Xukuumadda Siilaanyo Gobolka Gabiley Boqolkii Maalmood ee ugu Horeeyayba God madaw ayay Madaxa u Galisay


 

 

Xukuumadii hore ee Madaxwayne Rayaale ayaa inta badan lagu dhaliili jiray Tayo xumo dhinaca  Maam ulka ah iyo Musuqmaasuq Baahsan oo lagu eedayn jiray inay kula kacaan Hantida Dawlada, taasi oo  in ta badan sabab looga dhigi jiray Masuuliyiinta ay soo xulatay oo ubadnaa Dad aan Aqoon lahayn.

Xukuumadda Cusub ee Madaxwayne Axmed Siilaanyo ayaa Rajo wayn laga qabay inay ka faa,iidaysato dhaliilaha xukuumadii hore iyada oo Aragtideeda ku baahinaysa dhamaan Gobolladda Dalka Somaliland, waxna ka badalaysa Wixii qaldanaa ee dib u dhac ku keenaya si loo helo horumar marka la saxo  qalada adka.

Gabiley waxay ka mid ahayd Goobaha isbedelku sida wayn u saameeyay isla markaana ka dhiidhiday Ma amulkii hore ee Madaxwayne Rayaale, ku waasi Cod ku muujiyay isbedel doonkooda, kana Codeeyay Xu kuumadii hore ee ay saluuga ka muujiyeen maamulkeeda, iyo haykalka guud ee ay dalka ku maamuli jirt ay.

Gabiley Waxaa ka talin jirin Masuuliyiin Daacad ah oo aan Waligood soo marin, kuwaasi oo Maamuli jiray Gobolka Wakhtiyadii ugu Danbeeyay ee Dawlada Rayaale ka Talin jirtay Dalka, Waxa ay ahaayeen Rag Shaqo Tag ah oo aa Hunguri iyo wax la mid ah Dalka u imin, kana midho dhaliyay Hamigoodii ahaa, Horu marka, iskaashiga, isku xidhka bulshda, kor u qaadida Adeegyadda Aasaasiga ah, la dagaalanka Faquu qa iyo kala daadsanaanta iyo dhiiri galinta Dhalinyaradda.

Tan iyo Markii ay Xukuumadda Cusub ee Madaxwayne Siilaanyo la wareegtay Talladda Dalka Gabiley Wa xay Madaxa la gashay God madaw oo aan la garanayn Wakhtiga ay ka soo bixi doonta, Waxaa marag ma doon ah in wax ka sii dhaca mooyaane aanay jirin wax u soo kordha, xataa intii yarayd ee Masuuliyii ntii hore nabnabeen ayaa qarka u saran in la baabiiyo, Sida Jaamacadii oo ka talaabsan la maamulka cu sub, isku xidhidhkii bulshada oo Durbaa sida Tusbaxa furfurmaya iyada Salaadiin Cusub Caleemo-saarte en Xukuumadda Kulmiye, jidadkii oo wax ka dhaca mooyaane aanay waxba ku soo kordhin, Cunidda Dak hligii iyo Musuq-maasuqii oo xadhkaha soo goostay, Boobkii Dhulka hantida Dawlada oo sii Xoogaystay garab cusubna ka helay Xukuumadda Cusub.

Waxyaabahaasi iyo Qaar badan oo kale oo aanan halkan ku soo koobi Karin ayaa la kawsaday 100-kii m aalmood ee ugu horeeyay Waxqabadka Xukuumadda Siilaanyo u qabato Gobolka Gabiley, iyada oo  Mur an kale oo dhinaca Wadashaynta ahina soo kala dhex galay Maamulka Gobolka iyo Golaha Deegaanka ee Dadku soo doorteen.

Maamulka Xumi Waxa uu Ragaadiyaa Rajadda, Himilladda iyo Hamigga Dadwaynaha taasi oo Sababta N acaybshaha Dadka iyo Xukuumadda ka dhexdhasha, laguna kala Ogaado Wakhtiyadda Codbixinta ee da dku Calmadaan Cidda ay isleeyihiin Waxbay idiin qaban kartaa.

Raali galinta Dadwaynuhu maaha Wasiirro iyo Agaasimeyaal u magacaw Balse waa in indha Dadka la tu saa Waxqabad Muuqda oo kaga Mabsuudaan Xukuumadii ay soo doorteen.

Waxaan ku soo Afmeeri lahaa Odhaadayda “ Harag Sakaaro iiga durug mooyee iiga kac ma lahaDadka Gabiley waa ul iyo Diir, Waa Gacal iyo Xigaal, Waa Dun Xariir ah oo kuwada Fadhidda Haraggaa Sakaara dda, mahaa in sidii Cadawga laga naxo isku duubnidooda iyo Heshiiska Dhexdooda, maaha in Fidno laga dhex Abuuro oo khalkhal iyo Dhaqamo cusub loo horseedo, ka faa,iidaysta Dhaliilihii Xukuumadii hore, kuna soo Xusha masuuliyiinta Aqoon iyo karti, Qarannimada ayaa ka Wayn qabiilka iyo kala qoqobidda Dadka wada dhashay.

 

 

 

 

Pro. Adan Aw Axmed Sugule
Cardiff /UK