Xukuumadda Somaliland oo jawaab ka bixisay hadalkii ka soo y eedhay ergayga gark ah ee QM u qaabilsan Somaliland iyo Somali ya, Dr. Mahiga

 

Hargeysa (TNN)-Hadalka ka soo yeedhay Wakiilka Qaramada midoobay ee Somaliya Augu stina Mahiga ,waxa ka jawaabay Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdillahi  Cum ar. Wasiirka oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC-da waxa uu sheegay in dadkii Dilka lagu xukumay dambi culus ka galeen qaranka Somaliland, waxaanu yidhi “Fal dambiyeedkan ay galee n dadkii la xukumay wuxuu ka ka dhacay goob ciidanka Milaterigu leeyihiin oo weerar abaa bula n lagu soo qaaday, kaasoo la doonayay in lagu waxyeeleeyo amaanka dalka waxaanu noqo nay aa dambi culus oo ciidanka qalabka sida laga galay, sidaasaana Maxkamada Milateriga loogu xuk umay, waayo arintu maaha qof shacab ah oo suuqa laga qabto ee waa weeerar Milateriga lagu soo qaaday”.


Waxa uu sidoo kale sheegay in dhinac kale laga khafiifin karo xukunka,“Markaa iyadoo dambigu sidaasi u culus yahay Hase yeeshee qaab kale oo sharci oo dhinacyo kale ah ayaa arintan lagu samaynayaa oo Hay’adaha sharciga ayaa arintaasi u madaxbanaan hadii ay tahay yihiin kuwa Ciidamada iyo kuwa kaleba sidii ay arinta Cadaalada u waafajin lahaayeen”


Mar la waydiiyay in dhacdadaasi sumcad xumo ku keeni karto qadiyada Somaliland iyo nimaadka dalka ka jira waxa uu yidhi “wax caqabada kuma keenayso ayaan qabaa, beesha caalamkuna w ay garan kartaa in meesha la soo weeraray xero milateri ahayd si abaabulana loo soo weerara y, dad badan oo nala soo xidhiidhayna waanu ka qancinay sida ay wax u dhaceen iyo in dambig ani yahay mid aad u culus oo qaranka laga galay, markaa wax caqabada kuma noqonayo Ictiraaf raadinta Somaliland”ayuu yidhi.
 


Timacade News Desk