Xukuumadda Somaliland Oo Hawadeeda Ka Mamnuucday Duulimaadyada Qaramada Midoobay, Kuwa Fadhiyana Amartay In Aanay Duuli Karin.

 



Hadalkan oo jawaab u ahaa Qaramada Midoobay iyo Hay’adeeda UNDP oo hoos geeyeen dawladda Federalk Somaliya......


Hargeysa (TNN):-Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ku dhawaaqay Somaliland in ay Hawadeeda ka mamnuucday Duulimaadyada Qaramada Midoobay, kuwa hada ku sugan garoomada Somaliland-na aanay kici Karin ilaa amar danbe ka soo baxayo.

“Laga bilaabo beri lixda Subaxnimo Duulimaadyada Qaramada Midoobay ma soo geli karaan Hawada Somaliland, kuwa hada fadhiya madaaraduna saacadaas laga bilaabo kama duuli karaan Garoomadda ilaa iyo inta amar danbe laga soo saarayo” ayuu yidhi wasiirku
Sidaas waxa uu wasiirka Duulista Hawadu ku sheegay shir jaraa’id oo uu warbaahinta goor dhaweyd ugu qabtay madaarka Hargeysa, isagoo ka jawaabayay go’aankii ay shalay Qaramada Midoobay iyo Hay’adeeda UNDP ku hoos geeyeen dawladda Federalk Somaliya maamulida madaarada iyo Hawada Dalkii laysku odhan jiray Somaliya .
Maxamuud Xaashi Cabdi waxa kale oo uu warfidiyeenada u sheegay in laga bilaabo 25/7/2013 Somaliland si toos ah u maamulan doonto Hawadeeda iyo madaaradeeda, isagoo sheegay wixii xisaab hore ah ee ay Somaliland u haysay qaramada Midoobay iyo hay’adda IYATO inay kala xiisaabtami doonaan.


Sidoo kale wasiirka wasaaradda Duulista Hawada Somaliland waxa uu Amar ku bixiyay laga bilaabo bisha Juun ee sanadkan in ay Somaliland qaadan doonto Duulimaadyada Hawadeeda Dulmara iyo kuwa ka duulaya madaaradeedaba, isagoo ku wargeliyay shirkadaha Duulimaadyada in ay sidaas ula socdaan.


Waxaana uu Xukuumadda Somaliya uga digay in ay ku talaabsato go’aanka ay qaadatay ee ay ku dalbatay in hawada Somaliland ay maamulato, isagoo uga digay cawaaqib xumada ay arrintaasi ku keeni doonto wadahadaladii u socday Somaliland iyo Somaliya.
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadu waxa uu sheegay Somaliland in ay guul daro kala kulantay mashruucii hay’adda ICAO ee ay Qaramada Midoobay u dhiibtay maamulka Hawada Somaliya, isagoo sheegay Somaliland in aanay ka soo gaadhi jirin wax muuqda dhaqaalaha ay u qaadi jireen, marka laga reebo afartameeye shaqaale ah oo mushahar laga siin jiray, isagoo ku qiyaasay lacagta sanadkii ka soo xeroon jirtay in ay gaadhaysay toban Milyan oo Doolar.
Wasiirka wasaaradda Duulista Hawadu waxa uu sheegay in ay Qaramada Midoobay ay iska indho tirtay Heshiiskii Somaliland iyo Dawladdii Federalaka u dhaxeeyay ee ay iyaguna qaybta ka ahaayeen ee labada Dal loogu sameeyay Guddidii wadajirka ahayd ee la ogayd maamulka Hawada Somaliya iyo Somaliland, taasina ay tahay in ay ka leexatay wadadii saxda ahayd ee hawsha Duulimaadyada fududaynaysay.


Wasiir Maxamud waxa uu sheegay Somaliland in ay ka digtoon tahay talaabo kasta oo lagu carqaladayanayo Qaranimda Soamliland, isla markaana ay awood u leeyihiin in ay maamushaan Hawadooda iyo khayraadka kale ee ay leedahay Somaliland, cid kale oo uga talin kartaana aanay jirin.
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland