Xukuumadda  oo Warbaahinta ku bogaadisay xuska maalinta Saxaafadda Somaliland
 


Hargeysa (TNN):- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa dhammaan saxaafadda dalka ku bogaa disay sanad-guurad guurradda 15-aad ee xuska maalinta Saxaafadda Somaliland oo Sabti da Beri ku beegan.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu galabta ka soo bax ay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, waxaanu u dhignaa sidan:-

"Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdila ahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa guud ahaan Saxa afadda Somaliland oo uu ku bogaadinayo 15-guuradda ka soo wareegtay xuska maalinta saxaafadda Somaliland.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu xuskaas awgii dhambaal hambalyo gaadhsiinayaa dhammaa n noocyada kala duwan ee warbaahinta dalka oo uu u rajeeyay inay sanadkan sanadkiisa kale ku gaadhaan horumar iyo waddaniyad. Waxaanu xusay in madax banaanida Saxaafa dda Somaliland ay tahay mid aan la dafiri Karin oo Somaliland ku kasbatay sumcad iyo shar af aynu kaga duwan nahay inta badan dalalka afrikaanka iyo dunida sadexaadba.”

Geesta kalena Wasiirka Warfaafintu waxa uu khudbad ka jeedin doonaa Sabtida beri muna asibada xuska maalinta Saxaafadda Somaliland, isagoo ka warami doona maraaxilkii kala duwanaa ee Saxaafadda dalku soo martay iyo kaalintii tognayd ee ay ka qaadatay nabad eyntii iyo dib u dhiskii dalka 22 kii sanadood ee la soo dhaafay, maadaama oo uu ka mid ah aa shakhsiyaadkii hormuudka u ahaa ee bilaabay Saaxafadda dalka.
 



Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland