Xukuumadda oo siiddeysay Maxamed Xasan Yoonis oo saddex cisho u
xidhnaa eedeyn culus
Hargeysa(TNN)- Wiil uu dhalay Taliyihii hore ee Ciidammada
Qaranka Somaliland Marxuum Xasan Yoonis Habbane, ayaa Saldhigga
dhexe ee Booliska magaalada Hargeysa, ayaa shalay galab la
siiddaayey, ka dib markii uu halkaa muddo saddex maalmood ah ugu
xidhnaa eedayn la xidhiidha sida uu sheegay shir qool ka dhan ah
Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyada Somaliland.
Maxamed Xasan Yoonis Habbane oo ka tirsan Ciidanka Qaranka
Somaliland, ayaa shalay si jujuub ah lo oga soo saaray Saldhigga
dhexe ee Booliska Caasimadda Hargeysa oo uu saddex maalmood ku
xidhann aa, ka dib markii uu diiday inuu ka baxo Saldhigga. Isaga oo
muddo saacado ah ku adkaystay inaanu ka baxaynin Saldhigga uu ku
xidhan yahay illaa inta lagu soo caddeynayo dambiga uu galay ee lagu
soo x idhay iyo waxa lagu haysto.
Warka Xadhiga Maxamed Xasan, oo shalay Wargeyska Ogaal oo Shabakadda
Berberanews ka soo xigt ay baahiyey, ayaa si weyn u saameeyey
dawladda iyo qaybaha bulshada, isla markaana Masuuliyiin ka la duwan
oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiga talada haya ee
KULMIYE, ayaa si weyn uga hawlgalay siiddeynta Maxamed Xasan Yoonis,
kuwaasoo shalay galinkii dambe ugu tagay Saldhigga dhe xe si loo soo
daayo, ka dib markii ay Xukuumaddu go’aansatay sida la sheegay in la
siiddaayo Wiilkaas. Sida ay Wargeyska Ogaal u xaqiijiyeen dad
goob-joogayaal ahaa markii la siidaynayey, in uu diiday inuu dibadda
uga soo baxo Saldhigga dhexe ee Hargeysa.
Hase-yeeshee, warku wuxu intaa ku daray, markii uu Wiilkaasi
Masuuliyiin tiro badan oo ka kala socday
Xisbiga KULMIYE, Xukuumadda iyo eheladiisa oo muddo saacado ah
beryey, isla markaana ku maslaxay ey inuu ka soo baxo Saldhigga, in
ka dib Taliyaha guud ee Ciidammada Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil
Taani uu u yimi. Waxaana la sheegay in markii uu cid kasta diiday
Wiilkaasi in Taliye Taani si jujuub ah uga soo saaray Saldhigga
dhexe ee Booliska Hargeysa.
Inkasta oo aannu isku daynay inaannu Taliyaha Ciidanka iyo Maxamed
Xasan Yoonis laftiisaba arrintaas siiddeynta iyo halka uu ku
dhammaaday ama xalka looga wareegay kiiska loo haystay, ayaanay noo
suuragalin, ka dib markii aannu labadoodaba ku guulaysan weynay
xalay inaannu khadka taleefannado oda ku helno.
Si kastaba ha ahaatee, Maxamed Xasan Yoonis, ayaa sheegay in lagu
soo eedeeyey kiis la xidhiidha inuu Baabuurkiisa Hub ku qaado, isla
markaana Zaadka Mobile-kiisa gacanta loogu soo diray lacag gaadhaysa
5,000 Doollarka Maraykanka ah oo uu tilmaamay in loogu sheegay inuu
ku fulinayo hawlgal uu doonayo inuu ku dilo Chief Of Cabinet-ka
Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, balse illaa hadda dhinaca
dawladda Cid kiiskaas ka hadashay inuu sidaas yahay iyo inuu ka
duwan yahay ma jirto.
Source:
Berberanews
|