Xukuumadda Oo Cafis Ku Sii Daysay Laba Ka Mid Ah Dadkii U Xukunaa Raashinkii Mucaawinada Ahaa Ee La Lunsaday


 

 

Hase yeeshee Madaxtooyada Somaliland ayaan ilaa hadda si rasmi ah u shaacin cafiska Madax weyne ee lagu........

Hargeysa(TNN) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa ca fis Madaxweyne xabsiga kaga sii daayey laba ka mid ah shakhsiyaadkii ku xukunnaa raashin m ucaawimo ah oo la musuq-maasuqay, kuwaas oo lala xukumay masuuliyiin xukuumadda Soma liland ka tirsanaa.

Sida warar xog-ogaal ah oo Madaxtooyada ku dhawi sheegeen Madaxweyne Siillaanyo ayaa sheegay in cafiskiisan Madaxweynuhu u cuskaday xaalado caafimaad oo uu sheegay inay la soo derseen labada nin oo kala ah Cabdishakuur Cabdi Nuur oo ah ganacsade Bakhaaro ku leh magaalada Hargeysa oo lagu eedeeyay inuu iibsaday raashinka mucaawimada ah ee la leexsa day, kaas oo Maxkamaddu ku xukuntay toddoba (7) sannadood oo xadhig ah iyo ninka kale oo la yidhaahdo Axmed Maxamuud Geelle (Timacadde), ahaana guddoomiyaha NGO-gii Waddaniga ahaa ee SIWA, kaas oo ay hay’adda Cumaan u xilsaartay qaybinta raashinka mucaawinada ah, kaas oo isna Maxkamaddu ku xukuntay siddeed (8) sannadood oo xadhig ah, waxaanay ilo-wareedyo u dhuun-daloola Xabsiga dhexe Hargeysa oo ay ku xidhnaayeen labada nin xaq iijiyeen in shalay gelinkii dambe xabsiga dhexe laga siidaayey labada nin ee Madaxweyne Siill aanyo cafiska ku sii daayey.


Hase yeeshee Madaxtooyada Somaliland ayaan ilaa hadda si rasmi ah u shaacin cafiska Madax weyne ee lagu sii daayey Cabdishakuur iyo Timacadde oo xukunnaa musuqmaasuqa raashinka mucaawinada ah.


Madaxweynaha ee uu cafiska ugu fidiyay labada nin, ayaan lagu soo darin Badhasaabkii hore ee Hargeysa Axmed Cumar Cabdillaahi (Xamarji) iyo Agaasimihii hore Dib-u-dejinta Axmed Ci lmi Barre, oo ka mid ahaa masuuliyiintii lagu xukumay isla dacwaddaas Raashinka la leexsada y.
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland