Xukuummada Rayaale iyo Somaliland Way Kala war La’yih iin,hadalka Rayaalena Waxa Ka Mu uqata Aqoon darro Kibir Xanbaarsan ” Darawal

 

Wasiirkii hore wasaarada Caafimaadka Somaliland C/laahi Xuseen Iimaan Darawa ayaa ku tilmaamay Madaxweyne Rayaale inaanu kala garanayn in isaga iyo sadex wasiir oo hore oo qaadacay habkii uu u dhacay Shirweynihii Xisbiga UDUB ee musharaxnimada Madaxweynanimo loogu doortay Daahir Rayaale inay ka baxeen Shirkaa iyo inay Xisbiga ka baxeen.

C/laahi Darawal waxa uu sheegay inay kala war la’ayihiin hab-dhaqanka Xukuummada Rayaale, iyo Somaliland, waxaanu faah-faahin ka bixiyey waxa uu ku sheegay kartida habac-sanaanta ka muuqata oo uu sheegay inuu Aqoon fiican u leeyahay

Sidaa waxa Darawal ku sheegay Wareysi uu xalay Wargeyska saxansaxno kula yeeshay

Ugu horeyn C/laahi Xuseen Iimaan Darawal waxa uu yidhi“Waxaan doonayaa inaan ka hadlo oo aan jawaab ka bixiyo hadal ka soo baxay Madaxweynaha oo uu ku sheegay waraysi uu siiyay Universal Tv oo uu la yeeshay wariyaha la yidhaahdo Axmed Xasan Cawke kaas oo uu ku sheegay in aniga iyo saddex wasiir oo aan ka mid ahaa aanu ka baxnay shirkii xisbiga UDUB lagu aasaasayay isagoo malaha ujeedadiisu tahay xisbiga way ka baxeen.Daahir Rayaale waxaanu kala garanaynin in shir laga baxay iyo in xisbi laga baxay anagu shirkaa uu sheegayo markii aanu ka baxnay waxay ahayd markii lagu dhawaaqay ee shirka dhexdiisa laga yeedhiyay guddida fulinta ee xisbiga waxa aanu ka baxnay wuxuu ahaa qodobkaas saddexda wasiiir ee uu sheegayaana waxay kala ahaayeen aniga (Darawal), Cali waran cade iyo Oomane, waxaana hadalkiisa ka muuqatay in aanuu fahamsanayn waxan uu ka hadlayo laakiin dadka siyaasada ka agdhawi way garanayaan hadalkayguna wuxuu ku socdaa dhegegaalaha, waxaas run moodi karaya”..

Mar uu Darawal ka hadlayey qaabkii iyo goorti ay ka baxeen Shirweynihii UDUB waxa uuu yidhi “Hadalkiisa waxaa ka dhadhamayay aqoon daro kibir xambaarsan, laakiin markaa uu sheegayo ee uu shirku socday isagu waxaabuu ahaa ku xigeen oo waxan waxba kamuu qaban karaynin laakiin waxaa joogay Madaxweynihii dalka Alle ha u naxariistee Marxuum Cigaal oo yaqaanay miisaanka uu leeyahay kursiga uu ku fadhiyaa iyo sida uu dadka ula xidhiidhiyo labadaba anaguna (Saddexda wasiir ee ka baxay) maalintaa waxaanu ka cadhoonay guddidaa fulinta ee la xaadiriyay oo kaliya Marxuumkiina waanu ka wada hadalnay oo taayadiina wuu ka garaabay ujeedadii uu ka lahaana waanu ku qanacnay laakiin Rayaale waxba kamuu ogayn”. Ayuu yidhi C/laahi Darawal.

C/laahi Darawal mar kalena isagoo ka hadlaya in uu tilmaan ka bixiyo aqoonta uu u leeyahay nidaamka xukuumada dalka ka talisa iyo qorshaha Madaxweyne Rayaale sida ay isaga ula muuqato waxa uu yidhi “Waxa la yaable Daahir Rayaale waxa uu ka hadlay maalin shir laga baxay oo uu ka dhigayo in xisbigii oo dhan laga baxay isaga oo Ilowsan in aanu wada shaqaynaynay shantii sanadood ee ka danbeeyayba oo ay saddex doorasho dalka ka dhaceen kuwaas oo ay ku jirto tii isagu uu ku soo baxay waxa kale oo uu Ilawsan yahay marka uu leeyahay C/laahi Darawal xisbiga wuu ka baxay oo waakii shirkii ka baxay in uu ragga imika la shaqeeyana(Cali warancade) jiidhay. Aniga culays iguma hayso laakiin waxa aan ogahay is maandhaafka iyo iska war hayn la’aanta ina Rayaale iyo Somaliland shakina igagama jiro waanay muuqataa in isaga oo aan dhaarsanayn-ba oo uu wakhtigiisii mar hore dhacay kursiga ku fadhiyo oo aanuu waliba diyaar u ahayn inay doorasho dalka ka dhacdo”.

C/laahi Xuseen Iimaan Darawal oo ka waramaya faraqa u dhexeeya hadalkiisan imika iyo shantii sanadood ee uu dhisayay madaxtinimada madaxweyne Rayaale waxa uu yidhi “Sida runta ah Anigu waxba kama qabo macno-na iima sameeyaan aflagaadooyinkiisa iyo dhacdhaciisu waayo waxaan ogahay in aan wax ku lahaa dhismihiisii taas oo aan imika qoomameeyo laakiin waxaan la yaabanahay ragga agjooga ee wakhtigooda siiya kuwaas oo ay taariikhdu xusi doonto waxa ay ka shaqaynayaan”.

C/laahi Darawal wuxuu dadweynaha ku baraarujiyey inay ka toosan fooedhoofa tilmaamay in ay ka toosaan foorarka oo aanay suurta gal ahayn inay si dhag wayn ahaadaan iyo in ay wax saxmaan waxaanuu yidhi “Nabadgalyada laydinku khuukhinayaa ee maalin walba laydin la hortaagan yahay ma ah tii aad doonaysen waa mid uu ku shaqaysto nin muraad lihi iyada ayaana dhalaysaa nabadgalyo-darada”.

Ugu danbayna C/laahi Darawal oo ka jawaabaya sababta uu garabkiisa Xisbiga UDUB uu u qabsoomi-waayey waxa uu yidhi “Waad wada ogaydeen oo dadka si ay ka noqotayba xataa hudheelada kuwii aanu lacagta ka bixinay ee aanu kiraysanay hoolka lagu shiro ayaa u hogaansamay warqad uu badhasaabku (Cali Asad) qoray oo nalagaga hor joogsanayo, dee markaa waxay noo soo joogsatay in aanu dalka u tudhno oo aanu nabadgalyada xageeda raacno iyo in aanu ka ficiltano dabeetana waxaanu doorbidnay tii dadka iyo nabadgalyada”.

C/laahi Darawal waxa uu sheegay inuu garabkoodu dhawaan shir jaraa’id qaban doono oo uu kaga hadli doono arrimo badan oo ay ka mid tahay marxalada uu dalku marayo.

 


Wargeyska Saxansaxo