Xukuumadda oo Maxkamada Sare u Gudbisay Dacwad lagu Fasirayo Muranka Doorashada

 

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ayaa Maxkamadda Sare u gudbisay dacwad saabsan dastuurka Somaliland si ay fasiraad uga bixiso qodobo distoori ah oo ku qotoma qabka doorashada iyo sifaha xilka lagaga wareejin karo Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka, taasi oo waqtigan uu muran xooggani ka taagan yahay.


Ma jiraan warar rasmi ah oo sababta xilligan xukuumaddu ugu gudbisay dastuurka maxkamadda sare, balse siday xalay Jamhuuriya u xaqiijiyeen illo xogogaal ah waxay xukuumaddu maalmihii u dambeeyey toddobaadkan ay maxkamadda u gudbisay nuqulo ka mid ah dastuurka qaranka, iyada oo ka dalbatay inay fasiraad waafi ah ka soo bixiso qodobka 83aad ee dastuuriga oo ka hadlaya qaabka Madaxweynuhu ku warejin karo xilka dadweynuhu u soo doorteen.


Qodobka 83aad ee ka hadlaya habka Doorashada ee fasiraadiisa loo gudbiyey Maxkamadda Sare, ayaa waxa uu qeexayaa


“1. Waxa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha Iagu dooranayaa qaabka doorashada guud oo toos ah; isla markaana qarsoodi ah iyaga oo isku lammaan.


2. Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha oo isku mar loo codaynayo, kuna salaysan habka u codaynta liistada, waxa la qaban doonaa bil ka hor dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha hore.


3. Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka hore ayaa sii wadi doona hawlaha ay u xil-saarnaayeen ilaa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka cusubi kala wareegaan xilka muddo bil ah gudaheed.


4. Waxa loo aqoonsanayaa inay doorashada Madaxweyaha iyo ku-xigeenka Madaxweynahu ku guulaysteen labada qof ee magacyadoodu ku sheegan yihiin liistada hesha codadka ugu tirada badan.”


Qodobkan dastuuriga ah ee xukuumaddu u gudbisay Maxkamadda Sare, ayaa ujeeddada ka dambaysaa lagu sifeeyey inay ku qotonto sidii maxkamaddu u xaaraan tinimayn lahayd in Madaxweyne la soo doortay mooyaane aan sifo kale Madaxweynaha xilka looga wareejin karin, tallaabadaasi oo u muuqata mid xukuumadda Rayaale kaga baxsanayso fadhigga wadajirka ah ee la filayo in golayaasha sharci-dejinta ee Wakiillada iyo Guurtidu kaga arrinsan doonaan xalka muranka ka aloosan dib-u-dhaca doorashada madaxtooyada iyo xilli-dhammaadka muddadii sannadka ahayd ee loo kordhiyey Madaxweynaha oo ay 21 maalmood oo qudhihi ka hadhsan yihiin, iyada oo dhinaca kalena xisbiyada mucaaridku golayaasha sharci-dejinta ka dalbadeen in marka la gaadho 6 April 2009 oo ku eeg waqtiga muddadu ka dhammaanayso madaxweynaha ay soo dhisaan dalwad ku meel gaadh ah oo dalka gaadhsiisa doorasho xor iyo xalaal ah.






Jamhuuriya Online