Xukuumaddani waa Tii Horumarka Iyo Isbedelka Bulshadda


 


Xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland Mudane. Axmed Maxamed Mxa muud [Siillaanyo], mudadii ay xilka haysey waxay dalka ka samaysay dhinaca horuum arka, sida arrimaha bulshada Public Service Delivery, iyada oo waajibka koobaad uu yah ay in do wladda bulshada metelaysaa ay ahmiyada siiso arrimaha bulshada.

Hadaba xukuumadda madaxweyne Siillaanyo, waxay si weyn wax uga qabatay baahiya aa s-aasiga ah, sida caafimaadka, biyaha, waxbarashada IWM, sidoo kale waxay xukuumaddu qayb libaax ka qaadatay dhinaca hagaajinta wadooyinka Infrastructures iyo maamul wana aga.

Waxyaabaha ay xukuumaddu sida weyn wax uga qabatay waxaa ka mid ah hirgelinta dhis mayaasha dhaxal gal ah ee loo dhisay dhammaan hay?adaha dowlada, waxaa kale oo xuku umaddu wax ka qabatay musuq-maasuqa, iyada oo madaxweynuhu sameeyey hay?addo awood leh oo ilaaliya hantida qaranka oo ay ka mid tahay hay?adda maaamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa Somaliland good governance and Ant-corruption commission.

Meelaha xukuumaddu horuumarka weyn ka samaysay waxaa ka mid ah hirgelinta mashaa riic midho-dhal ah, korodhka miisaaniyada qaran, mashaariicda laga hirgeliyey madaarada Somaliland oo laga dhigay kuwo la jaanqaadaya kuwa adduunka iyo wadamada aynu jaar ka nahay, bixinta derojoonka ciidamada qaranka oo ahayd arrin aan Somaliland ka suurta gelinti mudadii 21 sano ahayd ee ay Somaliland jirtey, balse ay ku guulaysatey in ay bixiso derejooyinka ciidamada xukuumadda madaxweyne Siillaanyo.

Bedelaada lacagtii Burco ayaa iyana ahayd horuumarka ay samaysay xukuumaddu, taasoo ay ku guulaysan waayeen xukuumadihii iyada ka horeeyey, in ay ka bedelaan lacagtaas geynbaarta ahayd.

Qoraal kuma soo koobi karo horuumarka ay samaysay xukuumaddan uu hoggaaminayo ma daxweyne Axmed Maxamed Maxamuud [Siillaanyo], waxaase muuqata dadka inta dhica xu n wax ka eega laga qariyey guulaha ay gaadhay xukuumaddu, xaalkooduna noqday in ay xumaan uun ka sheegaan xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE.

Waase ayaan-darro in xukuumadda u diyaar ah in ay isbedel dhaqaale iyo mid bulshaba ay samayso hadana la rifo, si ay uga baaqsato waajibaadkeeda waxqabad, dadka noocaas ah ee jecel in ay xukuumaddu fashilanto waa kuwo ka fekeraya oo keliya dantooda gaarka ah, markii ay ka dhex arki waayeen aan kala jeclayn jiritaanka qaranka Somaliland iyo burburki isa toona.

Xukuumadda waxaa loo soo jeedin karaa dhaliil toosan taasoo ah mid wax hagaajinaysa, b alse aan ahayn mid wax duminaysa, waxaana dhaliisha toosan xukuumadda u soo jeedin kara bulshada oo ah tii dooratay xukuumaddan jirta, warbaahinta iyo cid kasta oo jecel wanaaga iyo horuumarka Somaliland.

Waxaad la yaabaysaa shaqsiyaad aad moodo in ay caadaysteen aflagaataynta madaxtda qaranka oo uu ugu horeeyo madaxweynaha qaranka Head Of State, oo bulshada iyo cidka staba ka mudan mudnaan iyo ixtiraam buuxa, balse aan geyin in la aflagaadeeyo, taasoo aan banaanayn in la caayo madaxda qaranka, diintana suubanina aanay ogolayn.

Waxaan ku soo koobayaa maqaalkayga bulshadu iyada ayaa wax hagaajin karta waxna xu mayn karta, waxaa loo baahan yahay in bulshadu ay is barbar taagto xukuumadda ay do orteen, wanaaga iyo horuumarkana ay ku taageeraan iyo ay u arkaan in ay khaldan yihiina ay si hufan xukuumadda ugu soo jeediyeen madaxtoodana qadariyaan.

Waxaan kula talin lahaa dadka jecel xumaanta xukuumadda ma fashilmayso xukuumadani wixii ay qabatayna taariikhda ayaa xusaysa meel ku qoraysa.
 

 


C/laahi Axmed Caarshe,

Hargeysa Somaliland