Xukuumadda Somaliland oo Amartay in si Degdeg ah Dacwad Lagu soo oogo Dr Gabboose

 

“Xeer-ilaaliyaha Guud ee ciidammada qalabka sida waxaan farayaa in uu diyaargareeyo dacwad oo ku soo oogo Gabboose, sida ugu dhakhsaha badana ugu gudbiso maxkamadda awoodda u leh”


“Taliyaha Ciidanka Qaranka waxaan ku wargelinayaa axsaabta siyaasiga ahi ma iman karaan xeryaha ciidammada, mar dambena ciidanka qaranka uma iman karaan, soomana geli karaan”


Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland


Xukuumadda Somaliland ayaa digniin culus u jeedisay taliyaha ciidammada qaranka oo toddobaadkii hore xarunta taliska guud ee Hargeysa ku qaabiley hoggaanka sare ee xisbiga mucaaridka KULMIYE, iyada oo xukuumaddu taliyaha uga digtay in aanay mar dambe dhicin inuu xeryaha ku qaabilo asxaabta siyaasiga ah ee dalka.


Sidaa waxa ku dhawaaqay wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Md. Axmed Maxamed Filanwaa oo shalay xafiiskiisa ugu warramay warbaahinta dawladdu maamusho, waxaannu asxaabta siyaasiga ah ugu baaqay in wixii ciidammada ka gala ay u soo maraan wasaaradda, isaga oo booqashadii KULMIYE ku tegay xeryaha ciidammada ku tilmaamay waxyeello qaran oo shaki lagu kala dhex dhigayo ciidammada iyo dawladda.


“Taliyaha Ciidanka Qaranka waxaan ku wargelinayaa axsaabta siyaasiga ah ma iman karaan xeryaha ciidammada mar dambena ciidanka qaranka uma iman karaan, soomana geli karaan, axsaabtana waxaan leeyahay annaga ayaa idin khusayna ee noo kaalaya wixii imanka ka dambeeya, arrintaasina waa waxyeelo qaran iyo fowdo, loomana baahna.


Tallaabadii Sababtii uu ku tagay xisbiga KULMIYE xeryaha ciidammada waxay ahayd mid fool xun oo khalad iyo meel-ka-dhac ah, waa gef, waa wax aan u bannaanayn axsaabta siyaasiga ah ee qaranka sida xogyaha xisbiga UDUB iyo xubnihiisa ka hooseeya, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo xubnihiisa ka hooseeya iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID iyo xubnihiisa ka hooseeya xeryaha ciidammada ma tagi karaan, shaqana kuma laha oo ma khusayso, ciidammadana siyaasaddu ma khusayso ee way ka madaxbannaan yihiin. Maalintii dhaweyd ee xisbiga KULMIYE xeryaha ciidammada tagay waxay ahayd wasaaradaha inay tagaan, anigu Wasaaradda ayaanu joognay way na garab mareen oo war kamaanu haynin, annaga ayey wixii siyaasad ah na khusaysaa laakiin ciidammada shaqo kuma laha inay dhexgalaan, waxaanse arrintaas u arkaynaa qalalaase gelinta KULMIYE ku hayo qaranka, wuxuu doonayaa inuu shaki kala dhexgeliyo dawladda iyo ciidammada,” ayuu yidhi Filanwaa.


Waxaanu wasiir-ku-xigeenku intaa ku daray in fikradda xisbiga KULMIYE ku tagay xeryaha ciidammada uu iska lahaa Dr.Maxamed Cabdi Gabboose, isaga oo sheegay in Dr. Gabboose ka been sheegay waxyaabihii ay ciidammada ku wada hadleen, isla markaana ay arintaas ku soo taagayaan maxkamad, isaga oo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi;


“Axmed Siilaanyo xeryaha ciidammada muu tegi jirin ee waxa geeyey Gabboose, haddiiba KULMIYE tagay xeryaha ciidammada oo lala kulmay ninkii habeen hore [Jimcihii] ka hadlayey Tv-ga ee Gabboose muu sheegin wixii ay la tageen iyo wixii loogu jawaabay midna ee wax kale oo aan jirin ayuu sheegay. Waxa loogu jawaabay ‘annagu waxaannu nahay ciidammo, waajibka qaranka ayaanu fulinaa ee siyaasad shaqo kuma lihin.’


Gabboose wuxuu yidhi ciidammada waanu is afgaranay in aannu arrimaha dhinac uga soo wada jeedsano oo aannu markaanu doono u tango, waa been arrintaasi. Waxaan leeyahay Gabboose haddii ay run kaa tahay bal car berri tag. Waxaan leeyahay Gabboose siyaasiyiintii aad xisbiga KULMIYE ugu tagtay weligood ciidanka qaranka kumay tilmaamin been-abuur, weligoodna xeryaha ciidammada may tagin, waa run wixii run ah waa la sheegaaye. Arrintaasi waa gef iyo meel-ka-dhac, waxaanuna u gudbin doonaa Maxkamadda kana hadhimayno.


Xeer-ilaaliyaha Guud ee ciidammada qalabka sida waxaan farayaa inuu diyaargareeyo dacwad oo ku soo oogo Gabboose, falalka uu ka tilmaamayo ciidammada ee warbaahinta intuu ka jeediyey adduunka iyo shacabkaba ku fidiyey ee beenta ah inaad isla markaana u gudbiso maxkamadda awoodda u leh, taliyaha ciidanka qarankana waxaan farayaa inuu jawaab cad ka bixiyo waxa uu ka baahiyey warbaahinta Gabboose.”


Waa markii u horreysay oo xukuumadda Rayaale ee uu kalsoonidii kala noqday mucaaridku ay si rasmi ah uga hadasho kulamadii kala duwanaa ee toddobaadkii hore hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE la yeeshay taliyeyaasha ciidammmada qaranka iyo booliska.






Jamhuuriya Online