Xukuumadda oo shuruuc cusub ku soo rogtay Xujaajta sanadkan

Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cabdi Haybe Maxamed, ayaa maanta sheegay in Wasaaradiisu ay dalka keentay  t allaalkii ka hortagga Cudurka Hargab-doofaarka. Waxaanu xusay in aanu jiri doonin qof soo gudanaya Xajka haddii aanu qaadan tallaalka Cudurkan.

Wasiirka Caafimaadka oo maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa, ayaa  sh eegay in Xukuumadda Somaliland ay dedaal ugu jirto sidii looga hortegi lahaa Cudurkan Hargab-doofaarka oo uu xusay inuu soo gaadhay wadamada  jaar ka la ah Somaliland. “Waxaan idiin sheegayaa in rasmi ahaan Wasaaradda  Ca afimaadku u keentay Tallaalkii Hargab doofaarka, mana dhoofayo qofka aan qaadan tallaalkan. Waxaanu dadweynaha Somaliland gaar ahaan kuwa  sana dkan soo gudanaya waajibaadka xajka in aanay ka tagin tallaalkan oo laga  h elayo Madaarada Hargeysa iyo Berbera waxa kale oo laga helayaa  cisbitaal adda dalka” ayuu yidhi Cabdi Haybe.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada caafimaadka Anwar Maxamed Cigge ayaa  i saguna sheegay in xujaajta looga baahan yahay inay qaataan tallaalka  maa daama ay tagayeen meel ay isugu imanayaan malaayiin dad ah oo ka kala  yi mid qaarado kala duwan, taas oo ah siyaabaha uu ku fidi karo xanuunkani.

Madaxa Hay’ada WHO Marwo Aasiya Cismaan oo ka hadashay shirkaasi ayaa sheegtay in talaalkani yahay mid la hubiyay oo ay damaanad qaadayso  taya diisa Hay’ada WHO iyo Wasaarada caafimaadka Somaliland. Waxaanay xujaajta ugu baaqday inay qaataan tallaalkan.

 



Source:Somaliland.Org