Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo shirkeedii Golaha Wasiiradda ee Khamiistii isku raacday shacabkeedu inay Isticmaali karaan Baasaaboorka cusub ee Somaliya

 



Golaha Wasiiradda oo ku kala qaybsamay Doodii Baasaaboorkaa iyo Wasiiro Aaminsan jiho loo ga leexdaa inaanay jirin oo muquuniyay kuwii diidanaa


Wasiiradda qaarkood oo ku adkaystay in la qaadaco Xajka maadaama Sucuudigu aanu ogola yn Baasaaboorka Somaliland

Hargeysa(TNN) Shirkii Golaha Wasiiradda ee khamiistii dhaweyd ayay Xukuumaddu si adag uga dooday go’aan uu Sucuudigu ku joojiyay Baasaaboorkii hore ee Somaliya ee ay reer Somalila nd Isticmaali jireen, iyagoo ku bedelay Baasaaboorka cusub ee ay Dawladda Somaliya soo da abacatay, taasoo ay Dawladda Sucuudigu sanadkan dhaqan gelisay, isla markaana Xajka aan isaga mooyee mid kale lagu tagi doonin.

Shirka Wasiiradda inkasta oo aan Saxaafadda loo ogolayn, Xukuumadduna aanay ilaa hada u sheegin dadkeeda Go’aanka asy ka soo saartay, ayay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay Waah een u xaqiijiyeen in Doodii lagag tashanayay Baasaaboorkaasi Dood culusi ku dhex martay Wa siiradda, iyagoo u kala qayb samay koox tidhaahda aynu qaadacno Xajka si aynu Dawladda Su cuudiga culays ugu saarno, iyo Koox ku dooday maadaama aynaan Ictiraaf haysan inaynu aqb alno go’aanka Sucuudiga oo aynu isticmaano Baasaaboorka Dawladda Somaliya ee la aqoonsa n yahay.

Kooxda Wasiiradda ah ee ku doodaysay in la qaadaco Xajka waxa ay aragtidooda u food saar aynaysay maadaama Sucuudigu yahay Dal Islaam ah Xajkuna yahay Tiir ka mid ah Tiirarka Wa ajibka ku ah Shucuubta Islaamka inay arrintaasi suurtogal noqon karto inuu aqbalo Cabashade ena. Iyagoo waliba u arkayay fursada labaad eek u jirta Diidmadda Xajku inay noqon karto fur sad kale oo Dubalamaasiyadeed oo ay Beesha Caalamku ku maqli karto Codkeena maadaama ay u arkaan Xajku inuu yahay Rukun ku weyn Islaamka.

Wasiiradda Dooda caynkaas ah qabay waxa la sheegay inay ka mid ahaayeen Wasiir Xirsi X Calai Xasan, Nimco Qawdhan iyo wasiiro kale oo kula safnaa aragtidaasi.

Hase yeeshee aragtida kale ee ay qabeen wasiiradda ka soo horjeeday isla markaana la isla qaatay waxa ay ahayd in la aqbalo Isticmaalida Baasaabooradda Somaliland, hase yeeshee waxay soo jeediyeen in loo fiiseeyo qofkasta oo Reer Somaliland ah Baasaaboorkaasi maada ama uu dal kale leeyahay, isla markaana aanu wax dhib ah loo arag Isticmaalkiisa.

Wasiiradda Sidaas ku dooday ee la qaatay fikirkooda waxa ka mid ahaa Wasiirka Diinta iyo A w-qaafta Somaliland, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Caafiamaadka iyo Wasiiro kale, taa soo noqotay go’aanka Golaha Wasiiraddu isla qaateen balse ay Xukuumaddu sheegi kari la’d ahay.

Go’aanka Wasiiradda ayay dadka faaleeya Siyaasadda oo tan iyo khamiistii aad uga doodayay u arkaan Xukuumaddu inay tag iyo maaro u weyday sidii ay Siyaasadda Arrimaha Dibeda u ma arayn lahayd, isla markaana go’aankan ay qaadatay uu yahay mid is tabcaynaya oo muujin aya “Beerka jecli xaydha Jecli”

Si kasta ha ahaatee Dabinka ay ku dhacday Xukuumadda Somaliland ayaa in badan looga dig ay balse marna may garawsan Dooda dadkii ka sii afeef dhiganayay ee sii arkayay maalin uun inay iman doonto sida tan taagan oo kale.
 

 

source:waaheen