Xukuumadu may suurtogalin kari laadahay wixii ay suurto galisay Markii ay ahayd xisbiga mucaaridka ah



 

Doorashadii madaxtooyada ee ka qabsoontay guud ahaan gayiga Soomaaliland waxay soo gabagabaysay wacyigii uu ku jiray dalku labaatankii sanadood ee tagay oo ahaa dib-u dhis iyo gargaar binu aadanimo (r ehabilitation and humanitarian aid), waxaana loo gudbay wajigii horumarinta iyo maamul wanaaga (deve lopment and good governance).


Waxaa kor u kacay siyaasadii Arrimaha debada iyo xidhiidhkii caalamka ee jamhuuriyada Somaliland, wax aa soo kabsanaya dhaqaalihii guud ee qaranka, waxaa iyana bilawday mashaariicdii horumarineed ee  dhi naca kaabayaasha dhaqaalaha (infrastructure).


Si haddaba looga faa’iidaysto wakhtigan qaaliga ah waxaa lagama maarmaan ah in ay xukuumadu dalka  k a hirgaliso idaacad (Radio) caam ah oo guud ahaan laga dhagaysan karo dalka iyo debadaba. Taasi oo  da rdar galin doonta ka qayb galka dadwaynaha (community participation) dhinaca mashaariicda  horumarin eed ee ay xukuumaddu ka waddo dalka. Korna u qaadi doonta dareenka iyo wacyiga bulshada ee  dhinac yada Nabadgalyada iyo Adeegyada aasaasiga ah. Suurto-galna ka dhigi doonta in ay is fahmaan oo ay  is la jaan-qaadaan (mutual understanding) dawlada iyo dadkeedu. Xukuumaddana u sahli doonta in ay  dalk a oo dhan si fudud u gaadhsiiso barnaamijkeeda siyaasadeed iyo tilmaamaha horumarineedba.


Dhinaca kale guul daradii ku habsatay xisbigii UDUB iyo xulufadiisii waxaa sabab u ahaa saxaafada oo ay  x ukuumadaasi suurto galin kari wayday in ay warkeeda iyo waxqabadkeeda (hadii ay qabatayba)  gaadhs iiso labada kaantarool ee magaalada hargaysaad, iyo xisbiyada mucaaridka ahaa gaar ahaan xisbiga  KUL MIYE oo u adeegsada saxaafada xorta ah in uu mar kasta dhaliilaha dawlada uga gudbiyo shacabka, sida asaanu xisbiga KULMIYE ku hantiyey codadkii qaraqa ahaa ee uu kaga guulayastay xukuumadii hore.


Waxa kale oo uu awooday xisbigii KULMIYE isaga oo ah xisbi mucaarid ah in uu adeegsado idaacad laga  m aqli jiray dalka iyo dibadaba waa Radio horyaale, taasi oo xukuumadii UDUB ku noqotay laf dhuun gashay kuna kaliftay in ay ku tacadido bahda saxaafada madaxa banaan waayo TUMAALKA XUMI TUULKIISUU  CA NAANTAA.
 

Si haddaba aanay xukuumadda ugu dhicin taasi oo kale oo aydaan u miciinsanin xadhiga wariyeyaasha iyo suxufiyiinta madaxa banana, waa in dhakhso xukuumaddu dalka u keentaa idaacad wayn oo laga maqli  ka ro aduunka oo dhan, oo ay ka hogaamiso dalka oo dhan, kagana filaata ganta-faruurka saxaafada  mada xa banaan.

 

 


 

 

 

 

Ahmednasir Sultan Abdurahman
Togwajaale1@hotmail.com
4467755