XULASHADA KOOMISHANKA CUSUB: RAYAALE WAA KA DAACAD! MUCAARIDKA WAA KA QABYAALAD! SALEEBAANA WAA KA EEXASHO!
Waa salaamantiin dhamaan shaqaalaha iyo xaqleyaasha shabakadaa nagu haba warka hufan iyo aragtiyaa kala gadisan kuwaasoo khuseeya dhamaan dalka gudihiisa iyo dabadiisa. Waxaan iyagana u mahadnaqayaa akhristayaasha maqaaladayda dhamaa ntood. Qoraalkaygani waa mid xambaarsan TIX aan ula magac baxay(Faraska Cad) ah oo ay igu kaliftay jawiga shakiga iyo shuushaada huwan kaasoo ku xayndaaban xulashada Gudida cusub ee doorashooyinka. Inkastoon heeso hore u alufay hadana hiyigayga iyo hamigayga way ku ya rtay inaan is idhaa wax ka dheh waayaha siyaasadeed ama dhaqankaba w aayo? intaas waxbaa la tirinayaa intaasaa kufilan balse tani waa Tix saak aiga soo booday. Anigoo inta badan aan wakhti u helin akhriska websites-ka hadana ma hilmaamo milicsiga cinwaanada ka soo burqanaya muwaad iniinta reer somaliland mucaarid iyo muxaafidba. Intaas ka dib, waxaa saaka iiga soo horeeyay internetka war aan ka helay Saaxiibkay Axmed Naasir Maxamed Dacar oo ah xubin culus oo ka mida Gudi Siyaasadeedka aan Gudoomiyaha u aha ee xisbiga aan ka soo jeedo UDUB QATAR waxaanuu ii sheegay in mucaaridkii soo magacaabeen xubno kasoo jeeda beelahooda taasoo ah qabyaalad cad xisbi nimadiina meelkaga dhacd ay. Tan waxa sii dheer labada guurtida oo aan dhex ahayn sida muuqata. Madaxweyne
Rayaale isaga daacad bay ka tahay iyo khilaafka soo afjar oo
sulux wax halagu dhameeyo laakiin dhinaca mucaaridka waa aragtaan
hab dhaqankooda qabyaaladeed ee ay ku
salaynayaan xubnahooda cusub iyo siday u duudsiyeen dadkii
xisbigooda kula jiray ugana eexdeen qabiilooyinkii ay kasoo jeedeen
iga hanta waatan maansadii aan ugu talo galay inay intaasba ka
turjunto:
|