dadka soo jiidanaysa. marka hore xukuumadani waa mid uu dadka reer somaliland u wada mahadnaqayo waayo waxtarka ay u samaynayso dadkeeda ayaa dadkuna aad ugu mahad celinayaa waana wax muuqda oo markaati laga yahay.

Waxaa hadaba ugu danbeeyey ee aad ii soo jiitay waxtarka xukuumadu ay ka geysatay abaara ha iyada oo aad arkayso in goobo badan oo abaaro ka jiraan ay xukuumadu si wacan ugu gurma nayso isla markaana ay kormeeero joogta ah ku hayso iyada oo fariimo badan u kala dirtay caal mka iyo dawladahaaynu jaarka nahay iyo kuwa kale ee inaga fog intaba waxaa aynu argnaa ku wa badan oo ka soo jawaabay gaar ahaan dawlada Djibouti oo dhinaca galbeedka ka keentay raashin iyo taakula kaleba isla markaana ay xukuumada somaliland si wanaagsan u qaybisay iy ada oo eegaysa sida loo kala jilicsan yahay.


Waxaa kale oo ayaamahan si wanaagsan u socoda idaacadii cusbayd oo la rakibayo taasina dad weynaha reer somaliland aad iyo aad ayay ula dhaceen ka midha dhalinta xukuumada in la helo idaacad dadku wada dhegaysto oo dalka wada gaadha taasina xukuumadu way ku guulaysatay oo gacanta ayaa lagu hayaa oo intaasi oo engineer ayay lacag ku kharashgaraysay si hawshaasi u fusho.

Waxaa iyadan waxaan la ilaawi karayn ah in ay xukuumadu dadaal dheeraad ah ka geysatay xaa fada sheekh muuse ducaale oo dad dan yar ah ay ku wax yeeloobeen roobabakii kada'ay harge ysa dhawaanta halkaasi oo ay xukluumadu ka geysatay waxtar qiimo leh,iyad oo u qaybisay qof walba wixii uu ku dhisan lahaa oo ay gacanta ka saartay si ay dib ugu dhistaan waanay fulisaya xukuumadu waxaanu leenahay waa mahadsan tihiin sida fiican ee aad ummadiina ugu adeegays aan ugana war haysaan.

waxaa kale oo iyana la soo qaadan karaa kulankii madaxweynaha iyo xagla toosiye ku dhex mar ay imaaraadka carbta kaasi oo ah mid guul uu ka soo hooyey madaxweyne Axmed m.siiraanyo oo ah ruugacadaa siyaasadeed aad iyo aad ayay bulshada somaliland ugu farxdayarintaa si,wa ana la arkay midha dhalkeedii oo waynaga arganay in xaglatoosiyey fuliyey balankii ay madaxw eynaha wada galeen isaga oo buuhoodle jooga kagana dhawaaqay inuu qaatay nabadii ay ku soo balameen madaxweyne Axmed.M.siiraanyo.


Waxaa kale oo ayana wax lagu farxo ah ururadii iyo xisbiyadii oo hawshoodii si wanaagsan u soc oto isla markaana xukuumadu ay shubtay wixii hanti ahaa ee xageeda ku xidhnaa lana sugayo hantidii ay deeq bixiyayaashu bixin jireen taasina ay dhawaan soo dhamaan doonto haddii ilaah ay idmo.

Waxaa kale oo iyana si fiican loogu sameeyey maamulkii hagi lahaa jaamacada hargeysa oo ah meesha ay madaxda barito ka soo bixi doonaan oo loo sameeyey madaxweynihii jaamacada hargeysa kadib markii uu geeriyooday gudoomiyihii jaamacada hargeysa, waxaa kale oo iyana aad u dadaalaysa wasaarad waxbarashada oo dhagax dhigtay dhawr iskuul oo ay ka mid yihiin sheekh mandheera iyo deeqo waxbarasho oo ay siisay ardaydii ka baxday dugsiga dila oo ay wasaardu ugu deeqday in ay ka bixin doonto waxbarasho heer jaamicadeed oo free ah taasina waa wax loogu mahadnaqo xukuumada somaliland.


waxaa iyana la bilaabay madaarkii burco oo loo samaynayo xadayn isla markaana wax laga qaba n doono lana dhisi doono haddii ilaahay yidhaahdo,waxaa iyana la bilaabay madaarkii hargeysa oo isaguna si fiican u socoda,iyada oo dhawaana ay duulimaadkii joogsaday ee air ethiopia u dib uga bilowday hargeysa iyo berbera taasina ay tahay waxqabadkii ugu weynaa xukuumadani ka midha dhaliso.

Isku soo wada duuboo waxqadbadka xukuumada Axmed maxaed siiraanyo balnqaadkeedii (80%) boqolkiiba sideetan waa ay qabatay wixii hadhsanna waa soo wadaa waxqabadanna lagu gaad himaayo xukuumadan hada jirta ee hogaamiyaha ka yahay ragcadaaga siyaasadeed ee Axmed maxamed siiraanyo,markaa waxaan leeyahay xukauumadani waa tii ay bulshada somaliland u baahnayd ee ha la taageero hana laga daayo hadalka xun ee aan waxtarka lahayn dadkana kala dilaya hana la iska dhaafo qabiilka iyo reer hebelka.intaasi waa wax yaalihii ugu danbeeyey ee la qabtay in kale oo badanina waxay ku soo jirtaa jidka markaa xukuumadini waa tii loo baahnaa ee halgu far adaygo.

 



Abdi Amoud

adamuud@hotmail.co.uk