Xukuumadda Riyaale Oo Lagu Eedeeyay Inay Ku Ta lo Jirto Inay Iska Horkeento Beelaha Gobolka Togdheer Wada-Degga

 

Xukuumaddu waxay soo samaysay Calankii Somalia Oo Ay Ugu talogashay inay ku masabido KULMIYE Iyo Inay iska horkeento beelaha Gobolkan ku wada nool ee Wallaalaha Ah  War-Saxaafadeed

Masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer ayaa xukuumadda Riyaale iyo xisbigiisa UDUB ku eedeeyay inay ku hawlan tahay iska horkeenka iyo inay colaad kala dhexdhigto qaar ka mid ah beelaha wada-dega gobolka Togdheer, isla markaana ay masuuliyiinta xukuumaddu soo sameeyeen calamo kuwii Somalia ah oo la doonayo in lagu wanjalo xisbiga KULMIYE.

Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ay shalay masuuliyiinta gobolka Togdheer ee xisbiga KULMIYE ka akhriyeen shir jaraa’id oo ay xaruntooda Burco ku qabteen, halkaas oo ay ciidamo Bileys ahi ku weerareen muddadii shirkaas jaraa’id socday, war-saxaafadeedkaas oo uu ku saxeexnaa gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Togdheer, Sahal Aadan Maxamed, waxa uu u qornaa sidan:

“1) Xisbiga KULMIYE waxa uu diyaar u yahay in uu ilaaliyo Qaranimada iyo jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland iyo nabad-gelyada ay ku caano maaleen reer Somaliland.

2) Xisbiga KULMIYE waxa uu beeninayaa Dacaayadaha raqiiska ah ee ay adeegsanayaan Xisbiga Udub iyo Xukuumadiisu ee ay warbaahinta dawladda ka sii daayaan ay leeyihiin KULMIYE ayaa khalkhal nabad-gelyo daro wada Markaa waxaanu cadaynaynaa in uu KULMIYE uga lexejeclo badan yahay dadka iyo dalkaba .

3) Waxaanu halkan ku cadaynaynaa hadaanu nahay Xisbiga KULMIYE in ay Xukuumadu ka wado Gobolka Togdheer Nabad-gelyo xumo iyaddoo markay tamar kale wayday ku talogashey in ay iska horkeento beelaha Gobolkan ku wada nool ee wada dhashey.

4) Waxaanu cadaynaynaa hadaanu nahay Xisbiga KULMIYE in Xukuumaddu soo samaysay Calamadii Xukuumadii hore ee Somaliya iyadoo ku talogashey in ay ku masabido Xisbiga KULMIYE.

5) Hadaanu nahay Xisbiga KULMIYE waxaanu halkan ku cadaynaynaa in uu xukuumada hada xaalkeedu marayo in cidii xil u haysa ee ka qayb-qaadan wayda Colaada ay kula jirto Xisbiyada Mucaaridka ah in shaqada laga eryo.

6) Hadaanu nahay Xisbiga KULMIYE waxaanu baaq u diraynaa dhamaan Bulshada reer Somaliland in ay ku faro adaygaan nabadooda iyo qarannimadooda iyadoo ay xukuumadu doonayso in ay khal-khal galiso nabad-gelyada isla markaana maalin walba rasaas ku ridayso Masuuliyiinta axsaata qaranka iyo Shacabka Somaliland ee aan waxba galabsan Ujeedaduna tahay maadaama aanay Xukuumadu iyo Xisbiga udub haysan rajo kale oo ay kursiga ku sii fadhiyaan oo aan ahayn Colaad ay dalka ka abuuraan.

7) Waxa kale oo aanu baaq nabad-gelyo u diraynaa Beelaha walaaha ah ee dirirtu ku dhex martay Agagaarka ceel-bardaale.

Waxa kale oo Xisbiga KULMIYE Baaq nabad-gelyo u dirayaa Beelaha walaalaha ah ee wada dega Gobolka togdheer oo hada Xukuumaddu doonayso in ay ka dhex huriso colaad hor leh markii ay awood kale wayday.

8) waxaanu digniin Culus u diraynaa hadaanu nahay Xisbiga KULMIYE Xukuumada iyo Xisbiga Udub in ay ka waan toobaan Falalka Foosha Xun ee ay ka dhex wadaan Beelaha walaalaha ah ee wadanka Somaliland nabada ku wada nool.”

Dhinaca kale waxay Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE Canbaareeyeen weerarkii ay shalay ku qaadeen Ciidanka Bileysku xaruntooda Burco, waxaanu gudoomiyaha gobolka Togdheer ee xisbiga KULMIYE isagoo weerarkaas ka hadlaya uu yidhi: “Waxa maanta [shalay] weerar qaawan ku soo qaaday Xarunta dhexe ee Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer Ciidan Bileys ah oo wata seeded gaadhi oo aad u hubaysan iyadoo uu wakhtigaa uu xafiiska ka socday shir Jaraa’id oo Xisbigu kaga hadalayay Nabad-gelyo daro ay Xukuumadu ka wado Gobolka Togdheer iyo dalka oo dhan iyadoo ciidamadaa loo adeegsaday si loogu cabudhiyo war saxafadeedka ka socda Xarunta Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer si aanu u bixin oo loo dambabaso. Waxa jira qaar ka mid ah ciidamada Bileyska oo si ka baxsan nidaamka Bileysnmo ula dhaqmaya shacabka iyag si gaar ah ayaa loo arkaa. Waxa dhaawac ka soo gaadhey weerarkaasi dhawr qof oo iskugu jira Suxufiyiin iyo shacabka. Markaa waxaanu xisbi ahaan Canbaaraynaynaa weerarada noocan oo kale ah oo ka socda dhamaan Gobolada dalka oo dhan kuwaas oo xukuumaddu doonayso in ay cimri dherer ka dhigato rabshadaha ay dalka ka abuurayso.”

 

 


Haatuf