Xukuumadda iyo imaamyada masaajidada hargeysa oo shir ka yeeshay adkaynta nabadda

 

Wasiiro ka mid ah Golaha xukuumadda Somaliland, ayaa Shir ballaadhan la yeeshay in ka badan saddex boqol oo ka mid ah Culimada Imaamyada ka ah Masaajidada Magaalada Hargeysa.

Kulankaas oo maanta ka dhacay hoolka shirarka ee guriga shaqaalaha dawladda, waxa uu dabasocday shirar isdaba joog ah oo beryahanba xukuumaddu la yeelaynaysay qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo ujeedadoodu ahayd sidii looga wadashaqayn lahaa adkaynta nabadgelyada iyo in la sameeyo habab dadweynuhu arrintaa kala shaqeeyo dawladda.

Waxaana shirkaa imaamyada masaajidada la isugu yeedhay ka qaybgalay wasiiradda Diinta iyo Awqaafta Sh. Maxamuud Suufi Muxumed iyo Arrimaha Dibadda Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wasiir-duwlaha Arrimaha Gudaha Md. Xasan Axmed Ducaale, Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta Md. Cali Cilmi Geelle iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Maxamuud Suufi Muxumed oo kulankaas furay, ayaa sheegay in culimadu imaamyada masaajida ka ahi ay yihiin kuwa dadka ugu qiimaha badan, maadaama ay joogaan guryihii Ilaahay ee ugu qiimaha badnaa, balse wax laga xumaado ay tahay in wixii dhacay lala xidhiidhiyo culimada.

Isaga oo arrimahaa ka hadlayey waxa uu yidhi; “Culimooy, imaamyada masaajidow idinku waxaad ummadda u haysaan xilkii ugu weynaa, waxaanad joogtaan meelihii dalka ugu qiimaha badnaa oo ah beytulaahi. Sidaa daraadeed waa in aad ogaataan in la idinku aaminay cibaadadii ugu weynayd cibaadooyinka. Haddaba markaynu eegno dhacdadii inagu dhacday ee aynu sababteeda isugu nimi, waxaynu u baahanahay sida nabadgelyadeenu u wanaagsanaan lahayd, mar haddii diinteenu diin nabadgelyo tahay, idinkuna culimadii ummadda ee diinta loo aaminay in aynu taa wax iska weydiino weeye kulankeenani. Arrintii dhacday in farta lagu godo xaggii diinta iyo dadkii ehlu diinka ahaa dhinacoodii diinta nusqaan weyn bay ku tahay waxaana arrintan sabab u noqday dad isku shabbahaya, laakiin dad ehelu diin ah oo diinta si toos ah u haystaa waxaasi kama suuroobaan.”

Wasiirku waxa uu sheegay in shanta degmo ee magaalada Hargeysa ka kooban tahay mid kasta masaajidada ka dhisan iyo xaafaddaba laga samayn doono gudiyo ammaanka kala shaqeeya dawladda.

“Waxa loo baahan yahay in imaam kastaa masaajidka uu joogo xilkiisa uu qaado xag diineed, xag nabadgelyo iyo xag kastaba, waxaana shanta degmo ee magaalada Hargeysa ka kooban tahay mid kasta la samayn doonaa inta masaajid ee ka dhisani intay isku tagaan gudi soo sameeyaan, gudigaas oo hoosiman doonta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, sidaana nidaamka nabadgelyada lagula socdo,” ayuu yidhi Sh. Maxamuud Suufi
Waxa kale oo Wasiirku ugu baaqay culimada imaamyada ka ah masaajidadu inay aqoontooda diimeed kor u qaadaan, si wixii diinta iyo cibaadaba ka khaldama ay u sixi karaan, maadaama ay iyagu qaadeen masuuliyad weyn, isaga oo tilmaamay in imaamyada masaajidada lagula xisaabtami doono wixii ka yimaada masaajidooda.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macalin) oo isna shirkaa ka hadlay, ayaa sheegay in sababta kulankaas loola yeeshay culimadu aannu ahayn in wax loo sheego oo ay iyagu yihiin kuwii dadka wax u sheegayey, balse la doonayo in fariin loo gudbiyo.

“La idiinkuma yeedhin in la idin wacyiyo ee waxa la idiinku yeedhay in la idinka wargeliyo halka xaalku marayo oo fariin la idiin soo gudbiyo, ta la idiinka maarmi waayey waa taa halka wax marayaan ee la iska abaarayna waad ogtihiin, ku talogalku wuxuu u muuqanayey in aynu isku dareerno oo isku dhex yaacno saacad keliya inaga oo ahayn ummad sharaf leh oo nabad ku deganayd, talogalku caynkaas ayuu ahaa, laakiin Ilaahay kama dhigin,” ayuu yidhi Md. Xasan Macalin.

Wasiiru-dawluhu waxa uu tilmaamay in Somaliland ay maraysi xilli horumar iyo inay dunida la tartanto ay maraysay ee aanay marnaba nabadgelyo-xumo ka fikirayn.

“Bogcadaa yar ee aynu joogno ee Soomaali ka nabadqabta horumar baynu hiigsanaynay oo nabadgelyada meel baynu iska dhignay, waayo waxaynu ku talogalnay in aynu hore uga soo shaqaynay oo meel iska dhigay, waxase muuqata in cidi ka ba’ayso..”

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo isna kulankaa kala hadlay culimada, ayaa sheegay in culimadu ilaa intii Somaliland lagu dhawaaqay kaalin weyn ka qaadatay horumarka dalka iyo ilaalinta nabadgelyadaba, gaar ahaana ay ka qaybqaateen dejinta dagaaladii sokeeye ee beelaha Somaliland dhexmaray.

“Wax weyn baa inaga galay waxan aynu ku fadhino inaga oo doonaynay nabadgelyo iyo in dhisme qaran la sameeyo, Ilaahay mahadiina maanta meel wanaagsan baynu joognaa, laakiin intaaba waxa socotay rag meel ka soo bu’aya oo leh ma jirayso mana dhismi doonto ee waanu burburin doonaa oo aan mar iyo laba toona ahayn, tallaabooyinkan dambe ee la qaadayna wixii horeba saleelo ayey ahayde waa mid aan tudhaaleba lahayn oo ahayd qarankan iyo wixii ku abtirsanayaba mar hala waayo,” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu waxaannu intaa raaciyey, “Somaliland aad bay u nasiib badan tahay, waayo cidnaba dulmi kamay gelin, waxa aynu wadnaana waxa weeye in dalkani dhismo oo uu noqdo mid nabadgelyo shacbigiisuna horumaro. Markaa waxaynu doonaynaa in aynu midnimo ku wadashaqayno, baadhis baana socota, laakiin arrintu maaha wadaadow wadaad ma tahay ee baadhis baa socota wixii ka soo baxaana ciday gasho cid ka hortagaysaa ma jirto.”

Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta Cali Cilmi Geelle iyo Sh. Ismaaciil Xasan Faarax oo ka hadlay sida arrintani aanay diinta shaqo ugu lahayn iyo in loo baahan yahay si wada jir ah looga shaqeeyo.
 

 

 


SalalNews