Xukuumadda oo Xarunta Baadhista Dambiyada uga Yeedhay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi

 

Wasiirka Daakhiliga iyo Taliyaha CID-da oo siyaabo kala duwan uga hadlay ee daymaha loo haysto Maxamed Xaashi

“Maxamed Xaashi waxaannu ka doonaynaa caddayn, kamana hadhayno”
Wasiirka Arrimaha Gudaha

“Ma tagayo, maxkamadna ma tagayo, arrintaana ma aqbalayo, Cirro-na  [Wasii rka Daakhiliga] waxaad ku tidhaa waxaad doonto yeel”
Eng. Maxamed Xaashi

Hargeysa (TNN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa xarunta dambi-baadhista CID-da magaalada Hargeysa uga yeedhay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee reer Somaliland oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE.

Sida lagu sheegay waraaq u yeedhis ah oo taliyaha qaybta baadhista  dambiya da ee CID-da Daahir Muuse Abraar shalay u qoray Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, waxa lagu haystaa waraysi uu telefishanka madaxabannaan ee SLSC siiyey oo uu 11 January 2010 ka soo xigtay wargeyska Saxansaxo, kaasoo uu ku sheegay inuu jiro qorshe la doonayo in lagu laayo rag ka tirsan mucaaridka.

Qoraalka ka soo baxay xarunta CID-da ee loogu yeedhay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu u qornaa sidan:

“Annagoo tixracayna bayaankaagii aad warbaahinta siisay, sida wargeyska  Sa xansaxo cadadkiisii 828 ee soo baxay 11/01/2010 oo aad sheegtay inuu jiro qorshe la rabo in lagu laayo rag ka tirsan mucaaridka, adigoo masuul waddani ah, waxaannu kaa codsanaynaa inaad timaaddo xafiiska qaybta baadhista  dem biyada Hargeysa, si aad gacan nooga siiso baadhista arrimaha halista ah ee aad ka digtay.

Waxaannu mar labaad kaa codsanaynaa inaad timaaddo taariikhdu markay  tah ay 20/01/2010, saacaddu markay tahay 09:00 am (subaxnimo), iyadoo u  yeed histani waafaqsan tahay qodobka 24 XHC.”

Qoraalka ka soo baxay CID-du waxa uu ka dambeeyey hadal hanjabaad ah oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro)  todd obaadkii hore ku sheegay in aanay ka hadhayn Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo xukuumadda wax ka saaray masuuliyadda falalka la xidhiidha argagixisada.

“Waxa ayaan-darro ah in nin doonaya inuu waddankan wax ka noqdo uu  qarax yadii iyo hubkii la qabtay yidhaa ciidammada dawladda ayaa ka dambeeya, waxa annu ka doonaynaa caddayn, Maxamed Xaashi inuu keeno, cadaynta arintaa, kamana hadhayno ilaa uu ka soo cadeeyo, haddii kale waa ninka sheega ma  dha afto,” ayuu yidhi Wasiir Cirro.

Hasayeeshee, waxa cad in faraq weyn u dhexeeyo arrimaja Wasiirku ku  eedayn ayo Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ee ah inuu caddeeyo in ciidammadda dawladdu ka dambeeyeen qaraxyada iyo hubka la qabto iyo weedhaha ku qoran  warqa dda ka soo baxday xafiiska CID-da ee la xidhiidha shirqoollada la sheegay in lagu laynayo rag mucaaridka ka tirsan.

Geesta kale, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ganafka ku dhuftay qoraalka  loog aga yeedhay xarunta ciidammada dambi-baadhista, isagoo sheegay in aannu habayaraatee CID-da iyo maxkamad toona tagayn, maadaama aanay caddaalad loo siman yahay dalka ka jirin ee ay xukuumadda u shaqeeyaan.

“Waxaan u sheegay [sarkaalkii qoraalka u geeyey] doorkii hore [markii urur-siy aasadeedkii QARAN loo xidhay] ayaan khaldamay, ma tagayo, maxkamadna ma tagayo, arrintaana ma aqbalayo, Cirro-na [Wasiirka Daakhiliga] waxaad ku  tidh aa waxaad doonto yeel. Waxaan doorkii hore ogaaday in aan caddaaladi jirin oo iyagu waxay doonaan samaynayaan, maxkamaddu mid jeebkooda ku jirta tahay, askariga ay soo dirayaana mid ay iyagu wataan yahay, xeer-ilaaliyaha ay  wata an iyaga yahay oo waxay iyagu doonayaan qabanaya, waa kuwii shanta sanno na xukumay ee xuquuqdii aannu lahayn oo dhan duudsiyey annaga oo  dastuu rka iyo sharciga haysana in urur la furi karo. Markaa waxaan ogahay in aan wax caddaalad ah oo meesha ka jiraa in aannu jirin,” ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi.

Eng. Maxamed Xaashi oo la waydiiyey sida uu u arko arrinta loo malaynayo in lagu haysto ee falal amni-darro oo dhawaanahan dalka ka soo cusboonaaday oo uu hore u sheegay in xukuumaddu ka dambayso, waxa uu yidhi; “Nabadgelyo-xumida waxa wadda xukuumadda, iyagaana rabshadahan ka dambeeya, waxa weeye ninkii Taliyaha ka ahaa ciidammada bariga jooga waata dilkiisii loo hayo nin ciidammada ammaanka ah [Taliyaha Sirdoonka Gobolka Sool] oo ay iyagu mushaharka siiyaan, maxkamad lama soo joojin oo waxay ahayd in maxkamad millateri la joojiyo. Markaa iyaga ayaa qaska wada si aan doorasho u dhicin, Al-qaacida iyo Al-shabaab baa dalka ku jira oo dilal ku kacaya ayey wataan, annigu ta aan ka hortagayey ayey ahayd. Al-shabaab wixii ay sameynayeen sifo ayuu lahaa, kuwani waxan ay wadaana sifo kale ayuu leeyahay oo gabadh baa isku duubtay ninkii hubka sitay oo intay ka qaaday ayey gaysay saldhigii, inan dhego la’ baa Burco iyo Sheekh dhexdooda isagoo adhi la jooga ayaa arkay oo soo sheegay, waa wax sheeko aanay cidina rumaysan karayn.

Arrintaas ayaa la iga dabadasocdaa, caddayntuna waxay ku xidhan tahay ninkaa Laascaanood lagu qabtay ee booliska ammaanka ka shaqaynayey ahaa ee mushaharka dawladda qaadanayey ee dambigii loo hayo, maxkamaddu halkaa ayuu wixii ay wadeen ka soo baxayaaye maxay u dhammayn la’ yihiin.


Source:Jamhuuriya Online