XUKUUMADDA KULMIYE DABADEED LAMA BAANO!!

 


Wargeys la xayiro, wariye xabsi loo taxaabo, xisbi mucaarid jidgooyo la hor dhigo, gulufka ciidan iyo gelelefka RRU ku ekeysiisay xuruntii WARGEYSKA HUBAAL, cabudhinta warbaahinta madax ban naan, iyo car juuq dhehadu waa dhalanteed iyo majaajilo soo gebeogeboobidoonta. Markay derbi gii soomadaaye ka soo go'day ee maaro loo waayay goolaftankii Xisbiga Kulmiye dhexdiisa ka jire y, xaalku wuxu maraya Golihii Wakiilada ha la qarqarsiyee Saleebaan Gaalow meesha ka kac oo gu rmo si shirdoonku gacanta xukuumadda u galay!! Sheeko baraley waar tanna yaa u fadhiyey

Aadamuhu sidan kuma madiidinsamo oo Raxmaankii ina uumay ayaa ku mannaystay mudnaantii ku noolaansha kawnka. Waxa ka mudan in maskaxda iyo caqliga fayoobi shaqeeyaan.

Dhacdooyinkan dalka ka curtay waa ifafaalihi gabaygii Allah ha u naxariiste Muxamed Xaji Cabdirax maan Jaamac "Lugooyo" markuu lahaa:

"Waxyi iguma soo dego haddana wax ima seegaane
Waxan ahay nin waayahay adduun wax uga muuqdaan
Nin wadiifad haystaa haddu wadi aqqoon waayo
Wakhtiguu u jecelyahay ayaa kursiga la wajaafaaye”

Inta ka dib, bal hada hoos an ugu dhaadhaco arrintan HUBAAL ee sal dhigi la':

Waxay taariikhdu ahayd bishii Abril 24, 2013 xili habeenimo ah markay koox dablay ah oo madax soo duubatay weerar dhagareysan ku soo qaadeen xarunta Wargeyska HUBAAL. Weerarkan oon noociisa hore loogu maqal Somaliland ayaa ku jiheysnaa dil badheedh ah oo lala beegsaday Maam ulaha wargeyska Md. Mohamed Ahmed Jama. Nasiib wanaag shaqaalihii ku sugnaa xarunta warge yska ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan mid ka mid ah dablaydii halka midna fakaday; dembiilihii iyo baastooladiisii iyo telefonkiisiiba booliska ayaa gacanta laga geliyey. Wixii macluuma ad hordhac ah ee dhibaneyaashu hayeena cidii kiiska u xilsaarnayd ayaa lagu hubsaday.

Tallaabada taa xigtaa waxay ahayd in dembi baadhistu hawsheeda halkaa ka sii wado oo ka gun gaadho arrinta cida ka dambeysay. Todoba bilood ka dib waxa caddaatay in aan ciddii arrinta u xil saarnayd wax baadhitaan haba yaraate samayn. Waa xil gudasho la'aan xaga dembi baadhista, maxkamadda ciidanka iyo guud ahaa taliska ciidanka ammaanka oo xilkii ay ummadda u hayeen ku fashimay.

Caqliyadda Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka ayaa ah mid aad u liidata. Waa tan u horeysee a skari iskuday dil u xidhan dammaanad lagama qaadi karo; ta kliya ah ee xoriyaddiisa usoo celin kar taa waa marka Maxkamad horteed dembiga loo haystaa ku caddaan waayo. Sheekada Guddoom iyaha Maxkamada Ciidanku warbaahinta la hor yimid mid soconaysaa ma ah oo caqliga iyo garaad Bani Aadamka ayey toos u duraysaa. Waxa daaha ka feydeysaa caddaalad darro iyo sharcigii dal ka oo badheedh loogu tumanayo; waxay sumcad xumo ku tahay karaamadii qaranka; waxay horse edi kartaa in ay faraha ka baxdo sharciyaddii iyo kala dambeyntii oo qof waliba sharciga faraqa ku qaato- Taasina waa mid halis gelinaysa jiritaanka dalka iyo wada noolaasha ummadda dalka leh. Marka ammaanka iyo caddaaladu heerkan oo kale gaadhaan, xaalku wa dal saqiiray oo dunida ka hadhay? Su'aashu se waxay tahay: Siday wax yihiin weynu aragnaa maxaa se xigidoona?

Xukuumaddii Kulmiye oo ummaddii u codaysay u dardaarwerinaysa ay jawaabtan soo gudbisey:

Jeenkis habar wadaagii iyo
Hoolaakihii cunay hilbihii addomaha
Ama habar dugaage halaakaysa aadmiga
Annagaa hormood ka ah
Haybaan waa wadaagnaa
Hideheena gaarka ah suugaanta hodanka ah
Hal abuurka maansada abwaanada higaadshaa
Musdabeed dalleensaday
Hadday daah ka faydaan
Haybe Nuur sidiisii higta dhexe habeenkii
Ama hiirta waaberi jeel ku hubso weeyaan
Inta Qalinka maashana hal yar oo tussalo ah
Halka uu HUBAAL maray adna ku hurran weeyaan
Hadaad edebsan weydonaha billaawaha haliilaan
Halbowla ku naafayn oon haanka ku sudhi

 



Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
December 16, 2013