Xukuumadda Samato-bixisay 77 Muwaadin Oo Ku Go’doonsanaa Markab Ku Ciladoobay Badweynta

 



Hargeysa  April 11th, 2011  (TNN)- Xukuumada Somaliland ayaa saaka soo badbaadisay 77 muwaadin oo ay ku jireen 16 carruur ahi oo ka soo qaxay qulqulatooyinka iyo kacdoona ka jira dalka Yeman oo muddo shan maalmood ah ku go’doonsanaa xeebta deegaanka Bulo-cadde ee galbeedka Somaliland ka dib markii markabka MV-Salaaxa-diin oo ay saaraayeen uu matoorka ciladi ka soo gaadhay.

Ku Xigeenka Madaxa Badda Saleebaan Jawaase, oo isagu hoggaaminayay kooxdii u gurmatay ee soo samato-bixisay dadkan oo ka hadlay arrintan saaka ayaa isagoo faraxsan wuxuu yidhi “Anigoo ah Ku Xigeenka madaxa waaxda Badda,waxaan ahaa ninkii u gurmaday markabkan ee kaxaystay doonta la yidhaahdo Al-marwax, waxaan Berbera ka baxay habeen hore saqdii dhexe waxaanan dadkan markabku ka ciladoobay aan ugu tagay meel biyaha Saylac ah, Alxamdulaah waanu ku guulaysanay inaanu soo kaxayno markabkan oo Geer bogosku ka jabay. Waxaanan saaka ku soo xidhanay dekada Berbera 6:30 subaxnimo”


“ILAAHAY mahaddii dadku way wanaagsan yihiin waxba ma qabaan, markii hore ciidanka Ilaalada xeebaha ayaa dadka u gurmaday oo biyo iyo cunto gaadhsiiyay. Markii dambena waxaanu hagaajinay xadhkihii markab kale markabkan ciladoobay ku soo jiidi lahaa. Waxaan leeyahay arrintaasi ILAAHAY wuu nagu guuleeyay waana aanu badbaadinay markabkan oo aanu mar ka shakinay oo aanu is nidhi wuu degi doonaa,”ayuu yidhi


Wasiirka Wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel Jire) oo isagu saaka abbaaro 6:30 subaxnimo goob joog ka ahaa markii markabkaasi ku soo xidhay Marsada Berbera, ayaa tallaabadan dadka lagu badbaadiyay ku tilmaamay guul weyn oo Somaliland gaadhay.

Wasiirku wuxuu ugu horayn u mahad celiyay Ha’yadaha dawlada ee ka qeyb galay gurmadka samato-bixinta waxaanu yidhi “Waxaan u mahad celinayaa Hayadaha xukuumiga ah ee gobolka Saaxil ee ka qeyb qaadanaya gurmadka badbaadinta ah ee aynu saaka goob jooga ka nahay. Waxaan uga mahad celinayaa siday u abaabuleen shaqadan oo dadkan wax loogu qaban lahaa, loona badbaadin lahaa. Anigu sadex cisho ayaan ka warhayay laakiin waxa la sheegayaa inay shan cisho dadkani ku jireen badda oo ay ku dhibaataysnaayeen. Waxa saaran 77 qof marka lagu daro shaqaalaha markabka.

Dadku way wada caafimaad qabaan ILAAHAY mahadii, waxa naloo sheegay in afar qof xanuunsanayaan. Waxa dadka halkan (dekada) lagaga qaadayaa basas, waxa la geynayaa Huteel loo sii diyaariyay alaabtoodiina baabuur ayaa loogu qaadayaa. Ka dibna waxa la eegayaa dadka xanuunsanaya ee cisbitaal u baahan iyo dadka kale.”

Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo ka hadlay halkaasi wuxuu yidhi “Markabkani shan maalmood ayuu cadilnaa markii u horaysayba waxa lala soo xidhiidhay maamulka dekada, iyaguna way nala soo socodsiiyeen. Ka dibna waxaanu halkan uga dirnay gurmad uu hoggaaminayay sarkaal ka tirsan Maamulka Badda, waxaanu tallooyin siinayay kabtanka Markabka ka dibna waa la soo badbaadiyay oo waa la soo riixay isagoo raran oo dad badanna saaran yihiin.”

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Maareeyaha Dekada Berbera,waxaanu sheegay in arrintani tahay guul weyn oo u soo hoyatay maamulka Dekada Berbera.

Sidoo kale,waxa u mahad celiyay maamulka Somaliland xubno ka mid ah muwaadiniintii laga soo badbaadiyay markabkaasi, waxaanay ka warameen marxaladihii ay soo mareen muddo shan cisho ah oo ay ku rafaadsanaayeen Badweynta.

Waxa ka qeyb galay gurmadkan oo dadka caafimaadkooda baadhayay maamulka Caafimaadka Gobolka Saaxil, halka Wasaarada Kalluumaysiga iyo maamulka Gobolkuna dedaal weyn u galeen hawshan.

Source:Somaliland.Org